Saynisyahanno sameeyay Antibayootik cusub

 

Saynisyahanno Maraykan ah ayaa sheegay in ay sameeyeen nooc cusub oo antibayootik ah oo nolosha badbaadinaya.

Waxay sheegeen in samayntani ay kor u qaadi doono dagaalka ay kula jiraan caabuqa u adkeysta dawada antibayootik, kaas oo ah mid ka mid ah khatarta ugu wayn ee ku soo fool leh caafimaadka adduunka.

Baadhayaasha dalka Maraykanku waxay dib u habeeyeen dawadii sii jirtay ee Vancomycin taas oo ay ka dhigeen mid ka xoog badan kun jeer.

Waxay jeermiska ka weerareeysaa saddex jiho oo kala duwan taas oo yaraynaysa in uu adkaysi u yeesho ama dib u xoogaysto caabuqu.

Nin ka mid ah saynisyahannada ayaa BBC-da u sheegay in uu rajaynayo in dawadan cusub lagu diyaarin doono muddo shan sanno gudaheed ah si loo adeegsado.

Vancomycin ayaa luminaysa awoodii ay u lahayd in ay dawayso caabuqyada guud ee ku dhaca kaadi mareennada iyo boogaha.

U adkeysiga antibayootik waxa loo maleynayaa in ay sababto 50,000 oo dhimasho ah sannadkiiba Maraykanka iyo Yurub.

Xanuunnada u adkaysta dawooyinka antibayootika ayaa loo malaynayaa in sannadkaste u dhintaan 50,000 oo bukaan oo ku sugan Maraykanka iyo Yurub.

bandhige@gmail.com