Xaalada bulshadeenu ku sugan tahay waa mid aan loo dul qaadan Karin , marka loo eego , xaalada nololeed iyo saamaynta uu ku yeeshay kor u kaca maceeshada iyo sarifka lacagta doolarka oo marna cirka la geynayo marna dhulka taasina ay sababtay in dadkii danyarta ahaa noloshii ku adkaatay oo ay awoodi waayaan inay iibsadaan quutal daruurigii. Halka gacansatii ay leeyihiin haddii doolarkii jabay annaga waxba nagama gelin oo allaabtaa nagu qaaliya
Haddaba maxaa sicir Baraka keenay dawaladuse qayb ma ka tahay?
- Lacagtii jaadka ee awal hore birta lagu diri jirey oo hadda doolar laga dhigay isla doolarna lagu diro iyada oo aan dibna dalka ugu soo noqon.
- Xoolihii dibadaha loo dhoofin jirey oo la joogiyey , lacagti doolarka ahayd ee ee ka soo hoyan jirteyna way joogsatay
- Dawlada oo cashuurihii kor u qaaday, taasina qayb ka tahay sicir bararka jira.
- Abaaro baahsan oo guud ahaan wadanka saameyey tusaale. Dadkii masakiinta ahaa ee magalada xoolaha u iib keenay jiray oo aan haysanba xoolo ay sayladaha keenan
Iyo qaar kaloo badan.
Si kastaba ha ahaatee doolarkii la jabiyey adeegyada ZAADka iyo E-DAHABku sicir bararka jira ma xal buu u noqo karaa sicir barka jira Inagoo isku deyeyna su’aalahaa jawaabahooda waxaynu odhan karnaa dawladu way dedaashay isku day fiicana samaysay laakiin dawladu ma abaarin halkii sartu ka qudhan tay iyo qodobadii ay ahayd in ay ka bilaaban
- Waxaa haboon in dawladu mudo 24 saacadood gudahooda ah raashiinka iyo badeecadaha kala duwan ummada u jabiso , sida ay doolarkaba u jabisay
- Dawladu waa in ay ogaataa qiimaha alaabta suuqyada caalamka lagaga soo iibsado , si ganacsatada qiimaha loogu jaro ,ganacsataduna faa’iido yar u dul saartaan , Shir deg-dega ahna ganacsatada loogu yeedho oo ay kala hadasho sicir bararka sababtay ummadooda ugu naxariisan la’a yihiin ama haddii kale Dawaldu waa in ay keento raashin jaban ileen iyadaa ka masuula shicibkan baahne
- Dawladu waa inay dhiiri gelisaa isticmaalka shilinka Somaliland hoosna u dhigtaa doolarka
- Hadd iyo goorna waxa haboon marka dawaladu ay talaabooyin qaadayso waa inay mudnaanta sii saa sida ay qodobadu u kale mudan yihiin.
- Haddii ay tahay in doolarka la jabiyo waa in maceeshadana la raaciya oo aanay kala hadhinUgu dambaytii
Wuxuu yidhi ilaahay swt marka aad dhulka iskaga naxariisataan ayaan samada idiinka naxariisanayaa.
Waxaan qabaa hadii aynu isku naxariisano in roob dhibco waaweyni inoo di’i lahaa oo abaartan iyo aafooyinkani inaga soo afjarmi lahaayeen.
Hoos ka akhriso maqaallo hore oo uu qoray Kamaal Xassan Isaaq
Akhlalaadii dhallinyaradeenu ma sidan bay ahaan jirtay?
Maxaad isku dhiibi waydeen haddii aad timaadeen Ingiriiska?
Sheeko siyaasi ah: Haddii aanu walaalkayo garab istaagi lahayn, maanta waxaasi kumay dhaceen
Cabsida carruurtu usha ka qabaan
Wadayaasha baabuurta iyo waxyeeladay carruurta ku hayaan
Hoos u dhaca sayladaha xoolaha oo saameeyey xoolo dhaqatada masaakiinta ah
Sheeko dhab ah: I waydii waxaan rabo!
Badbaadada carruurtu waa badbaada bulshadeena
Tell: 00252-63-4402758
Hargeysa Somaliland