Marka Ay Kulmaan Salaadaha Ciidda iyo Jimcuhu Maxaa la Samaynayaa? (WQ: Cabdirisaaq Rakuub)

Marka Ay Kulmaan Salaadaha Ciidda iyo Jimcuhu Maxaa la Samaynayaa?

 

Muddadii mar ayaa maalinta jimcaha ciid ku soo beegantaa. Fuqahada Islaamku waxa ay iswaydiiyaan maxaa laga yeelayaa? Miyaa la wada tukanayaa mise mid baa midda kale ku filnaanaysa? Wakhtigii Rasuulka ma dhacday in ay isku soo beegmaan?

 

Axaadiis badan waxa ay tilmamayaan in wakhtigii Rasuulka maalin jimce ah ciiddu ku soo beegantay. Dhammaan axaadiistaasi waxa ay sugayaan in Rasuulku labada salaadood ba oogay. Waxa se iswaydiinta keenay ayaa ah in Rasuulku NNKH, axaadiistaa raacinayo ereyga ah: qofkii doonaa ha tukado.

 

Khilaafka masaladu waa fahanka: qofkii doonaa ha tukado. Waxa taas sii labaynaya saxaabada oo arrinkan si kala duwan uga falceliyey. Waa sababta fuqahada madaahibtu arrinkan isugu khilaafeen. In kasta oo la odhanayo jumhuurta madaahibtu meel bay marsan yihiin.

 

Mad’habta Xanaabiladu waxa ay qabaan in aan salaad Jimce lagu lahayn qofka tukada salaadda Ciidda, se imaamka masaajidku uu tukanayo si ciddii rabtaa ula tukato. waxa ay daliishadeen in Mucaawiye Bin Abii Sufiyaan uu waydiiyey Sayd Bin Arqam: laba maalmood oo ciid ah oo ku kulmay hal maalin wali goobjoog ma ka noqotay wakhtigii Nabiga, markaasu yidhi ‘Haa’, deeto Mucaawiyaa yidhi: muxuu yeelay markaa Suubbanuhu: waxa uu yidhi Sayd, “Salaaddii Ciidda ayaa uu tukaday, waxaanu dadka ikhtiyaar u siiyey waxa ay ka yeelayaan Jimcaha, waxaanu yidhi: kii doonayaana ha tukado.” waxa soosaaray Abuu Daa’uud, Nasaa’i, Ibn Maajah, Daaraamiy, iyo Xaakim oo Mustadraggiisa ku soosaaray.

 

Xanaabiladu in aan la tukanayn jimcaha waxa ay u xujaystaan axaadiis dhowr ah sida xadiiska Cabdillaahi Bin Cumar uu yidhi, “Waxa kulmay laba ciidood (Jimce iyo maalin Ciideed) wakhtigii Rasuulka, dadka ayuuna tukiyay, waxa aanu yidhi: qofkii doonaa in uu Jimcaha soo xaaddiro ha yimaaddo, qofkii raba in uu iska joogana ha joogo. Ibn Maajah ayaa soosaaray.

Ibn Khusayma wuxu soosaaray in Ibn Subayr yidhi: Cumar Bin Khaddaab marka laba ciidood kulmaan( Jimce iyo maalin Ciideed) sidan oo kale ayuu yeeli jiray (Salaad Jimce uma soo bixi jirin).

 

Cali Bin Abi Daalib, waxa isna laga hayaa in uu yidhi, “Marka ay kulmaan laba cidood, qofkii doonaa in uu jimcaysto ha jimcaysto, qofkii doonaa in uu gurigiisa iska joogaana, ha joogo.” Musanafka Cabdirisaaq.

 

Mad’habta Shaaficiyadu waxa ay qabtaa maalin Jimce ah hadday Ciiddu ku soo beeganto in labada ba la wada oogayo, oo aan Jimcaha laga tagayn. Waxa ay qabaan dadka laga dhaafay in ay labadaba wada ogaan ay yihiin dadka meelaha fog-fog ka uga yimid oogista salaadda Ciidda. Waxa ay u cuskadaan xadiiska Abu Hurayra in Nabigu NNKH, yidhi, “Waxa kulmay maalintiinan laba ciidood ( Jimce iyo Ciid) qofkii doonaa way ka gudaysaa ( salaadda ciiddu) salaaddii Jimce, anaguna waanu Jimcaysanaynaa”. waxa soosaaray: Xaakim, Abuu Daa’uud, Ibn Maajah Bayhaqi. Xadiiskaa waxa sii xoojinaya xadiiska Cabdillaahi Ibnu Cabbaas in uu Rasuulka yidhi, “Laba ciidood ayaa ku kulmay maalintiinan, qofkii doonaa way ka gudaysaa ( salaadda Ciiddu) salaadda Jimcaha, annaguna waanu jimcaysanaynaa Inshaa’Allaahu.” Ibn Maajah.

