Maxaa sababa shaqaalaha qaranka Somaliland in ay kala sarreeyaan dhinaca xuquuuqa? (WQ: Maxamed Cismaan)

Somaliland waxay jirsatay 28 sano, intii ay jirtay Somaliland waxa la shaqalaysiiyay shaqaale gaadhaya 20.000 oo shaqaale ah.

Shaqalahaas dhamaantood waxay u tacabireen G/maroodijeex, si ay u helaan shaqo qaran.

Shaqsi walba oo shaqa qaran doonaya waxaa waajib ku ah inuu yimaado G/maroodi jeex, sugana waqti aan cayinayn kana mid noqdo dadka customers ka u ah G/maroodi jeex.

Hadaba marka uu noqdo shaqaale qaranka u shaqeeya haduusan oran shaqaalaha G/maroodi jeex hala igu daro waxuu noqonayaa shaqalaha ka hawl gala gobolada kale ee aan helin xuquuqda ay helaan shaqalaha G/maroodi jeex ka hawl gala.

Xuquuqaha ay is dheer yihin waxaa kamid ah.

  1. Shaqaalaha G/maroodi jeex waxay mushaharka qataan bil kasta halka kuwa gobolada kale ay qataan mushaharkooda 3 biloodba mar
  2. Shaqaalaha G/maroodi jeex waxay helaan dalacsiin iyo darajooyin halka kuwa gobolada kale aysan helin dalacsiin iyo darajooyin
  3. Shaqaalaha G/maroodi jeex waxay helaan tababaro halka kuwa gobolada kale aysan helin tababar ama wax u dhigma
  4. Shaqalaha G/maroodi jeex way ka mushahar badan yihin kuwa gobolada kale xitaa marka la eego kuwa isku darajada ah  sida A. B, C
  5. Shaqaalaha G/ maroodi jeex waxay helaan guno aan helin kuwa gobolada kale ka shaqeeya

Hadaba su aalaha la is waydiinaya waxay tahay

Maxaa sababa inay sidan u kala sareeyaan shaqaalaha G/maroodi jeex iyo kuwa gobolada kale?

Sharciga kala saraysiinta xuquuqda shaqaalaha xagay kaga talaa?

Ilaa intay sii socon kartaa arinkaa?

Madaxda gobolada kale miyaysan inaba ka dareen celin falkaa cadaalad darada ah?

Su alahaas iyo qaar badanoo kale ayaa la iswaydinayaa

Jawaabta waxaan u daynayaa shaqaalaha qaranka u shaqeeya ee ku sugan gobolada kale, madaxdooda iyo hay addaha sharciga

Hadaba madaxwaynaha dalka jamhuuriyada Somaliland waxuu gacanta saaray kitaabka musxafka ah, qawlkii uu ku dhawaaqayayna waxaa kamid ahaa inta aan xilka hayo inaan cadaalad iyo sinaan dadkan iyo dalkan ku dhiqi doono.

Ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan ugu baqayaa madaxwaynaha dalka inuu arinkaa hoos u eego talaabo ay ku farxaan shaqaalaha la dulmiyay ee ka hawl gobolada kalena sameeyo iyadoo aan gobolna lagu xadgudbaynin