Waa hogaamiyihii jamhuuriyada china oo madax banaanideeda heshay sanad kii 1949-kii.
Waxay keliya 11 sano ka weyn tahay somaliland tii madax banaanideeda heshay sanadkii 1960-kii.
Hogaamiyahani wuxuu utafo xaytay una badheedhay 400 million oo shacabka china kamida oo ay ragaadiyeen daroogooyin (Marjuana iyo hafyun) inuu ka saaro oo la dagaalamo caqabadaas, kuna riyoodi china lamid ah kan 2018 ka , wuu ku guulaystay hankiisii weynaana wuu romoobay dariiqii uu jeexay una jideeyay dhalinyaradii ka dambaysay ayaa horseeday in china noqdo dalka sadexaad ee dayaxa u diray cir bixiyeeno amaba dad nool. Isaga oo ka hoos baxay gumaysi.
Hada china waa lama qiyaasan xaga dhaqaalaha iyo awooda ganacsi ee dunida oo dhan uu kuleeyahay sida laogyahay waa suuqa wax soosaarka aduunka dunida oo idilna magaca china waa laga yaqaan iyada oo weliba ay jirto awoodii ciidanka.
Waxaa cajiib ah inaanu dalkani lahayn khayraad weyn oo dabiici ah, halka ay bada dusheeda wax ka beeraan. Sidoo kale cidna aanay kaalmo ama caawimo ku siin koriinkooda.
Marka hogaamiyuhu han weyn leeyahay sidookale jideeyo ama qorshe u dejiyo dalkiisa kaasoo mid barwaaqeed ah, jiilalka dambe ayaa haga ugu dambayna guusha gaadha.
Wuxuu xafiiska joogay ilaa June 19, 1945 โ September 9, 1976 oo uu bakhtiyay xiligaas.
Waa ninku weyn dhamaan taariikhda china, shacabkuna ku dhaartaan.
Qisasku waa muhiim in wax laga qaato waxna laga koror sado.
Hadaba ka somaliland maxay noqonaysaa waxa aynu ka faaidayno qisada noocan oo kale ah.
Ugu horayn mida koowaad ee aynu kafaaidi karnaa waa ka samato baxa aafooyinka maandooriyaha oo ay ina haysato aafada maandooriye yaasha (qaad ka iyo qabyaalada).
Qaadku waa maandooriye halis ku ah caafimaadka iyo dhamaan waax yaha nolosha qofka, qoyska , bulshada iyo qarankaba. Sidaas oo ay tahay hadana lama mid aha kuwii haystay china ee qaadka wuxuun baa dadka miyirku ku hadhayaa.
Qabyaaladu waa maandooriye halis ah runtiina waxay la dhigantaa ama ka heersaraysaa daroogoyinka (marjuna) , marka la meeris raaco sidaย iyo qaabka ay ukala fogaynaso bulshada oo noqonaysa qaybo iyo qabiilo diriri dhextaalo. Sidaas uu ay tahayna ka hadhaya dhamaan hiigsiga badhaadhaha iyo horumarka.
Waa qeexitaan aan horre ugu qeexay qabyaalada , ag dhigayna daroogoyinkaa halista ah.
Mid labaad ee aynu ka faaidi karnaa waa bulsho dhiska iyo qaabkan loo dejinayo qorshaha dal ee shaqaynaya muddo dheer xitaaa iyada oo hogaamiyihii dejiyay dhintayba. Taasina waxay ku imanaysaa sida loo dhiso bulshadaas loona qaabeeyo korna loogu qaaday aqoontooda kala duwan, iyada oo laga dhigayo bulsho tartan kula jirta kuwa markaa horumarka hogaaminaya.
Siloo gaadho dariiqyadan amaba dhabadan horumarka waxaa muhiin ah in loo fikiro si balaadhan bulshadana loo dhiso caqliga iyo hanka , iyada oo kor loo qaadayo aqoonta dhinackasta.
ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย โฆโฆโฆWabilaahi Tawfiiqโฆโฆ
W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir
Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan
Barre Jamacadeed
Abwaan Dareen Cabirre Ah
Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha
Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan
Kafaalooda Arimaha bulshada
Siyaasada Somalida Iyo Caalamka
Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah
Dhexdhexaad Xeer-beegti ah
Xil Guudna Sidda.
Email:ย Ismail1234921@gmail.com
Mob: +25263 409 48 55