Aan tusaale u soo qaato mid ka mid ah dhallintii saamaynta badnaa, Yusuf-Xusni Xuseen Ismaaciil (Master of project management) mulkiilihii ILKACAS JOURNAL, (Uganda) mawaaliyihii inta maadda jecel, maagihii cidda uu doono, heli ogihii hadalka haboon, soo saarihii sawirada sar-gacan, suugaan dhaadhigii sirta heli ogaa, tixraacihii tagtada adduun, mudane Yuusuf Xuseen Ismaaciil xaguu aaday, sababtuna maxay tahay?
Yuusuf waxa uu, u dhashay Somaliland, waana mid ka mid ah jaamiciyiinta debedda wax ugu soo bartay dalkan. Waxa na kulmiyay halgankii waxbarasho ee heer jamacdeed iyo waayihii Addis Ababa taas oo nagga dhigtay dad si xeel dheeri ah u wadaaga hadba wixii taagan. Maalmo kadib markii madaxwayanaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabillaahi “Farmaajo” Muqdisho lagu doortay ayuu Yusuf-Xusni Ugandha iga soo wacay wuxuuna ii sheegay in uu MAWQIFKII SII HORE EE SIYAASADEED BEDELAY, imika laga bilaabana uu la jiro siyaasadda Muqdisho isaga oo taana ku sababeeyay jiho la’aanta siyaasada Somaliland iyo barnaamijyada siyaasadeed ee xisbiyada qaranka oo qancin waayay.
Waxan waydiiyay dhowr su’aalood: Mudane Xusni.
1- Ismaciil Buubaa iyo Prof Axmed Ismaciil Samatar oo kaa siyaasisan oo kaa aqoon badan waxa ay Soomaaliya ugu soo noqdeen miyaad iswaydiisay?
- Muqdisho ma isku hubtaa? mase kula tahay in rer waqooyi laga soo dhawaynayo halkaas?
- Qoladii reer waqooyi ee kaa horaysay ee Muqdisho joogtay way cabanayaane mala socotaaa?
Su’aalahaas iyo kuwo lamida ayaan waydiiyay, saaxiibkayna wuxu uga jawaab celiyay qaab mucjiso ah. Coldoon ayaa kasii horeeyay Yuusuf, si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in markii siyaasiyiinta Xisbiyada Somaliland ay ku guuldaraysteen in ay himilo u abuuraan shacabka iyo dhallinyarta waddanka si ay u hiigsadaan, ugu faanaan, uguna mashquulaan uga shaqeeyaan gaadhista himiladaas hoggaankoodu u dhigay. Hase yeeshee markii jaaniskan la dayacay ayaa waxa u suurto gashay in siyaasiyiin kale ay ka faa’iidaystaan quluubta shacabkeena, waad ogaydeen markii Farmaajo la doortay baraha bulshada ee ay isticmaalaan reer Somaliland waxa aynu ka daawanaynay waxa kasocda muqdisho, sidaynu ogsoon nahayna beryahan danbe dadku waxay baraha bulshada ku baahiyaan hadba waxa laabtooda ka guuxa, (what is in your mind).
Haddaba maxaa sababay in sidani dhacdo? illayn hadday shacabku ay ka hadlayaan arrimaha siyaasadaha jaarka, waxay ahayd in kaliya ay ku hadlaan siyaasiyan waxa maamulkooda iyo madaxdoodu ka aaminsan yihiin waddankaas, se miyay dhacday sidaasi maya, sabab?
Waxa keenay siyaasiyiintoodii ayaa dadka mashquulin waayay, dabeetona waxaa mashquulisay siyaasiyiinta wadamada jaarka, oo la yimi siyaasad ruuxa quluubta laga abaarayo, haye dee waa kuwaas durbaanada u tumaaya meel aan laga dalban.
Xalka:- xadhigu wuxuu noqon karaa xalka ku meel gaadhka ah ee joojinta ficil khaldan laakiin maaha dawada saxda ah balse waxa ka fiican adoo qofka qalbigiisa bedela iyo wuxuu aaminsan yahay, ogowna haddaad hoggaamiye muwaadinka ku qancinwaydo siyaasaddaada la soco in wax kaa qaldan yihiin, sidaa daraadeed siyaasiyiin Somaliland waxa u taala in arrinkaas wax laga bedelo oo dalka iyo dadka himilo cad loo sameeyo, siyaasad cadna qalibigooda lagu barogaraamiyo, oo asxaab iyo shicibka himiladaasi quluubtooda ka guuxdo, ilaa laga rumeeyo taasi marka la gaadho haddana tukaale. Insha Allah, oo dhallinta shaqooyin loo abuuro, haddii kale dee xoog dadka kuma haysan kartid, xadhig qudhana xal maaha.
Mustafe Cabdillaahi Xasan “Rayaale” (Master of sociology)