Maxaa keenay in Madaxweynuhu ka noqdo xil-ka-qaadistii Mareeyaha TV-ga Qaranka? (W.Q. Cabdiraxmaan Guuleed)

Khadar Cali Gaas, maareeyihii hore ee Tv-ga Qaranku, wuu ka samri waayey dhaqaalihii iyo dhadhankii, ka dibna weerar qorshaysan ayuu ku qaaday Wasaaradii iyo maamulkeeda oo shir ku wada jira.

Maanta subaxnimadii hore iyada oo uu shir u socdo Wasiirka Warfaafinta, Wasiir Ku Xigeenka, Agaasimaha Guud iyo madaxda waaxyaha kala duwan, siiba farsama yaqaannada iyo waayo-araga wasaaradda oo u hormuud ka yahay Yoonis Cali Nuur, ayaan ku war helay weerar aan gabasho lahayn oo ay soo qaadeen shaqaale ka mida wasaaraddaasi balse sida xaqiiqad ah la rumaysan yahay inay u xaglinayeen maareeyihii hore ee la eryey Khadar Cali Gaas oo  maalmahan ka meeraysanaayey xilwareejinta uu madaxweynuhu faray sida dastuurku farayo in marka xilka laga qaado ama laga bedelo masuul qaranka u shaqaynaayey uu ku wareejiyo masuulkii lagu bedelay.

Bal u fiirso waxa ay tani kaga duwan tahay xil wareejimaha dawlada u sunnaha ah.  Waxa Khadar la waydiiyey xilima ayaad wareejinaysaa, wuxu ku jawaabay Arbacada oo ku beegnayd maanta 06/05/2015. Awood intee leeg ayuu leeyahay masuul xil laga qaaday? Ma isagaa goaanka leh mise tallaabadii xilka qaadista ayaa la raacayaa?

Maxaa isbedelay haddaba ee soo kordhay haddii sidaasi lagu balamay, war cusub iyo amar Madaxweyne oo kale waxa laga hayaa Maareeye Khadar ma wareejinaayo xilka ilaa 18 may ka dib. Wuxu yidhi  waxan haystaa amar madaxweyne oo ah ma wareejin kartid xilka ilaa 18 May. Haddaba ma Cadan baa laga heesayaa mise Madaxweynihii qaranka ayaa ka noqday xil-ka-qaadistii masuulkan.  Cukuse ayaa ku jawaabay sunnaha dawladnimada maaha taasi ee isku noqo Khadarow.

Intaas ka dib waxa meesha ka dhacay af-legaado iyo caytan dhanka Maareeyaha u badnayd oo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiinta ugu saraysa wasaaraddu.

Isku soo wada duuboo waxa meesha ka socdaa waa la yaab iyo waxaynaan arki jirin. Waa hab-maamul cusub oo aynana hore u arag. Ku darsoo dhallinta dagaalantay waa kuwo la jaar ah wasaaradda oo la qoray wasaaradda laguna taraxay dhawr qof oo hore u soo joogay balse la garab ah Khadar Cali Gaas waana ta keentay in Wasaarad dhan oo shaqaynaysa la weeraro oo qaranka u halbowle ah weeraraana kuwii loogu talo galay inay ummadda wax gaadhsiiyaan una shaqeeyaan.

Isku soo wada duubo arrinku waxa uu fadhiistay Madaxweynaha iyo Madaxtooyada oo aan isku raacsanayn xilka qaadista maareeyaha balse madaxweynuhu uu xal u arkay xilka qaadista Maareeyaha madaama uu ku kacay wax ka baxsan sunnaha dawladnimada maantana uu hormuud ka ahaa weerarka dhacay.  Balse madaxtooyadu raali kama ay noqon xil-ka-qaadistaas waxayna door bidayaana in cukuse aanu ka danbayn Khadar.

Maxay tahay sababtu meesha waxa ku jiraa waynaa cajiib. Aan dib ugu noqdo dhacdo tan uun la mid ah aan se lahayn dagaal gacan-ka-hadal oo dibedda u soo baxay, waana mid ka dhex taagan ila hadda Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Madaxtooyada oo ay sababtay Xafiiska Samafalka oo hore uga mid ahaan jiray Madaxtooyada balse Madaxwweynuhu uu ka soo saaray digreeto lagu hoos geeyey Wasaaradda Dib-u-dejinta, sida aynu ka warqabnana aan ilaa hada wasaaraddaasi la hoos geyn xafiiskiina uu ku yaallo sheegtana madaxtooyada.

Ma odhan karnaa maareeyaha Tv-ga iyo Samafalka Madaxtooyada sii joogaa wax bay iska shabahaan oo Madaxweynuhu wuu ku dhawaaqaa uun ee dib waxba uma soo eego mana dhegeysto talooyinka masuuliyiinta ay hoos tagaan maareeyayaashaasi.

Taasi waxa aan uga dan leeyahay xilka uu madaxweynuhu ka qaaday Maareeyaha sidee ayuu haddana u dhan karaa ma wareejin kartid mise waxa jira musuq iyo wax la qarinaayo intaasi ka hor.

Shacbigu yaab.  Dawladii ayaa noqotay madax iyo mijo iyo iska daba wareeg maalin walba taagan. Waa dawlad shaqaaleheedu ka awood bateen masuuliyiintii kitaabka ku dhaartay.

 

Cabdiraxmaan Guuleed

Goobjooge ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

abdirahmanguuleed10@gmail.com