Magacyada Allaah ee Wanaagsan Qaybtii 2aad…W/T(Ahmed Ali Kahin)

Qadiyada cilmigu way balaadhan tahay Culimada qayb kamidi waxay sheegeen waxa jira cilmi khalqigiisa ah oo wax soo-saarka cilmiga aadamaha ah sifaynta waxa jira, waxa jira sifayntiisu waa cilmi dhamaan hal-abuurada cilmiga oo la xidhiidha nooc kasta sida cilmiga bulshada oo bulshoyinka faaqida waaqacana waafaqsan caddaynina la socoto taasi waa cilmi aduun.

Lakiin waxa jira shay kale oo ah cilmiga Amarka Allaah balse cilmiga khalqigiisu waa ka ay u jiraan jaamacaduhu ee dunidu waana cilmiga aas aas’ka nolosha, muslimiinta waa in ay bartaan si ay u noqdaan dad awoodleh.

Balse cilmiga amarkiisu asalkiisu waa cibaadada “ Umaan abuurin Jinka iyo Insiga ilaa in ay i’caabudaan mooyaane” cibaadaduna waa daacad doorasho kuna xidhan jacayl qalbiga ah aas’aas keeduna yahay garasho hubaal ah taasoo ku hogaaminaysa badhaadhe waara. Sharaxaasi waxaa ku dhex jira saddex arrimood oo koobayaal ah, koobaha garashada, koobaha habdhaqanka, koobaha quruxda.

Koobaha garashadu waa asalka diinta haddii aanu muslimku ku toosin arrinka waxba kaga duuli maayaan diinta Allaah. Koobaha habdhaqanka muslimku waa mid ku toosan kuna xidhan manhajka Allaah muslimka noloshiisu waa isku xidh dhaqan-wanaag toosan agtiisana waxa yaala faralo, waajibyo, sune adag sune aan adkayn, shay banaan, shay makruuha, iyo shay xaaraana.

Cilmiga asalkiisu waa in cibaadada la aqbalo cibaadaduna way balaadhan tahay waa cibaado la samaynaayo iyo cibaada xaga macaamilka dadka ah cibaadada la samaynayo waxaa kamida tusaale salaada cibaadadaasi haggaagi mayso ilaa ay hagaagto cibaadada macaamilku taasoo ah hab dhaqankaaga aad dadka la leedahay ee maalin laha ah sida adeeg bixinta iyo allaab iibinta iyo macamilka nolosha oo dhan ee adiga kaa baxsan waa maxaa dadka kaa gaadhaya wanaag iyo xumaan dhacdooyinkaasi.

Sidaa awgeed ayay culimadu yidhaahdeen in aad maal badan la baxdo waxaa ka fadli badan in aad xaaraanta ka dheeraato taasi oo bulshada saamaynaysa xaqoodana ku qaadanaynso halka xadiiska Muslim wariyay waxa ku jirtay Allaah qof kii kaalmeeya qof muslima Allaahna wuu kaalmeeyaa kaasi macno ahaan” waana dhamaan hawlaha aduunyo sida xadiiska ku sii dhex jirta.

Sidaa daraadeed muslimiinta waxa laga doonayaa in cilmiga khalqiga Allaah yaqaanaan oo ah xuquuqda ay leeyihiin khalqiga Ilaahay waana faral ama waajib haddii cidi samayso wuu kaa dhacaaya sida haddii qof dhinto in la aa’so haddii la aa’si waayo dadkoo dhan wuu saaran yahay waajib-kaasi waana asalka wanaaga aduunyada, si aad u caabudo waa in aad taqaan wuxuu diiday iyo waxa uu kaa doonayo.

Halka cilmiga amarkiisu in aad taqaan xalaasha iyo xaaraanta, in aad taqaan axkaamta kale si dhacdooyinkaaga noloshu ugu qotomaan manhajka allaah u dhigay subxaanah “adigu toosnidaada waad ku badbaadaysaa” waayo waxaad dabaqaysaa amaradii ka wax abuura. Cilmiga amaradiisu waa faral qof kasta si gaara u saaran halka amarada khalqigiisu waa faral haddii qaybi samayso ka dhacaya inta kale.

Cilmiga khalqigiisa waa in aduunyadu wacnaato iyo awooda muslimiinta iyo cilmiga amarkiisa waa in cibaadadii aqoon loo yeesho si loo aqbalo. Lakiin waxaa hadhay cilmiga in Allaah la barto.

Cilmiga khalqigiisa iyo amarkiisa waxa uu u baahan yahay in la barto sida macalin oo kale ama kitaab oo wakhti la bixiyo lakiin cilmiga barashada Allaah waxa uu u baahan yahay in nafta lalala jihaado ama nafta dagaal la galo waxay yidhaaheen Culimada qaar “la dagaalan waad heli natiijada”.

Markaad toosan tahay ficilkuna ku qotomo dariiqa iyo manhajka Allaah dhigay markaa Allaah dheeraad buu ina siinayaa waxaanu inoo ogolaanayaa barashadiisa hadba intaad baratid, sidaa daraadeed dhamaan inta aad ficiladaada ku sugto dhamaan dhacdooyinka ku xeeran noloshaada.

Barashada Allaah waxa ina gaynaya saddex dariiq ta koobaadna waa dhugashada tilmaamihiisa dunidan ka muuqda iyo dunindan isku qoofalan.

1. Dhugashada tilmaamihiisa muuqda sida quruaanku ku nuuxnuuxsaday in la fiiriyo eegmo gun dheer gaar ahaan cirka iyo dhulka iyo habeenka iyo maalinta isbadalaaya hab sar go’an mu’minkana waa mid si joogta ah u dhugta sida aayada ku cad “waa kuwo dhugasho badan”. Si aan Allaah u barano waa in la dhugtaa Tilmaamihiisa ka muuqdaa abuurkiisa muuqda.

Aduunkuna waa aayad hadlaysa oo caddaynaysa jiritaanka Allaah iyo kalinimadiisa dhamayska tiran. Waxaana la yidhi dunidani waa quraan aamusan, Quraakuna waa duni haddlaaya, Nabiguna (NNH) waa quraan socda.

Waxa u horeeyaa waxa weeyaan in ay jiraan tilmaamo dunidan ah oo u baahan in laga fikiro waana in laga fikiraa waana waddo aamin ah sababtoo ah wax kasta oo dunidan waxaa lagu tiriyaa tilmaame kamida magacyada Allaah ee wanaagsan waana halkaan u socono qorma ahaan. Dunidan waxaad ku aragtaa raxmad Allaahna waa raxmad badane. Waxa xiga qaybta 3aad haddii Allaah idmo.

 

 

Diyaarintii : Sh.M.Nabulsi Soo Ururintii: Axmed Cali Kaahin Aakaahin@gmail.com

Bandhige.com