Masaajidda iyo goobaha fitnada – Isbeddel u baahan isbeddel kale! (WQ: Dr-Abdulqani Hussein Bederi)

Isbeddelka qofka, bulshada iyo guud ahaan noloshu waa wax nolosha lafteeda qeyb ka ah, hase yeeshee isbeddel kastaa ma ammaanna, fiiro dheeraad ah ka dib waxa ii soo baxay in isbeddellada dhacaa saddexdan khaanadood mid uun gelaan:

1- Isbeddelid togan (Positive change), kani waxa uu u baahanyahay xoojin iyo taageero.

2- Isbeddelid taban (Negative), kanina waxa uu u baahanyahay joojin iyo isbeddel cusub oo togan in lagu beddelo.

3- Isbeddel nisbi ah, waa mid isku jir ah oo loo baahan yahay in dhinaciisa fiican la xoojiyo, dhinaca xunna la yareeyo.

Waxyaalaha isbeddelka weyni ku dhacay nolosheenna waxa ka mid ah kaalintii masaajidku ku lahaan jiray bulshada muslimka ah dhexdooda.

Masaajidku heerar kala duwan oo badan ayuu soo maray, isbeddelka ugu weyni se waxa uu dhacay wakhtigii caalamka islaamka uu gumaystaha gaalka ahi qabsaday.

Isbeddel kasta oo masaajidda ku dhacaa waxa uu ka tarjumayey heerka iimaanka bulshada, markasta oo kaalinta masjidku xoogaystaa waa markasta oo diintu laxaadsato, markasta oo kaalinta masjidku qarsoontaana waa markasta oo iimaanku laciifo.

Ku xidhnaanta masjidku waa calaamadda iimaanka qofka, sidaa awgeed ayuu Rasuulku โ€“scw- ugu daray acmaasha waaweyn ee Alle hadhayntiisa lagu kasbado maalinta qiyaamaha ee cadceedda la soo dhoweynayo โ€œku xidhnaanshaha masjidkaโ€.

Sidoo kale Alle markuu ammaanayey guryihiisa-waa masaajidda e- waxa uu yidhi waxa gelin hore iyo gelin danbeba ku tasbiixsanaya rag aanay ganacsiga iyo wax kala iibintu ka mashquulinnin xuska Alle, salaadda iyo sakada bixinta, kuwaasoo ka BAQAYA maalinta ay qalbiyada iyo indhuhu gedgeddoomayaan-cabsi awgeed-.

Dadka masaajidda camira Alle waxa uu uga markhaati kacay iimaan, waxaanu u qiray hanuunsanaan.

โ€œMasaajidda Alle waxa camira uun, kuwo Alle iyo maalinta aakhiro rumaysan, oo salaadda ooga, oo sakada bixiya oo Alle keligii ka CABSADA, waxa hubaal ah in ay kuwaasi kuwa hanuunsan ka midyihiinโ€ Tawbah: 18.

Camal kasta oo dadka masaajidda ku xidhayaa waa camal suubban oo ajar lagu helayo, taa liddigeedana camal kasta oo masjidka kaalintiisa bulsho lagu yareynayo, dadkana lagaga fogeynayaa waa camal shaydaan, waxaanu soo hoos gelayaa aayadda uu Alle ku leeyahay: โ€œYaa ka dulmi badan kuwa masaajidda Alle in Alle magaciisa lagu xuso dadka u diidaya, una xusul duuban kharaabintooda, kuwaasi ma mudna in ay galaan iyaga oo baqaya mooyaane, adduunyada dullinnimay leeyihiin, aakhirana cadaab weynโ€Albaqara 114.

Isbeddelka maanta jira ee ah in masaajiddii looga guuro goobo kale oo lagu kulmo, wakhtiyo badanna lagu sugnaado, sida hoolalka iyo goobaha kale ee saacadaha badan lagu qaato, waa isbeddel taban oo isbeddel u baahan.

Looma baahna in culimada loogu baaqo in ay dadka masaajidda ka fogaaday ka dabatagaan oo baraha bulshada iyo rugaha fanka ee lagu fitnoobay kula soo sheekaystaan, isbeddelkaana la qabsadaan oo la jaanqaadaan, ee waxa loo baahanyahay in isbeddelka sida xun la isu beddelay la daweeyo, oo dadka iimaankooda la xoojiyo si ay masjiddii ugu soo noqdaan, mudnaantii ay lahaayeenna u siiyaan.

1- Ma jirto masโ€™uuliyad ka weyn in lagu mashquulo toosinta dadnimada bulshada.

2- Ma jiro camal ka qiima badan kii Anbiyada oo ahaa in dadka rumayntooda diimeed la xoojiyo.

3- Ugu danbeyn ma jiri karto dadnimo qiimo leh oo ku dhismi karta iimaan laโ€™aan.

 

Dr-Abdulqani Hussein Bederi