Faashilka Somaliland ee axsaabta badan iyo dimuquraadiyadda (WQ: Maxamed Cusmaan Xasan)

Sannadkii 2002 ayaa Somaliland laga hirgaliyay nidaamka axsaabta siyaasadda ee tirada badan. Laba ujeeddo ayaa laga lahaa nidaamkaas.

  1. In adduunka loo tuso in Somaliland tahay meel Maraykan iska-yeelyeel ah oo dimuquraadiyadda Maraykanku adduunka ku sandulleeyo si bilaa shuruud ah ku qaadatay, kadibna ay Somaliland sidaa wax kaga hesho adduunka, ictiraafna ay inoo horseeddo marka aynu noqono dhal-Maraykan.
  2. In Somaliland qabaa’ilka ka baxdo oo dadku axsaabta kala galaan qof kasta oo damac lihina cidhiidhyado axsaabta waddanka ka jirta.

Laakiin maxaa ka hirgalay ujeeddooyinkaas? Somaliland ictiraaf ma heshay? Adduunku ma inoo soo joogsaday? Maalgalintii reer galbeedka ee dimuquraadiyaddu ma suurto gashay? Qabaa’ilkii ma laga guuray oo qaran ma la noqday? Mise mid kaba sii daran oo aan la filayn iyo nacaybyo hor leh baa abuurmay oo xaalku wuxuu noqday reer aan ogahay ma guuro?

Qof kasta oo Somalilander ah oo su’aalahaa iswaydiiya waxaa u soo baxaaya in aan wax allah wixii wanaag ah ee laga lahaa bahashaa dimuquraadiyadda ah iyo ujeeddooyinkii loo aasaasay axsaabta badan aanay waxba ka suurto galin, bal e ay sababtay saddexdan dhibaato ee midiba midka kale ka daran tahay.

  1. Asxaabtii siyaasadda ee loogu talo galay in qabiilka lagaga baxo oo ay horseedaan isdhexgal iyo isku-milan bulsheed waxay isu beddeleen bakhaar nin leeyahay oo cidina aanay ka dhex tartami karin, dood iyo fikir wadaagna aan lahayn. Iskaba dhaaf ee waxay noqdeen axsaabta maanta Somaliland ka jirtaa gole qabiil, mid kastaana reerka murashaxa xisbigu yahay ayuu u noqday ardaa iyo gole ay ku kulmaan.
  2. Waxa la yidhaahdo saxaafadda xorta ah oo iyadana dimuquraadiyaddu wadato oo aan qaarkood anxash iyo edaabtoona lahayn bal e aynu odhan karo waa ta ugu khatarta badan. Nin kasta oo meel ka cadho-hadlaaya wax bay ka duubayaan kadibna iyada oo aan wax faafreeb ah lagu samayn ayaa bulshada la soo dhex dhigaaya. Waxay wax ka soo duubayaan nin caayaya reer  kale oo ay walaalo yihiin, siyaasi siduu doono u caayaya madaxda waddanka, suldaan lagu soo shubto oo kolba wixii loo yeedhiyo ku hadla wax uu xeerinayaana aanay jirin.
  3. Been iyo horumar la’aan aan muran iyo doorasho wax dhaafsiisan aan lahayn. Doorasho, haddana doorasho, haddana diyaar garow doorasho, haddana diwaangalin codbixiyeyaal… ha socoto uun ilaa dantii guud iyo waxqabadkiiba la ilaabay.

Haddaba maxaa xal ah? Mar haddii lagu fashilmay axsaabtii badnayd iyo doorashooyinkii maxaa xal ah? Somaliland sidan ma ku sii socon kartaa?  Ma la gaadhay waqtigii aayaha qaranka laga tashan lahaa ee xasillooni siyaasadeed “political stability” la galin lahaa?

Xal ma u aragtaa in aynu qabiilka isu dhiibno oo wax ku qaybsano maadama aynaan ka baxsan karayn? Yeynu haddaba sugaynaa in ay wax inoo hagaajiyaan!

WQ: Maxamed Cusmaan Xasan

sidiiroon.allahayow@gmail.com