Qaybta labaad waxa aynu ku soo qaadan doonnaa laba ka mid ah gabayadii Nimco-gabaydo IHUN, oo ka mid ah kuwii koowaad ee ay curiso kuwaas oo la kala yidhaahdo Qaranku kaa yaab iyo kaalay iga baano. Marka aad gabayadan aragto waxa aad ka marag-furaysaa sidii ay suugaanta abwaanaddu hodanka u ahayd illaa xilligii ay barbaarta ahayd.
Qaranku kaa Yaab
Miyaa uu jiraa qof jecel in wax laga sheego hooyadii, walaashii, xaaskiisa iyo dumarka xigaalkiisa ahi?. Gabaygani waxa uu fallaadh ku yahay ragga dhaqanka ka dhigta wax-ka-sheegga, af-legaaddada iyo cayda haweenka Soomaaliyeed guud ahaan. Waxa uu tilmaamayaa in nimankas sidaas u dhaqmaa ay ka garaaad iyo garasho hooseeyaan aadamaha kale.
Hal-abuurku waxa ay u caqli-celinaysaa labka la ficiltama ee aan u dulqaadan haweenka. Waa gabay ay tirisay Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco Gabaydo) 21kii Oktoobar 1991kii, waana gabaygii kowaad ee ay curiso.
Wuxuu yidhi:
Qashiin lagama waayiyo arlada, qoomamiyo ciile
Qarjac muudle waa arki jiray, qaatan abidkiiye
Allay lehe qasaarawdayoo, qurux lagaa waaye
Waar haddaad xil qaaddoo ninnimo, Qaaddir ku dhaliyo
Qabsoo dumarka caydooda waa, laga qashaafaaye
Marwadaad qabtiyo hooyadii, uurkka kugu qaadday
Ma qumana walaashaaa inaad, xumo u quudhaaye
Anna qaabaddoodaan ahoo, qadafku way ceebe
Haddaad qiimo leedahay hablaha, waad qaddarin layde
Nacas sharaftii laga qaadayoo, qaawan baa tahaye
Kaligay kumaan qoonsannine, qaranku kaa yaabye
Qoomaha aad leediyo markaan, eego qadafkaaga
Anigoo nisaa ku qajila, mararka qaarkoode
Ma is qoomamaysaa maxaa, taladii kaa qaaday?
Gabayga labaad waxa la yidhaahdaa “Kaalay iga baano” waxa uu ka warramayaa boholyow iyo caashaq bogga ku dhashay. Waana kan isaga oo faahfaahsan.
Kaalay Iga Baano,
Waa gabay ay tirisay Abwaan Nimco Aadan Hure (Nimco Gabaydo) Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo’e. Hal-abuurka oo faallanaysa aragtideeda ku aaddan jacaylka, xilligii uu gabaygani curtay iyo sababta ku dhalisay waxa ay tidhi “Jacaylku waa wax muhiim u ah nolosha. Waana mid aan u arko in uu diin ahaan iyo dhaqan ahaanba sax yahay. Mar Cilmi-Boodhari laga sheekaynayay ayaan dhegaystay nin Sheekh waxaanu wadaadku yidhi ‘qofka jacaylka u dhintaa waa shahiid’.
Nin qarta iyo nin qariyaba jacaylku waa daran, waana la iska wada daaqayaa sida xoolaha qofba in uu ka goostaba. Xilliga dhallinyarannimada abwaanka haddii aanu jacayl helin ma noqdo abwaan. Haddii uu noqdana abwaannimadiisa waxbaa ka dhiman ayaan qabaa. Maxaa yeelay galgacalku wuxuu ku jiraa xaaladaha ad-adag ee uu qofka hal-abuurka ahi uu abwaannimadiisa ku shaacin karo.
Haddii aan soo qaato gabayadii aan jacaylka ka tiriyay illaa dhallinyarannimadaydii, uma arko illaa hadda wax dhib ah oo jacaylka waan ka gabyi karaa. Mid saygayga ah, mid aan awlaad u dhalay iyo ubad aan dhalayba jacaylku wuu noocyo badan yahay. Gabayada aan jacaylka ka tiriyay waa ay badan yihiin, waxa aan se ugu jecelahay kii aan ugu hor tiriyay waxaana la yidhaahdaa Kaalay iga baano.
Gabaygaas waxa aan tiriyay 1993kii aniga oo jooga magaalada Berbera. Waxa aan u tiriyay nin reer Burco ah, waxaanan u dhiibayay nin saaxiibkii ah oo reer Hargeysa ah oo Cabdillaahi la yidhaahdo. Gabaygu waxa uu ahaa farriin”.
Goobta ay joogtaa waa Berbera iyo halkii Boodhari ku aasnaa. Gabaygu waxa uu ahaa qayla-dhaan, waana laga baantay.
Waxaanu ku bilaabmayay sida tan:
Cishqi waa bukaan oo hadduu, beerka ii galay-e
Bedankeyga laabtiyo qalbigu, way belbelayaay-e
Sambabada bu’doodiyo wadnuhuu, boog ku leeyahay-e
Barta laga dhaaqaaquu i degay, oo bes-baan ahay-e
Bal qabsoo intuu dhaw yahaa, la is banbaanshaaye
Kol hadduu ballaadhuu fiduu, beermo caashaquna
Bog ma leh ladnaantiisiiyoo, waa gu’yaal badane
Cabdillaahi Baashaw haddaad, boowe socod maagto
Beryo nabad ku waar oo Ilaah, beleda ka hay-e
Banjar iyo Ilaah ka fogee biro, xumaantood-e
Bureeqiyo sidoodii u soco, haadda baalka leh-e
Bisinkiyo ducaan kugu ladhiyo, belo xijaabkiiye
Burco iyo Togdheer iyo haddaad, baro sankii gaadho
Balse kaan jeclaaa iyo haddaad, baarrigii aragto
Yartii way bugtoo waxay ku tidhi, “bogo warkaygaa dheh”
“Jacayl baaxad weynbaa i helay, barashadaadii” dheh
“Bishaan kala maqnayn bay indhuhu, arag basaaseen” dheh
“Adaan ku buseeloo hurdana, aad umaan bogan” dheh
“Biyo kolay ku tahay dhuunigaan, badi illaawaa” dheh
“Bar-baartii ma raacoo tabtii, Boodharaan ahay” deh
Bu-da maqalka iyo dhaayihiyo, baalashiyo wiilka
Bahda iyo hal-bawlaha wadnaha, bidix iyo jiidhka
Sambabkayga bilan iyo kalyuhu, way babanayaane
Baaxaa degggaygiyo intaanay, badannin hawshaydu
Durba waygu baahaye intaanu, halista sii beegsan
Boholyawga caashaqa intaan, lay bud dhigin iilka
Basarkii kuwii hore inaan, laygu qorin buugta
Adigaygu beeraye samaw, kaalay iga baano
La soco qaybaha dambe…
http://bandhige.com/tixdii-iyo-taariikhdii-abwaan-nimco-aadan-hurre-nimco-gabaydo-q-1aad-wq-siciid-maxamuud-gahayr/