Marin habowga iyo milgo-beelka Madaxnimada ee maanta taala Somaliland (WQ: Bare Sare Maxamed Cumar Dhagax)

 

Dalkeena Somaliland wuxuu soo maray xaalado adag oo ay ku soo gaadhay heerka ay maanta joogto, wuxuuna heerkan ku soo gaadhay milgihii iyo mililicii bulshadu u qabtay dal madax banaan iyo dawlad miisaan wacan leh, hirgelinta iyo ka midha dhalinta arinkaas waxaa kabaha u iladay oo habeen iyo maalin ba heegan u ahaa madaxdii iyo masuuliyiintii tallada loo dhiibay waayadii kala danbeeyey; madaxdii waagaas arimahan hirgelisay waxay arimahaa ku hanteen oo kaga gun gaadheen damiirkii iyo dareenkii wacnaa ee ay dadkooda iyo dalkooda la hor yimaadeen iyo sidoo kale kalsoonidii iyo jacaylkii ay bulshadu u qabtay madaxdooda.

Hadaan intaas hor dhac ahaan uga imaado bal aan amin siiyo in aan wax ka xuso xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland soo mara halkan ay maanta joogtona keenay. Sanadkii 1997kii waxaa mar labaad madaxweyne loo xushay AHUN Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxaa isna madaxweyne ku xigeen loo soo xushay Mudane Daahir Rayaale Kaahin, haddaba labadaas masuul ee la soo igmaday waxay soo dhiseen dawlad loo bogay lana odhan karo waa lagu badhaadhay. Xukuumadaas xiligaas Somaliland loo igmaday waxay Somaliland soo gaadhsiisay in loo codeeyo dastuurka Somaliland, sidoo kale in la sameeyo xisbiyo oo dalku ka baxo nidaamka beelaha lagu soo xulanaayo mudanayaasha golayaasha, madaxtooyada oo uu dhamaystiray Madaxweyne Daahir Rayaale kaahin ka dib geeridii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal AHUN; waagaas uu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Madaxweynaha ahaa wasiiradu wax baabuur ah ma lahayn oo waxay shaqadooda ku tegi jireen lug, bulshaduna waa ay ku kalsoonaayeen madaxdooda jacayl xad dhaaf ahna waa ay u qabeen, madaxduna waxay lahaayeen maamuus, milgo iyo sharaf aan la soo koobi Karin, waxayna ku mutaysteen dareenkii ay la wadaageen bulshada ee daacadnimadu ku dheehnayd ee ay ugu adeegi jireen.

Haddaba markaan tilmaamo kalsoonida iyo jacaylka madaxda ay bulshadu u qabtay waxaan si fudud tusaale ugu soo qaadanayaa dhacdo ka dhacday magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka sanaag; dhacdadaas oo ahayd sidatan ( Gudoomiyihii Gobolka Sanaag ee Waagaas AHUN Marxuum Yuusuf Ciise Ducaale Talaabo, ayaa maalin maalmaha ka mid ah is casilay oo sheegay inuu xilkii dhigay uu bulshada Gobolka Sanaag iyo Qarankaba u hayey, balse maxaa dhacay ayaa is waydiin leh; dhamaan Bulshadii Ceerigaabo yar iyo waayeel iyagoon qabiil iyo qolo kala lahayn ayey dhamaantood ka daba tageen Badhasaabkii oo safar kooban ugu kicitimay Xawaalka (Qabriga) Xaaji Muuse Ismaaciil oo magaalada Ceerigaabo kaga began dhanka Waqooyi Galbeed, mana ay soo noqon ilaa Gudoomiyihii Gobolka soo celiyaan oo uu ka tanaasulo is casilaadii, taasina waa ka aqbalay mudane Talaabo AHUN). Dhacdadaasi waxay si toos ah kuu tusaysaa jacaylka iyo kalsoonida bulshada iyo madaxdoodu isku qabeen oo ahayd mid aan marna af lagu xusi Karin.

Haddaba dhacdadaas mar danbe oo aan baranaayey Sooyaalkii Dawladihii Islaamka ee dunida soo maray ayaan ku soo bartay sooyaal ka dhacay dalka masar oo ay markaas ka sii jirtay Boqortooyadii Islaamiga ahayd ee Ayuubiyiinta, in ay dawladii Masar ka talinaysay iyo Shiikhii ugu weynaa ay isku dhaceen (Al-Cisat Binu C/Salaam) oo aan isagu u dhalan Masar balse u dhashay dhanka Shaam (Siiriya), ka dibna waxaa Qaahira iskaga guuray oo ka tegay Shiikhii Al-Cisat oo baadiye ku dhaw Qaahira uga guuray waxaana dhacday in dhamaan bulshadii sheikh, shariif, caamo, culimo, ganacsato iyo Garab-rartoba ay iyaguna ka daba guureen oo aadeen baadiyihii Shiikhu degay bartaasna ay la degeen. Waxay arintani ku tusaysaa karaamada saraysa ee uu shiikhu ku lahaa bulshadaas.

Haddaba hadaynu dhinac kasta ka eegno bulshada reer Somaliland waxay madaxdooda u jeclayd six ad dhaaf ah kalsooni aad u bandanna way ku qabeen, sidoo kale madaxduna way u hagar bixi jireen dalka iyo dadkaba waana tan keentay in sidaas loogu kalsoonaado oo ay ku helaan MANSAB, MILGO, SHARAF, QADARIN, KALSOONI, JACAYL. Halkaas waxaa si toos ah aad uga garan kartaa in aan kalsoonidu ahayn hadba haynta iyo hantida dalka taalaa in aanay ahayn waxa abuura jacaylka iyo kalsoonida madaxda lagu qabo ee ay tahay hadba siday dadka iyo dalka iyagu ula dhaqmaan hadii ay wax wanaagsan qabtaan waxaa loogu abaal gudayaa jacayl iyo kalsooni, hadii ayse dalka iyo dadka khaayimaan oo dibin-daabyo, hagardaamo iyo boob kula kacaan in la nacaayo oo aanay jirayn cid rabtaa oo danaynaysa madaxda.

Isku soo wada xooriyoo waxaad maanta dalkeena ku aragtaa in uu maraayo marxalad aad u xun oo dadku ka niyad jabeen hogaankay fartooda ku doorteen ha ahaadaan golayaal, madaxtooyo iyo wasiirada iyo madaxda kale ee xukuumada la doortay ay ka kooban tahay. Sababtu ma wax kaa qarsoon baa mise toos ayey kuugu cadahay?

Ugu danbayntii waxaynu u baahanahay in aynu helo oo ay soo laabato madax inala dareen ah oo ina metela oo dhib iyo dheefba inala wadaagi kara, kuwaas oo aan ahayn kuwo guryahoodu ka dhisan yihiin qurbaha, caruurtoodu aanay joogin qurbaha, aan doolarka jeclayne jecel oo aaminsan lacagta aynu leenahay ee Somaliland Shilin, bal u fiirso xukuumada iyo golaha heer qaran ee la doortayba! Boqolkiiba intee ayaa inala dan iyo duruuf ah oo maanta diifta iyo dayaca inaga muuqdaa ay iyagana haystaan.

 

ALLAA MAHAD LEH

Bare Sare Maxamed Cumar Dhagax