Maxaa HUAWEI la isugu haystaa? ( WQ: Dr. Abdikarim D Hassan)

Donald Trump wuxuu cunaqabatayn kusoo rogay shirkada ugu wayn istaadhsiinta ee shiinuhu leeyahay ee HUAWEI. wuxuu ku andacooday in shirkadani khatar ku tahay amaanka dalka maraykanka (national security threat). iyagoo go’aanka dowlada Maraykan u hogaan samaya ayaa shirkada Google, Microsoft iyo Facebook waxay qaadacaad ku sameeyeen shirkadan HUAWEI.

Hadaba waxa lays waydiin karaa maxaa laysku haystaa?. si loo fahmo aan eegno awooda dhaqaale, tiknoolajiyadeed iyo saamaynta siyaasadeed ee shirkadan shiinaha ahi yeelatay tobankii sano ee ugu danbeeyay.

HUAWEI waa shirkada isgaadhsiinta ee labaad ee ugu wayn aduunka waxana laga yaabaa in ay noqota ta koobaad ugu badnaan afar sano ka dib. waxana la saadaalinayaa in ay ka hormarto shirkada APPLE wakhti aan sii fogayn. laakin tartankaas laba shirkadood u dhexeeya oo keli ah maaha waxa la isku haysto. laba arimood oo xasaasi ah ayaa sal u ah khilaafka Maraykanka iyo Shiinaha.

Labadaa arimood cidda ku gacan saraysa ayaa noqon doonta quwada aduunka hogaanim doona mustaqbalka.Labadan arimood waa waxa loo yaqaan Artificial Intelligence iyo independent connectivity.

Waxad u fiirsataa internet ugu xawaaraha dheer ee Maraykan iyo yurup ay maanta isticmaasho waa facii afraad ama G4. si loogu gudbo xawaarahan mid ka casri san waxa loo baahday in la dhiso shabakado iskood isku barnaamijeeya ( independent programming and signal sharing), shabakadan cusub waxa la yihaa 5G. shiinihu maanta iyagaa caalamka ku hogaaminaya shabakada 5G. ingiriiska, jarmal iyo Poland ayaa durba shiinaha heshiisyo kula gelay in uu u dhiso nidaamka 5G.

Bal u fiirso shiinaha oo labatan sano ka hor ahaa dal dunida saddexaad ah oo maanta UK, Germany iyo Poland u dhisaaya shabakada isgaadhsiinta ayuunka ugu casrisan oo balaayiin dolar ka qaadanaya.

Hadaba waa maxay faa’iidada 5G. ugu horayn waa shabakad ka duwan kana madaxbanaan internet kii hore aynu u naqaanay. hadii maanta Film-ka labada saacadood ah aad ku dejiso sodon daqiiqo, 5G waxay suuro gelinaysaa in aad 10 ilbiqisi ku dejiyo. waxa dhici doonto in lagu wada hadlo waxa loo yaqaan virtual reality. hadii aad imika Whatsup-ka maqal iyo muuqaal aad ku hadasho, waxa dhici-doonta in qofka oo humaag ku horjooga ah aad la hadasho.

Arday ayaa hargaysa ka dhigan doona jaamacad ku taal London isagoo aad moodo in uu fasalka dhex-fadhiyo oo Professorka la falgelaaya. Waxa fududaanaya isticmaalka baabuurta iyo tareenada is wada ee aan darawal u baahnayn. Waxa suuro gal noqonaysa in robot uu qaliin ka sameeyo dhakhtar Africa ku yaal iyadoo laga hogaaminayo Bijin ama Tokyo.

Dhinaa kale cida nidaamkaas cusub ee 5G gacanta ku haysa ee maamulaysaa, waxay gacanta ku dhigaysaaa xadi macluumaad ah oo aan xuduud lahayn. Marka la isku daro Macluumaad xad-dhaaf ah iyo Internet xawaarihiisu sareeyo waxay u fududaynaysaa dowlada ku gacan saraya in ay sidoo klae ku gacan sarayso tartanka Artificial inteligence.

Maanta Maraykan oo hogaaminaya Reer galbeen iyo shiinuhu waxay ku dagaalamayaan cidii labaatan sano ka dib aduunka hogaamin lahayd. Labadooda midkooda hore u gaadha waxa loo bixiyay “Technological Singularity” ayaa aduunka maamuli doona. Shirkada HUAWEI waa barbilowgii dagaalka laakin ma’aha furinta keli ah.