Hordhac
Anigoo Maanka ku haya Doorashooyinka isku sidkan ee ka dhacaya dalka oo dhan dabayaaqada bisha may ugu horayn waxaan bogaadinaya jamhuuriyada soomaliland oo qaaday dariiqi dimuquuraadiyada,mudo badan ka bacdi oo aanay muwadiinintu soo dooran dadki iyaga ku metali lahaa Golayaashada Sharci dejinta iyo dawladaha hoose ee dalka.
Doorashooyinka isku sidkan oo markii ugu horaysay Somaliland qabanayso laguna qabanayo dhaqaale ay xukuumadu leedahay loona qabanayo qaab casri ah oo yarayn kara xatooyada iyo boobka kuraasta lagu tartamayo (Biometric registration) kana soo qayb galeen goob joogayaal calami ah iyo kuwo maxali ahba.
Somaliland waa dalka qudha ee ku yaala Geeska Afrika ee ay doorashooyin sidan ahi ka dhacaan waana doorashadii 8aad Guud ahaan gaar ahaan tii 3aad ee Golaha deegaanka tii 2aad ee Golaha wakiilada ka dhacaysa wadanka.
tirada dadka diiwan gashan ee codayn doona 31 may waxay Komsihanka doorashooyinku ku sheegaan (1,065,847 oo cod bixiye 2,709 Goob codbixineed oo laga codayn doono, waxa ku tartami doona 798 musharax oo iskugu jira oo iskugu jira 552 xubnood oo u sharaxan golayaasha deegaanka ee dalka oo dhan kuna tartami doona 220 kursi oo yaala 20 degmo doorasho.) https://journals.sagepub.com/toc/cac/55/1
246 xubnood oo u sharaxan golaha wakiilada ee Somaliland sidoo kale waxa ka qayb ah doorashooyinka isku sidkan 28 musharax oo dumar ah iyo 5 musharax oo beelaha Gabooye ah.
Sidaa awgeed qoraalkan Kooban waxaynu isku dul taagi doona shaqooyinka muhiimka ah horena ay u tahay ee laga filanayo inay qabtaan wakiilada aynu dooran doono 31 may 2021.
Shaqada Golaha wakiilada (Parliament Functions)
- Matalaad Dhab ah (Representation)
- Samaynta iyo dib u eegista xeerarka oo ay ku jiraan inay si gaar ah dib u eegis ugu sameeyaan sharciga Booliska somaliland,xeerka Kufsiga iyo sinada,iyo wax ka bedalka xeerarka Gaboobay ee dawladii Maxamed siyaad bare sida xeerka Ciqaabta Guud iyo Xeerka Habka ciqaabta.
- Qaabaynta iyo tageerida xukuumada si loo helo awood dheelitiran (power balancing)
- Dhaleecaynta iyo dabo galka xukuumada waxqabadkeeda iyo waxyaabaha ay ka gaabiso.
- Mudo kordhis la,aan (No extension )inaanay jidayn wadadii kuwii ka horeeyay ee ay xiligooda marka ay gaadho kuraasta baneeyaan.
- Isla xisaabtaan dhab ah oo ay la xisaabtamaan waaxda xukuumada.
- Inay dalbadaan In Golaha la hor keeno heshiisyadii caalamigaa ahaa iyo kuwii dabeecada goboleed lahaa ee lala galay dawladaha iyo shirkadaha .
- Gaar ahaan heshiiski shirkada Trafigura
- Heshiiski Biyaha ee Djibouti
- Heshiiski shirkada DP World
- Iyo heshiiski dawlada imaraadka lagaga kireeyay Garoonka diyaaradaha (Military Base)
- Miisaniyada qaranka ka inay aad u darsaan oo si cadaalad ah ah loogu qaybiyo magaalooyinka iyo dalka oo dhan si muwadiint u helaan adeegyada ay dawladooda xaqa ugu leeyihiin.
ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Qaabka Loo xalin karo khilaafaadka doorashooyinka ka dhasha:
- Pre-election conflict (Xadhiga musharixiinta ,rasaasyantooda ,xafiisyada musharixiinta ,(Lasanod case) in la beegsado ama la gubo Astaamaha musharixiinta(saed case)
- Mid election conflict (in la khilaafo qaabka codaynta ,xadhiga wakiilada xisbiyada ama musharixiinta,iyo awood sheegashada ciidanka booliska iyo dadka awooda leh ee tartanka ka qaybta ah)
- Post-election conflict (Khilaaf ka dhasha ku dhawaaqa natiijada ,debad baxyada dadka diidan natiijada, booliska oo xoog isticmaala ,xadhig sharci daro ah iyo dilal maxakamad la,aan ah.(2012 local councils case)
ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Talo soo jeedimo.
Waxaan ku talinayaa qodobadan soo socda
- In laga hor tago wax kasta oo khilaaf keeni kara xilliga lagu gudo jiro doorashooyinka.
- In khilaafyada gudaha doorashada dhexdeeda lagu xaliyo goobaha codbixinta oo dhinacyada si siman loo dhegaysto qofka ku qanci waayana loo ogolaado xaqa racfaanka si waafaqsan xeerka Anshaxa doorashooyinka iyo xeerka Guud ee doorashooyinka .
- In doorashadu ku salaysnaato mabda xor iyo xalaal.
- Inay boolisku yareeyaan awood adeegsiga xad dhaafka ah iyo buuqa aan loo baahnayn.
- In la xoojiyo oo la madax baneeyo ha,yadaha xalinta khilaafaadka doorashooyinka isku sidkan oo ah Maxakamadaha Heer Gobol iyo maxakamada sare qaybteeda idaariga ah.
- In musharixiinta cabanaysaa ay cabashadooda ku gudbiyaan qaab nabdoon oo sharci ah sida maxakamadaha kala duwan iyo komishanada heer degmo,heer Gobol ilaa heer qaran.
- In laga fogaado wax kasta oo dadka si kala fogayn kara xilliga ololaha iyo ka diba.
Mubarik Abdi Ismaaciil
Sharciyaaqan ku takhasusay qanuunka caalamiga ah ee Dawladaha (LLM public international Law) iyo Qanuunka caalamiga ah ee Badaha (LLM international Law of sea and maritime Law)
Ankara, Turkey