Maxaa farqi u dhaxayn kara wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee Istanbuul 2012-kii iyo Jabuuti 2018 (WQ: Rashiid Odowaa)

 

Xaaladda isbedel ee Geeska Afrika

Wada hadalladii 2012 ay wada yeesheen Somaliland iyo Somalia waxa loo badiyaa inuu fashilmay oo aanay wax midho dhal ah keenin, maxaa laga filan karaa wadahadal ka jabuuti la filayo inuu uga furmo Somaliland iyo Somalia sanadkan 2018, maxase ku soo kordhay xaaladda geeska Afrika howlaha jabuuti u yaallaa waa sidee.

Marka kasta oo la soo hadal qaado ama loo ballamo wada Somaliland iyo Somalia Qolo waliba dhinaceeda waxa is ka tustaa waxa ay rabaan.Tusaale Somalia waxay Yidiillo ka dhigtaan in midnimadii Somali wayn la isku af garan doono halka Somaliland ay u aragto in wada hadal isku soo dhawaansho walalnimo lagu kala go o oo la Noqdo laba dal oo walaalo ah.

Marka ugu horraysa Jabuutti waa dalka ugu masuuliyadd da balladhan maanta Geeska Afrika sababtuna waxay tahay hareereheeda Dhibta ka jirta,iyo iyadoo ay ku taallo xaruntii Urur goboleedka Igad (Djibouti Aveneu Goerges Clemenceau) mabadiida guud ee loo sameeyay Urur goboleedka IGAD waxa ka mid ah in Ururka Xalliyo Mashakilka laba dowladood dhex mara ama Waddan Gudihiisa ka jiraba(Inter state and Intra States).

Halkaas waxa ka muuqda inay dowladda Djibouti aad ugu faro dhuudhuubantahay arrinta khilaafka Somalida dhexdeeda ka taagan,maadaama ay tahay meelaha ka fayow geeska Afrika,waxa kaloo xusid mudan in haddii dhinaca Eritrea uu khilaaf ka taaganyahay,xagga Somaliland ayna u aqoonsanayn Dowlad,xagga Ethiopia aan la saadaalin Karin Waxa muhiim ah in Jabuuti nafteedu ay raadiso Dhinac u fayo oo ay ku tiirsan karto haddiiba daad soo faruurmo,waxana hubaal ah dhinaca keliya ee ay dugsan kartaa inuu yahay xagga Somaliland.

Haddii aan ku soo noqdo arrinta Wadahadalka Somaliland iyo Somalia haddii ay Dowladda Jabuuti Xil wayn iska saarto Qodobadan oo dhan ayay kaga duwanaan doontaa Wada hadalkii Fashilmay ee Stanbuul

a)Jabuuti waa waddan jaar ah oo gobolka geeska Afrika ku yaalla arrinta Somalia xallinteeduna waa wax iyada sugaya wakhti kastba,waana howl muhiim u ah deganaanshaha Gobolka,halka dalka turkigu uu ka yahay dal ku yaalla Qaarad kale oo dhibta halkan ka jirtaa aanay Saamayn badan ku keenayn.

b)Jabuutti waa dal dadkiisu Somali yihiin Wax badanna ka Og waxa ay Somalidu isku maandhaafsantahay taariikhdana Xog ogaal u ah,Sidaas darteed Qaban kara Ciddii khaldan Runtana u sheegi kara.iyagoo labada dhinacba Nasteex u ah,halka wadanka turkigu uu ka ahaa waddan dadkiisu ay yihiin reer Aasia oo aan dhaqan ahaan iyo xog ogaalnimo badan u lahayn umadda Somalida iyo waxay isku hayaan.

C)waxa ku taalla Xaruntii Urur goboleedka IGAD ee ay ku bahoobeen dalalka Geeska Afrika,waanay u fududahay inay xal ka raadiso oo ay soo jeediso in dalalka IGAD dhex galaan Somalida Dhexdeeda,maadama IGAD lafteda loo abuuray Deganaanshaha iyo nabadda Gobolka.halka wadanka Turkigu uu ka ahaa waddan isagu danihiisa oo keliya wata.

D)Jabuutti hadda waxa laga yaabaa inay Dhex ka Noqotto oo Siyaasaddu ama xaaladda gobolku qasabto,hase ahaattee Turkey marnaba dhex muu ahayn.

Si kastaba arrintu ha ahaato e Wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland labada Dhinacba Guul ayay kala Soo Carrabi karaan iyadoo ku shaqaynaysa Qaaciidada(Win-win) haddii arrinta Somalia lagu eego(New Approach and Mechanism)aragti iyo farsmo cusub ayay u baahantahay oo la iska dhaafo wixii jiray qarnigii tagay  ee ahaa lama kala goi karo,iwm.waayo haddii dayaxa la waayo Xiddigaha ayaa lagu socdaa,

Howshaas oo dhami waxay u taallaa Dowladda jabuuti iyo dadka Somalida Sidii waa cusub ugu baryi lahaa gobolka Geeska Afrika oo looga bixi lahaa ragaadka iyo dhibta haysata dadka Somalida ah,

 

Rashiid Odowaa