1. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay dadka qaar in aanay nagu colaadin ceebo naga soo daahiray balse ay nagu colaadiyaan dunwanaagga. Adiga waxay kugu colaadiyeen dabcisamida iyo inaad tahay qof gob ah oo iyaga ka duwan. Dadku ma jecla qofka iintooda xasuusiya.
2. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay tummaatidu in ay kaaga iman karto meel aanad filayn. Yeygii Aabbaha kaaga cabsanayay waad ka badbaaday laakiin walaaladaa ka maad badbaadin.
3. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay galladaha Alle ku siiyay in aan cid walba lala wadaagin. Waayo, dadka qaar waxay leeyihiin indho yuuban iyo qalbiyo qaatan oo haytooda aan ku xasilayn, balse ku taggan waxa gacmaha dadka kale ku jira uun!
4. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay hadimatalisku badiba in ay shaadh samatalis xidhaan. Ibliis baa Aabbahaa Aadam ku yidhi, “ma ku tusaa geedka waaritaanka”, walaaladaana waxay ku dheheen Aabahaa Yacquub, “Annagu isaga ayaanu u danaynaynaa” iyo “Annu isaga waanu daryeelaynaa”
5. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay in dhibtooyinku kala dhumuc wayn yihiin, dadkuna ay ku kala duwan yihiin heerka samaanta si la mid ah sida ay ugu kala duwan yihiin heerarka shar badnida. Walaaladaa kii ugu sharka yaraa baa yidhi: “ha dilina Yuusuf”
6. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay faldambiyeedyada culsi in aanay tasoobin, qofka sameeyaana si kasta oo uu ugu dedaalo inuu u dedo/ u marin habaabiyo, haddana wuxuu ilduufayaa arrimo fudud oo fadeexadin ugu filan. Walaaladaa waxay ilduufeen inay shaadhkaaga kidfaan. Oo ma Yay orgobe ah baa inta uu qof cuno haddana shaadhkiisa oo aan xarriiq yarina ku oollin ka tegi kara!
7. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay nugulkayga iyo nabarradayda in aanan dadka la wadaagin, si aanay iyada la iiga weerarin. Aaabahaa walaaladaa waxa uu ku yidhi: in yay cuno ayaan ka cabsanayaa. Iyagu na meeshii belbelaysay ayuun bay abbaareen oo ‘yay’ baa cunay bay yidhaahdeen.
8. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay in sharka iyo khayrku aanay walxaha qudhooda ku jirin balse sida loo adeegsado ay ku xidhan tahay. Shaadhkaaga ayaa mar been cad loo dillaystay (in yay ku cunay), marna isaga ayaa loo cuskaday in aad ka badbaaday yeygaa la masabbiday, mar kalena waxa ba uu noqday dawo!
9. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay; adduunyadu inay tahay goblanto! Ma meesha Adiga lagu gaday (saylad lagu taagay sida wanka), ee haddana lagu gu iibiyay dirhamyo farokutiris ah!
10. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay; dugsiyada, jaamacadaha iyo kutubtuba in ay sabab uun yihiin, baraha dhabta ahina uu Alle keligiis yahay. “لنعلمه من تأويل الأحاديث”, “آتيناه حكمًا وعلمًا”. “Xikmad iyo aqoon baanu siinay”, “si aanu u barno fasiraadda riyooyinka” hibada aqoontana in Alle uu ku bixiyo heerka taqwada. Qisadaadu waxay i bartay mucda arrinku in aanay ‘caqliga’ ahayn balse ay tahay qalbiga.
11. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay qofka gobta ahi cidna in aanu dagin, qofka raganimadu ku jirtaana samaha loo galo xumo aanu kaga abaalgudin, qofka korranina ceelkii uu ka cabbay aanu dikhayn. Maxaa ka fiican marka aad leedahay “معاذ الله إنه ربي أحسن مثواي”- Alle ayaan magansaddaye, Barbaariyuhaygu si wanaagsan buu ii daryeelay”, (xumo ugu abaalgudimaayo – inaan xaaskiisa gogol la wadaago).
12. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay aaminnimada dhabta ahi inay tahay ta qofku uu khiyaamada ka tago isaga oo awood u leh inuu wax dago, dhawrsoonida runta ahina ay tahay ta uu qofku faaxishada ka tago isaga oo fursad buuxda u haysta samaynteeda. Awoodna waad haysatay fursadna waad heshay lakiin adiga oo kale wax ma khiyaamo mana sinaysto!
13. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay qofka ilaashani in uu yahay ka Alle ilaaliyo, qofka fitnaysanina uu yahay ka doonista naftiisa ku dul negaada. Waxay i bartay in qofka milayga uu raaxda ku jiro Rabbigii ku xidhnaadaa marka uu rafaad galo in Allena garabkiisa noqnayo.
14. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay wixii Alle doonayo inuu muujiyo in aan cidina daahi karin. Markii ay ka gaabsadeen inay kuu marag furaan ayuu Alle ka hadliyay mid mujo ah oo runtii dhayda ka caddeeyay.
15. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay in xabsiyada dhexdooda dulmi badani ka jiro, dadna loo xabbiso inay dembi geliwaayeen darteed, dulmiguna uu yahay soojireen weligiiba dadka ku mataansanaa.
16. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay in macaanka iimaanku uu iidaamo qadhaadhka nolosha. Macaansiga iimaankaaga ayaa ku illawsiiyay hawkarka iyo mashaqada xabsiga! Haddii aad khiyaamada samayn lahayd (ma gaydid inaad samysid e) madaxtooyada ayaa cidhiidhi kugu noqon lahayd iyada oo ballaceedana leh.
17. Mahadsanid Yuusuf, qisadaada waxaan ka bartay dacwadda in meel kasta laga fulin karo, la hayste qasri joog ah adiga oo ah ayaad wadday, adiga oo maxbuus ah baad Alle jidkiisa ku baaqaysay, adiga oo masuul sare ahna dacwadda waad fidinaysay.
18. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay macdanta saafiga ah in aanay duruufuhu beddelin, markii aad jeelka ku jirtay waxa lagu gu lahaa (إِنَّا نَرَاكَ مِنَ الْمُحْسِنِينَ), “waanu garawsan nahay in aad samafale tahay” adiga oo mansab sare hayana markay cafiska ku waydiisanyeen waxay ku lahayeen (إِنَّا نَرَاكَ مِنَ الْمُحْسِنِينَ).
19. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay xaasidnimadu in ay thay irridda sharka. Waa denbigii u horreeay ee samada ka dhaca –Ibliis sujuudda Aadam xaasidnimo ayuu ku diiday. Waana denbigii u horreeyey ee dhulka ka dhaca –Qaabiil walaalkii Haabiil xaasinimo ayuu xawda uga jaray.
20.Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay maamul xumadu in ay qaska iyo qalalaasaha keento balse aanay keenin khayraadka oo suququl ahi. Masar aafadii abaaraha maamul wanaag iyo caqliyad maarayneed baad kaga badbaadisaye gumaro cusub u maad raadin.
21. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay dunida in xaqa iyo baadilku ku dirirtamayaan tan iyo dhamaadka. Kolba ciidamada uun baa is beddelaya. Loollankii aad Saliikha la gashay waa ka u dhexeeya shahwada iyo dhawrsoonida, loollankii aad walaaladaa la gashayna waa ka u dhexeeya jacaylka iyo nacaybka.
22. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay in jacaylku uu leeyahay ur, urtaasna ay fahmaan oo keliya kuwa isjeceli. Aabahaa urtaada ayuu helay iyada oo weli aan shaadhkaagii loo keenin!
23. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay cid aan Alle ahayn in aan loo calaacalin, murugadaadana aan lala wadaagin. Dadka haddii aad u cabato laba midkood bay noqonayaan; mid ku jecel iyo mid ku neceb. Ka kujecel haddaad u cabato werwer iyo walbahaar ayuun baad ku furi, ka ku neceb haddaad u cabatona wuu kugu wiirsanayaa. Maadaama oo walbahaarka gacalka iyo wiirsiga nacabka midna aanu wax kugu biirinayn, kolkaa ka arrimaha maamulkooda gacanta ku haya uun in aad u cabato saw maaha?
24. Mahadsanid Yuusuf, qisadaadu waxay i bartay in wakhtiyada qaar warlaawe la iska dhigo si jacayl loo waariyo, ama dhoohane la iska yeelo si xidhiidh u badbaado. Adiga oo afka ka shareeri kara (hagardaamooyinka walaaladaa kuu gaysteen) ayaad haddana si hoose oo qalbiga uun u tidhi. (عليك وعلى نبينا الصلاة والسلام)
Waxa qoray: Ad’ham Sharqawi: https://www.aljazeera.net/blogs/2017/2/26/%D8%B4%D9%83%D8%B1%D8%A7-%D9%8A%D9%88%D8%B3%D9%81
Waxa turjumay: Khadar Faarax Siciid