Maxaa sababay waftiga eritrea usoo dirtay somaliland, maxaa se ka dhalan kara? (WQ: Aadan Ismaaciil)

Sida la oghayahay waxa maalintii Isniinta (18ka March) magaalada Hargeisa yimid Wasiirka Arrimaha Dibeda ee dalka Eritrea mudane Cisman Salax iyo la taliyaha madaxwaynaha Eritrea mudane Yemane Gebreab oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland kulana la yeesha madaxwaynaha iyo xukuumadiisa. Waxanay joogeen muddo 3 casho ah oo ay kulamo la qaateen ilaa labada Gole.

Booqashadan ayaa ka dhigaysa markii ugu horraysay ee uu Wasiir Arrimo Dibadeed oo ka socda dal adduunka ahi uu yimaado Somaliland. Tan micnahedu waxa weeye in Somaliland ay Eritrea siisay meeqaam siyaasi iyo diblomaasi oo sarreeya.

Hadaba su’aalahan ayaa u baahan inaynu is waydiino kana jawaabno:

1. Eritrea ma arrin ay keli ku tahay ayay la socotay oo ay Somaliland ula timid oo danteeda ayay u socotay?

2. Mise cid kale oo aan rabin inay Somaliland toos ula xidhiidho ayaa soo dhex martay oo ay metelaysay?

3. Maxay dhib iyo dheef innagu keeni kartaa xidhiidhka aan hore u jirin ee ay Eritrea Somaliland la samaysay?

4. Halkee se ayuu ku dambayn doonaa xidhiidhkani, maxaase ay ku heshiiyeen labada dal?

Ta koowaad waxa dhici karta in aanay Eritrea isku halayn ka qabin heshiisyada ka socda mandaqada oo ay doonayso inaanay Itoobiya noqon ta keliya ee ku amar ku taaglaysa gobolka (Ethiopian hegemony) sidaa darteedna maadaama aanay Jabuuti iyo Somaliya isku hallayn karayn ay Somaliland u aragto inay wax la qabsato.

Ta labaad, waxa dhici karta inay Eritrea soo dhex mareen Immaaraadku (acting as a proxy) oo laga baqsanyahay inay Itoobiya awooda mandaqadu gacanta u wada gasho sidaa darteedna la rabo in la tuso in dhinaca Somaliland Itoobiya laga degi karo. Abiy wuxu dorraad tegay Qatar shalayn Abu-Dhabi, horena waxa uga soo laabtay Afwerki.

Ta saddexaad, inaga waxa dhib inoogu jiri kara hadii Itoobiya ay u aragto inaynu ka baxnay gacantooda inay culays inaga saarto meelo kale sida Puntland/Somaliya oo ay xoojiso, jabhado sida Caarre ama Khaatumo oo ay inagu dhaqdhaqaajiso (insurgency). Ama dhinaca dhaqaalaha oo ay dekada heshiiskeedii hakiso.

Ta afraad, ma garan karro ilaa iminka inay Somaliland iyo Eritrea gaadheen wax heshiis ah oo aan ahayn in xidhiidhka la xoojiyo (amicable bilateral relationship) oo la iska kaashado dhinaca siyaasada, dhaqaalaha oo ay xigi karto in madaxwayne Muuse lagu casuumo Asmara.

Gunaadakii, si kastaba ha ahaatee Somaliland waa inay mar kasta ka taxadirto inay ku dhacdo “xorfado siyaasadeed” ama waxa loo yaqaan “political pitfalls” oo ay talaabo kasta oo siyaasadeed oo ay qaadayso ka eegto faa’iido iyo khasaare waxa ugu jira dalka (cost-benefit analysis) ka dibna ay qaado ta ummada faa’iido ugu jirto, iyada oo aan ka cabsanayn cidna.

Fadlan bal idina dhiibta fekerkiina!

Adam Ismail
aadanweli@gmail.com