Maxaa liiska argagixisada laynoogu daray yaab (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Waa taa liiskaa laynagu daray wadamad ugu argagixsad badan eh, tolow xagee ayay wax ka qaldan yihiin.  Malaha dee magac argagixisada ayaan laysla fahamsanayn eh, waxaa wanaagsan in marka hore bal magac layslafahmo.

Mida kale magac iyagaa bixiyay, inaguna sida babqaaqa ayuun baynu ku celcelinaynaa eh, bal intaynaan eedayn waxa wanaagsan, bal eraygan waxay uga jeedaan in la waydiiyo.

Aniga aragtidayda hadii aan is idhaa eraygan  argagaxiso bal waxay uga jeedaan qeex, marka la eego ficilkooda, akhri maqaal hore oon qoray (Tolow Somalidii looma ooyaanka ahaa yaa ku dilay bada Yaman), waxay ila tahay in ay kalmada argagxisada  ula jeedaan muslimka oo dhan, waliba Muslimka sunniga ah kaba qaad ha u noqdo ama ha ka soo horjeedo eh.

Hadaba hadii aynu qaadanao aragtidaa ah inay Muslimka sunniga ah oo dhan ula jeedaan, dee way sax sanyihiin inay liiska inagu daran, waliba xaga ugu saraysa ina galiyaan, waayo muslimku wadamada wuu ku  kala badanyahay, wax boqolkiiba boqol Muslim sunni ah soomali ayaa la hayaa.

Ha la yaabina waa niman rag ah oo waxay aaminsanyihiin cadaysanaya oon la gabanayn. Mida kale wax dhib ah maysamayn ee waxay dhabeeyeen hadalkii illaahay ee macnihiisu uu ahaa yuhuud iyo nasaaro raali kaa noqonmaayaan illaa aad diintooda ka raacaysaan, illaahay been muusheegin laakiin inaga ayaa nafteena been u sheegayna.

Nimankani wax yacyacood ah ma rabaan wax bisil ayay rabaan oo la cuni karo, adna waxaad doonaysaa beerka jecli xaydha jecle, inaad yacyacoodkaa ahaato ayaad doonaysaa oo ay ku taageeraan ku aqoonsadaan, wax kuu qabtaan, waxaas oo dhan dhicimaayaan illaa aad is cadayso.

Waxaan maqlay nin  aqoonyahan ah oo sida uu hadalkiisu tilmaamayay sheegayay in waqtigii diin diintu dhamaatay, laakiin dhaqaale laysku hayo maanta, wuxuu ka hadlaayay saamigii Ethiopia laga siiyay dakada, oo dhalinyarada dhaliilay. Bal hadaba Mr. professor dhallintii aad la yaabtay, sababta liiskan laynoogu daray u qeex, waxay la yaaban yihiin halka ay wax ka qaldanyihiin eh. Waanad ogtahay islaam in uu magac uun inagaga hadhay eh.

Iyagu ma qaldana inaga ayaa qaldan ee aynu is cadayno cida aynu nahay, hadii aynu nahay Muslim sunni ah cidaas ayay u arkaan argagixiso, garo ama ha garanin.

Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Halkee ayay wax ka qaldan yihiin 

Dadkeenu xor maaha

Faataa dhugleh

Dadku maamul xumo ayuunbay ka cabanayaan uun 

Xamar ayaa carqaladaynaysa saldhiga 

Tolow Soomaalidii looma ooyaanka ahaa yaa ku dilay bada Yemen

Ribo Ribo Ribo 

Tolow muxuu Kulmiye u riixayaa in doorashadu waqtigeeda qabsoonto?

Waxaynu galnay xaalad kala guur, tolow siday noqon

Dhidar onkod kiciyay

Dhallinyartaay xaaladdu way adag tahaye faashashka badsada

Cadduur dhawdhawduba uma dhacsana

Dadkeenu ma istaahilaan in wadooyinka loo sameeyo

Dumarku waa kuwan shaqooyinkii la wada wareegay ee tolow lacagta xaggee ayey geeyaan

Isku shaandhaynta xoogaa leh tolow maxaa kalifay isagoo waqtiga hadhay yar yahay

Golaha wakiiladu yay matalaan

Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?

Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan

Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega

Yaa soomaliland sameeyay?

Dajjaal iyo labadiisii salladood 

Maxaad ka taqaan Yuhuuda?

11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd

Yaa Soomaali halkaa dhigay?

Luqadee ayaa wax lagu baranayaa 

 Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com