Warbixinta SONSAF: Goldaloolooyin ka jiray hannaankii qaybinta kaadhadhka codbixinta ee gobollada Awdal iyo Saaxil

 

Dalladda midaysa jileyaasha aan dawliga ahayn ee Somaliland ee magaceeda loo soo gaabiyo SONSAF ayaa shalay soo saartay warbixin ku saabsan wixii ay goobjoogeyaasha maxaliga ahi ku soo arkeen hannaankii kaadhadhka loogu qaybiyey gobollada Awdal iyo Saaxil iyo sidoo kale xeebaha Somaliland.

Warbixintan ay diyaariyeen goobjoogeyaashu ayaa lagu sheegay in guud ahaan si wanaagsan oo nabadgalyo ah u dhacday qaybintii kaadhadhka cod-bixintu laakiin ay jireen goldaloolooyin la xidhiidhay hannaankii bixinta kaadhadhka kuwaas oo hoos-u-dhac ku keeni kara tirada dadka ee codkooda dhiiban doona doorashada kaabiga innagu soo haysa ee madaxtooyada.

Cilladaha ay goobjoogayaashu tibaaxeen waxa ka mid ah, tusaale ahaan meel wakhtigii diiwaangelinta ahayd  hal goob codbixineed ayaa saddex goobood loo kala jabiyey iyadoo lagu sababeeyey in dad badani ay iska diwaangeliyeen goobtii asalka ahayd sidaas daraadeedna aanay suurto gal ahayn in dadkaas oo dhami ay goobtaa kali ah ka codeeyaan. Tani waxay sababtay waxoogaa jiho-wareer ah iyo in dad badani ay kiyuu u galaan oo ku lug go’aan goobtii ay markii hore iska diwaangeliyeen, sidaana kaadhadhkoodii ka waayaan maadaama magacyadoodii loo raray goobo cusub oo aanay garanayn.

Warbixintu waxay hoosta ka xariiqday in siyaasiyiintii aadka u heellanaa wakhtigii diwaangelinta la waayey wakhtigii kaadh-bixinta iyagoo aan wax dhiirigelin ah ka gaysan hannaankii kaadh-qaybinta. Taasina waxay sababi kartaa in ay yaraadaan dadka codkooda dhiibanayaa maalinta doorashada.

Waxa iyaguna meesha ka baxay xubnihii damacsanaa in ay isku soo sharaxaan doorashada Golaha Wakiillada oo wakhtigii diiwaangelinta dadka aad u abaabulay. Markii ay ogaadeen in doorashadii dib u dhacday araggoodii waa la waayey kamana ay soo ag wareegin goobihii kaadh-bixinta. Maqnaanshahoodu wuxu sababay in uu hoos u dhaco guud ahaan abaabulkii dadku.

Madaxda xukuumadda ee ka soo jeeda gobolka Awdal sida Wasiirka Waxbarashada, Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda, Badhasaabka, Maayorka, ayaa dhaliilo u jeediyey Guddida Doorashooyinka kuwaas oo ku saabsan galdaloolooyinka ka jiray hannaanka kaadh-bixinta iyo guud ahaan saluug ay ka muujiyeen qorshaha lagu qaybinayo kaadhadhka.

Hannaanka kaadh-bixinta oo xumaadaa wuxu hoos-u-dhac ku keeni karaa doorashada la muddeeyey in ay qabsoonto bilaha soo socda.

Doorashada madaxtooyada ee Somaliland oo laba jeer oo hore dib-u-dhac ku yimid ayaa ugu dambayntii la muddeeyey in ay qabsoonto 13-ka November 2017 iyadoo ay isu diwaangeliyeen dad tiradoodu dhan tahay 8, 73,331 oo qof.

Warbixinta SONSAF oo dhammaystiran oo af-Ingiriisi ah hoos ka akhriso.

http://bandhige.com/sonsaf-briefing-paper-on-voter-cards-distribution-awdal-sahil-and-coastal-areas-of-sanaag-region/