 

Mad’habtani waxa ay leedahay ugu horrayn salaadda Jimce waa faral, halka salaadda Ciidduna tahay sunne la adkeeyey. Kolkaa sidee suuragal u tahay in sunne gudo waajib? Fahanka xadiisku waa in Rasuulku la hadlayey dadkii salaadda Ciidda la soo tukaday ee magaalada cidhifyadeeda ka yimid. Waxa ay leeyihiin Rasuulku wuxu doorasho siiyey in ay sii joogaan iyo in ay dib u noqdaan kuwaas. Laakiin reer Madiina iyaga doorasho ma siin. Waxana caddaynaya hadalka xadiiska ku jira ee ah annagu waanu jimcaysanaynaa. Rasuulku ma odhan anigu waan jimcaysanayaa, laakiin waxa uu yidhi annagu waanu jimcaysanaynaa. Taasi waxa ay muujinaysaa in cidda la la hadlayaa ay ahayd dadkii aan reer Madiina ahayn.

 

Mad’habta Shaaficiyadu waxa kale oo ay cuskadaan Cismaan Bin Cafaan in uu yidhi, “Dadoow, maanta waa maalin ay dhexdiisa laba ciidood ku kulmeen, qofka jeclaysta in uu sugo salaaddda ee ka mid ah dadka deegaanada durugsan ka yimid, ha sugo, qofkii jecel in uu noqdo( oo aanu tukanna) ha iska noqdo waan fasaxay e’.” waxa soosaaray Bukhaari. Hadalkaa Cismaan, cid saxaabada ka mid ah oo ka hortimid ma jirto, waana hadallada saxaabada ta ugu qumman xagga sugnaanshaha.

Nawawi waxa uu ku soo guuriyey Majmuuca, isaga oo soo raraya hadalkii Jumhuurta: “Waxa aanu xusnay in Salaadda jimce ku waajibtay dadka magaalooyinka deggan, waana sida ay yidhaahdeen hormuudkayagii Cismaan Bin Cafaan iyo Cumar Bin Cabdicasiis.”

Mad’habta fiqigaa ee Xanafiyadu waxa ay yidhaahdeen: Ciiddu waxa ay ku sugnaatay sunnada, salaadda Jimcana waajibnimadeeda waxa lagu sheegay Qur’aanka. sida ku cad aayaadda 9aad ee suuradda Al-jumcah, waana hadal ku wajahan qof kasta oo maqla Eedaanka amaba u dhow goobaha saaladda lagu oogo, waana aayad si go’an u tilmaamaysa waajibnimada Salaadda Jimcaha. Abuu Xaniifa waxa uu yidhi: Salaadda Jimcuhu kama dhacayso dadka magaalada deggan iyo kuwa tuulooyinka deggan.

Mad’habta Xanafiyadu waxa ay ku tagsan yihiin qaacidada ah: Salaadda jimce waxa ay faral ku tahay qof kasta oo Muslim ah, qaangaadh ah, lab ah oo nagiya. Halka salaadda Ciiddu tahay sunne la adkeeyey. Kolkaa waxa ay leeyihiin sidee ayuu sunne meesha uga saari karaa faral Quraanka lagu sheegay? Waxa ay ku tagsan yihiin in labada salaadood la oogayo.

Maalikiyadu iyagu waxa ay ku tageen in salaadda Ciiddu aanay meesha ka saarayn salaadda Jimce. Sarqaani waxa uu soo guuriyaa in imaam Maalik yidhi, “Ma bannaana in jimcaha laga tago, xaalad kasta oo ay tahayba. Sababta oo ah Jimcaha Quraankaa sheegay. Faralkana madaxdu ma amri karto in laga tago.” Imaamku isagu wuxu qabaa xataa kuwa magaalada soo gaadhay si ay ciidda u tukadaan lagu leeyahay jimcihii, in kasta oo badh ka mid ah mad’habkiisu qabaan dadka aan deegaanka ahayn in aan lagu lahayn Jimcaha.

