Mala Isku Halayn karaa Difaac-wadareedka (Herd Immunity) bulshda ee COVID-19? (WQ: Dr Abdikarim D Hassan)

Ereyga “Herd” afka Soomaaliga waxay la macna tahay “xayn” ama goosan. Waxa loo adeegsadaa xoolaha qooblayda ah sida dameer farowga amaba lo’da. “Immunity” waa u adkaysi ama iska caabin. Inkastoo kelmadu afka ingiriisiga adeegsiyo dhowr ah leedahay, hadana halkan erey bixintan waxay ugu jirtaa u adkaysiga jidhkeenu u yeesho xannuunada faafa marka difaaciisu u diyaar garoobo caabuqa ee uu samaysto agabkii uu isku difaaci lahaa.
Labada erey ee Herd iyo Immunity marka la isku lifaaqo waxay noqonayaan “Difaac Wadareed”.

Cilmiga Epidemiology-ga erey bixinta “Herd Immunity” waxay kusoo biirtay 1930-nadii. Xiligaas dhowr cilmi-baadhe ayaa faallooyin kooban ka bixiyay sida bulsho u kasban karto difaac wadareed ay iskaga caabiyayso xannuun faafa “infectious disease,” xannuunada xiligaas la faalaynaayay waxaa ka mid ahaa jadeecada, furuqa, dabaysha iyo hablo-baasta. Hasayeeshe kelmadani waxay si xoog ah inoo soo gaadhay oo warbaahintu qaadaa dhigtay bilowgii fayraska SARS-CoV-2.
Dhowr wadan oo ay ka mid ahaayeen boqortooyada ingiriiska iyo Iswiidhan ayaa bilowgiiba soo hadal qaaday in ay qorshaha ay ku waajihi doonaan fayraskan SARS-CoV-19 uu noqon doono aragtida “herd Immunity.” Fikrada laga duulayay ayaa ahayd in xannuuanda faafa, waliba kuwa fayrasku keeno, lagaga adkaan karo uun laba arimood midkood:
1. Tallaal fiican oo fayraska loo helo, kadibna si baaxad leh bulshda oo dhan loo wada gaadhsiiyo.
2. In fayrasku uu gaadho in ka badan boqolkiiba sideetan bulshada, taasina ay keeno in dafaaca jidhku fayraska barto, una samaysto gamuunkii uu ku gani lahaa (antibodies).

 

Labadaa arimood midkood ayuu ku xakamaysmi karaa fayraska faafidiisu. Sidaa darteed, mar hadii aan tallaal lahaynin, tallaabada labaad waa in fayraska loo ogolaado in uu dad badan sadheeyo (ugu yaraan boqolkiiba sideetan bulshada) si difaacoodu ula qabsado oo isaga caabiyo fayraska, sidaana bulshadu u kasbato difaac-wadareed (herd Immunity). Waxa jira Fayrasyo aan tallaalna loo haynin, herd immunity-na aan laga yeelan, sababta oo ah fayraska oo ah mid sanadka bilaha qaar uun faafa (seasonal virus) sida fayrasyada durayga keena (Influenza viruses). Sababta loogu waayay tallaal, herd immunity-na loogu samayn waa fayraska oo dubkiisa bedela xilikasta, iskana dhiga mid cusub oo jidhku aanu hore u aqoon.
Fayrasyadaa aan difaac-wadareed “herd immunity” laga yeelan waxa ka mid ah noocyo Coronavirus-yada ah oo sida caadiga ah keena duray khafiif ah. Hadii SARS-CoV-2 uu la mid yahay coronavirus-yada ay isku qoyska yihiin waxa la saadaalin karaa in qofka ka bogsadaa aanu yeelan doonin difaac mudo dheer jidhkiisu joogteeyo. Laakin uu samayn doono uu difaac kooban oo sii shaqeeya dhowr bilood. Waxa socota dood cilmiyeed aan wali dhinac na lookala dhicin oo ku saabsan qofka COVID-19 safmaro kadibna jidhkiisu sameeyo Antibodies ka lagaga hortago fayrasku, intee in leeg ayuu sii haysan karaa difaacaas. Xogta ilaa hada la faafiyay waxa tilmaamaysaa in aan la xaqiijin karin in mudada difaaca jidhkeenu uu xasuusnaan karo SARS-CoV-2.

Marka xogtaas aynu soo tibaaxnay maskaxda lagu hayo, isla markaana aynu ognahay khatarta wayn ee lasocota xannuunka COVID-19, khubarada epidemiology-ga iyo hay’adaha qaabilsan daraasadaynta xannuunkan (American center for disease control (CDC), European Center for Disease prevention and control) waxay ku taliyeen in aanay habboonayn in la ogolaado in Fayraskani si fudud u faafo iyadoo la bartilmaameed sanayo difaac wadareed (herd immunity). Taasi waxay keeni doontaa in tiro aan la maarayn karin oo dad ahi ay mar usoo wada dhacaan xannuunka oo ay qarqiyaan nidaamka caafimaadka ee xattaa dalalka ugu caafimaadka fiican.
Ugu danbayntii, waxa inala gudboon in lasii xoojiyo tallaabooyinka lagu xakamaynayo faafida xannuunkan COVID-19. waa in aynaan karaar jabin. Kala fogaanshaha “social distancing”, guriga oo lagu koobnaado hadii aan howl daruuri ah loo baxayn, faraxalashada oo lasii kordhiyo, iyo in loo hogaansamo go’aanada kasoo baxaya gudida ka hortaga iyo xakamaynta COVID-19 ayaa waajib ku ah dhamaan bulshada si aynu u yarayno khatarta xannuun kani inagu keeni karo.

Ramadaan kariim dhamaantiinba