โArgumentum ad Hominemโ waraysigii xalay dhexmaray ninka dhallinta yar ee wariyaha ah iyo siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu ahaa mid cilmi nafsi badani ii ga soo baxay. Waraysigaasi waxa uu i xasuusiyey maaddo dhan oo philosophy ah oo ciddii wax ka taqaan ay fahmi karto waxa aan ujeedo.
Warraysi sida tan u dhaca beryahaa kuma aan arag saxaafadda Soomaalida dhexdeeda. Waraysigu waxa uu u dhacay si ku talo-gal ah markii sii hore sida jawiga labada qof ee is-warsanaya ka muuqata. In yar ka bacdi se waxa uu isku beddelay waxa loo yaqaan โTu quoqueโ.
Sida muuqatay, ujeeddada waraysigu waxa uu ahaa in Maxamuud damaciisa sheego, oo ay ruxanto si ay dhan ugu ciirto. Waxa ay ahayd in kartida iyo awoodda siyaasadeed ee Maxamuud bannaanka loo soo saaro si tuhunku u rejo badiyo. Arrintaasi haddii ay sidaa u dhici lahayd waraysigu libin siyaasiga raacday ayuu noqon lahaa. Waxase dhacday in wariyuhu arrintaaa diiday. Hal mar ayuu wariyuhu la soo baxay xeeladda โTu quoqueโ.
Halkii ay ahayd in la gu shaaciyo murashaxnimada, waayo-aragnimada shaqo iyo nin-qarnimada siyaasadeed ee Maxamuud, waxa ay noqotay in wariyuhu kaalintaa isagu isku hanneeyo. Wariyuhu si u kas ah ayuu siyaasiga u la ciyaaray. Waxa muuqatay in siyaasiga iyo wariyuhu aaney arrintaa isku ogayn markii hore sida la ga dheehan karayey dareenka Maxamuud (body language).
Barnaamijka oo wax aan badnayn socda ayuu ku baraarugay Maxamuud in ciyaartii isku rogtay oo uu wariyuhu doorkiisii saxda ahaa ee xirfadeed ciyaarayo. Sidaas oo ay tahay Maxamuud ma khalkhalin ee si degdeg ah ayuu isku diyaariyey. Maxamuud xalay waayo-aragnimo ayaa la baxsatay ee teello loo ma dhigan.
Ugu dambayn, ย waraysigan waxa si wanaagsan u sugayey oo xalay diyaar u ahaa badi siyaasiyiinta iyo taageerayaasha Kulmiye ee labada dhinac gaar ahaan, kuwa Kaahin iyo kuwa Maxamuud. Waxa hubaal ah in waraysigu markii uu dhammaaday ka dib ay cidda taageersan Kaahin uu naqas ka soo baxay oo ay wariyaha niyad hambalyeeyeen. Halka kuwa Maxamuud taageersani ay si la ma filaan ah wariyaha u karaahiyeysteen. Jimce wanaagsan.
Mohamed O. Hagi Mohamoud