Alqaadi Cabdiwahaab Al-Maaliki wuxu leeyahay, “Haddii ay kulmaan ciid iyo jimce, midna midda kale meesha ka saari mayso, Jimcuhu waa waajib, Ciidduna waa sunne la adkeeyey, mana bannaana in sunne faral looga tago.”

Ibnu Rushdi wuxu yidhi: Maalik iyo Abu Xaniifa waxay sheegeen haddii ay kulmaan Jimce iyo Ciid in aan Jimcaha laga tagi karin. Sababta oo ah Jimcuhu waa waajib, Ciidduna waa sunne.

Ibnu Xasmi oo ah asaasaha mad’habta fiqigaa ee Daahiriyadu kitaabkiisa Al-Muxalla wuxu ku leeyahay, “Jimcuhu waa faral, Ciidduna waa sunne, sunnuhuna faral ma joojiyo.”

Madaahibta Shaaficiyada, Maalikiyada, Xanafiyada iyo Ibnu Xasmi waxa ay ku taagaan yihiin Ciiddu kolka ay ku soo beeganto Jimce in la oogayo salaaddii Jimce. Waxa ay u cuskanayaan in salaadda Jimce faralnimadeeda Quraanku sheegay, in aan Rasuulku NNKH, kolkay isku soo beegmeen aanu dayn oogista salaadda Jimce. Waxa ay fahan ka soo saareen xadiiska sheegaya in qofkii doonaa iska dayn karo, ay leeyihiin socotadii Ciidda magaalada timid baa laga hadlayey, waxa ay ku xoojisteen ficilkii Cismaan Bin Cafaan ee saxaabadu ku waafaqday. Sidaa daradeed arrinku wuxu ku soo afmeermayaa in aan faral sunne loo daynayn. Salaadda Jimce na ay tahay faral la oogayo. Taas qudheeda ayey Xanaabilada qaar qabaan oo leeyihiin si khilaafka looga dheeraado hala oogo Jimcaha.

Midda labaad doodda ah cidda tukata salaadda Ciidda in aan lagu lahayn Jimce iyo Duhur midna waxa loo xujaystaa xadiiska Caddaa Bin Abii Rabaax in uu yidhi: Ibn Subayr ayaa na tukiyay salaad ciideed maalin Jimce, deeto wakhtigii jimcaha markii ay gaadhay ayaanu nimid, noomana uu soo bixin, deeto keli keli ayaanu u tukannay. Ibn Cabbaas waxa uu ku sugnaa Daa’if, markii aanu u sheegnay, waxa uu yidhi: Sunnihii ayaa uu haleelay. Abii Daa’uud ayaa soosaaray.

Hadalka Ibnu Subayr ee ah in aanu u soo bixin salaad Jimce waa warsugan, laakiin in aanu duhur tukan warsugan maaha. Sancaani wuxu leeyahay; wax qarsoon maaha in uu Caddaa ka warramay in aanu Ibnu Subayr u soo bixin salaad Jimce, laakiin daliil uma aha in aanu duhur tukan. Warka sugan waxa weeji in Ibnu Subayr ku tagsanaa in aan salaadda Jimce ka dhacayso, laakiin duhurku war sugan maaha in uu ka tagay.”

Warka ah qofka salaadda Ciidda tukada laguma laha Jimce iyo Duhur waa mid waajibyada diinta ka hor imanaysa.

Saxaabadana war si cad uga sugan maaha, hadalku waxa uu taagan yahay in Ciiddu meesha ka saarayn Jimcihii, laakiin in xataa duhurkii la raaciyo hadyigii Rasuulka maaha, kuwii saxaabada maaha. Cidda arrinkaas qabtaana waa cid xujadu ku yartahay.

Gun iyo gunaanad salaadda Ciiddu meesha ka saari mayso salaaddii Jimce. Qofka tukada salaadda Ciidda waxa waajib ku ah in uu tukado salaaddii Jimce. Waa sida ka sugan Rasuulka NNKH, Cismaan Bin Cafaan oo saxaabadii waaweynayd ee reer Madiina ku waafaqeen, sida oo kale ka sugan madaahibta fiqigaa badankooda.