Maxaa Ka Qaylisiiyay Xariifiintii Nabad iyo Nolol Ee Villa Somaliya? (WQ: Maxamuud Batalaale)

Saddex Arimood Oo Muujinaya sida ay uga murugoodeen Safarka Madax Wayne Muuse Biixi Ee Itoobiya iyo heerka xaasidnimadu gaadhay oo qof kastaaba dareemi karo.

1- Markii kowaad waxay xariifiinta Villa Somaliya ee Nabad iyo nolol ay ka war heleen marti qaadkii rasmiga ahaa ee Madax Wayne Biixi ka helay Ra’isal waraaraha Itoobiya, waxayna bilaabeen dacaayad raqiis ah oo ay ku sheegeen in ay Farmaajo ku kulmi doonaan Adis Ababa.

2- Si ay dareenka shacabka uga leexiyaan soo dhawayntii iyo heerkii qaabilaada dawlada Itoobiya ee waftigii Madax wayne Biixi waxay qolada taagta daran ee afka ka nool ee Villa Somaliya beeniyeen warkii ay isla iyagu daacayad ahaan u abuureen ee ahaa in Farmaajo la kulmayo Biixi.

3- Markii labadii qodob ee hore shaqayn waayeen, waxay Villa Somaliya soo saartay warkii ugu liitay oo ah in safarka Madax wayne Biixi uu ahaa mid uu ku aqbalay in uu la shaqeeyo iyaga, waxayna si carruurtu fahmi karto u soo mal maluuqeen qoraal uu niyadjab iyo muraaro dilaac ka muuqdo oo cago dhul la dhac ah.

Laakiin hadal been ah iyo hal abuur raqiis ah ayaa ah waxa kaliya ee ay dawlada aan dalkeeda xaslan karin ay samayn karaan, waxayna dhacdooyinkani ku soo aadayaan waqti ay la jaho wareersan yihiin dhulkii ay hore uga iibiyeen Kenya ee ay mar labaad doonayaan in ay shirkado ka iibiyaan.

Nin tashaday oo tagay hadal waxba kama taro waxaana muuqata muraaro dilaaca quusta ah ee xariifiintii Nabadal iyo nolol.

Markii hore waxay odhan jireen Somaliya waxay Somaliland ka joojisay in si gaar ah loola macaamilo, markii ay arkeen heerkii qaabilaada Itoobiya ee waqtigii Madaxwaynaha jamhuuriyada barakaysan ee Biixi waxay ku noqotay laf dhuun gashay iyo beentii oo soo dhamaatay.

Haddii Kentya ay maanta tidha Somaliland ayaa aqoonsanayaa ama dhulka aynu isku haysano noo dhaafay, waxaan hubaa in ay xaasidnimada Somaliland ay dhulkaas u bixin doonaan. Waligaa xaasid ha noqon walaalkaana waxa aad jeceshahay la jeclaw haddii kale ilaahay ayaa taada qalibi doona.