Dagaalka afka ee Trump iyo Marker oo wali socda, Maraykan iyo Yurub oo kala shakiyey

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Ra’iisal-Wasaaraha Jarmalka Angela Marker ayaa khilaafkoodu dibadda u soo baxay kadib markii ay labadooduba si furan uga hadleen.

Angela Marker ayaa Axaddii tibaaxday in ay xaqiiqsatay in aanay Yurub isku hallayn karin cid kale (iyadoo ula jeedday Maraykan iyo Ingriis) taas daraadeedna loo baahan yahay in ay isku tashato oo mustaqbalkeeda ka firkirto.

Hadalkan ayaa buuq ka dhaliyey magaalo-madaxda looga arrimiyo Maraykanka ee Washington taas oo keentay in uu Trump-na sidii caadada u ahayd ugu soo jawaabo Twitter-ka. Wuxu yidhi:

“Ganacsiga uu Maraykanku la leeyahay Jarmalka waa mid xaq-darro ah oo xun. Waa in ganacsiga Maraykanka iyo Jarmalku noqdaa mid isku dheeli tiran. Sidoo kale Maraykanku lacag aad u badan ayuu ku bixiyaa NATO, Jarmalkuna lacag yar buu ku bixiyaa. Taasina maaha wax soconaya.”

Madaxa xisbiga Social Democrats ee Jarmalka Martin Schulz ayaa weriyeyaasha u sheegay in uu Trump burburiyey dhammaan qiyamkii lagu yaqaanay reer Galbeedka” hadalladaas oo laga yaabo in uu Trump mar kale ka soo jawaabo.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in uu durba Trump shaki weyn dhex dhigay reer Galbeedka iyo Maraykanka waana wixii uu ku ololeeyey markii uu doorashada u tartamayey.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah

Bandhige@gmail.com