Masuuliyadda aqoonyahanka (WQ: Abdulqani Beder)

Xilka ugu muhiimsan ee ay aqoonyahanka diintu hayaan waxa weeye dhaxalkii Nebiga-scw-, Nebiga waxa laga dhaxlay ee xilkiisu ahaa 1)Tacliimin/waxbaridda iyo 2) Daahirinta ruuxda (Taskiya) oo macnaheedu yahay in qofka laga shaqeeyo sidii iimaankiisa iyo dhaqankiisa Alle ka cabsiyeed loo xoojin lahaa, sidaas aayado badan ayaa sheegaya, sida aayadaha Suuratal Baqara ee: 129 iyo 151, aayadda Aalcimraan:164, iyo aayadda Aljumca 2.

Tacliiminta waxa ka mid ah in dadka fahamkooda la toosiyo oo la baro xikmadda nolosha, dhacdooyinka iyo ujeeddooyinka ka danbeeya, u fiirso dhacdada la yaabka leh ee aayadaha aan sawir ahaanta halkan u soo dhigay, fahamka caamadda ee ku aaddan iyo sida ay aqoonyahanku u toosinayaan.

Aqoonyahanku dhacdooyinka ka hor ayay waxa soo socda ka digaan, caamaduna dhacdada ka dib ayay waxa dhacay ka calaacalaan, sababtaas ayaa had iyo jeer keenta is fahamwaaga dhex yaalla aqoonyahanka iyo aqoongaabka.

Waxyaalo badan oo aan halkan ku soo qoro ama siyaalo kale ula wadaago bulshada, waxa uu ujeedkooda asal ahaaneed noqonayaa xilgudasho ku aaddan in aan toosiyo fahamka dadka wixii qallooc ku jira, ha ahaado dhinaca diinta, nolosha bulshada, siyaasadda, dhaqaalaha iwm.

Taasi waa sababaynta qoraalladeenna – guulaysta idamka Alle.

Dr-Abdulqani Hussein Beder