Maxaa u gaar ah Magaalada Boorame xiliga qalinjabinta Jaamacadaha?…W/Q:(Sakariye Axmed Muxumed)

Magaalada Borame ee xarunta gobolka Awdal waa magaalo ku caan baxday aqoonta iyo mudnaan siinta dadka waxbarta, waxana laga laga aasaasay magaaladaa dugsigii sare ee u horeeyey Somaliland oo ahaa goobta imika ay ku taalo Jaamacadda Camuud mar labaadna waxay noqotay magaaladii u horeysay somaliland ee jaamacad laga hirgeliyo waana isla goobtii laga hirgeliyey dugsigii sare ee Camuud oo la dhisay xiligii maxmiyadii Ingiriisku dalka ka talinaysay.

Taariikhdu markay ahayd September 02, 2023 waxaan ka qaybgalay qalinjabinta jaamacadda Camuud aniga oo ka mid ahaa waalidiinta galbinayey ardayda qalinjabinaysa, maadaama oo ay sanadkan jaamacadaas ka qalinjabinaysay walaashay Dr. Salma Axmed Muxumed oo ah qofkii labaad ee qoyskayaga ka qalinjabisa kuliyadda Caafimaadka ee isla jaamacaddaas waxana hore sanadkii 2020 isla kuliyadan uga qalanjabiyey walaalkay Dr. Cabdiwaduud Axmed Muxumed. ka qaybgalka munaasibadan Ayaana ka dhigaysay markii labaad ee aan jaamacadaa kala qaybgalo munaasibad qalinjabin ah.

Labadii jeer ee aan munaasibadaa u tagay magaalada Borame waxaa aad ii soojiitay sida loo maamuuso ardayda ka qalinjabinaya jaamacadaha waxaanan jeclaystay inaan qoraalkan idin kula wadaago hab dhaqankaas iyo sida uu ii xiiso geliyey.

Ardayga ka qalinjabinaya Jaamacad wiil iyo gabadh midka uu doono ha ahaadee, marka laga yimaado qoyska uu ka tirsan yahay oo iyaga si gaara ay farxad iyo guul ugu tahay dhamaadka geediga waxbarasho ee ardaygoodii ay tacabka badan geliyeen waxa iyaguna dareen farxadeed muujiya bulshada reer boorame waxana qof kasta uu u diyaar garoobaa xiliga qalinjabinta sidii uu u hambalyayn lahaa una fooladayn lahaa ardayda gaar ahaan inta ay dhinac uun xidhiidh ka leeyihiin sida ehelka qaraabada iyo asxaabta.

Tusaale ahaan, waxaa jirta astaan caan ah oo lagu garto guriga arday u qalinjabinayo taas oo ah in guri kasta oo qof ka qalinjabinayo aroortii hiirta hore albaabka hore (Main gate) lagu sharaxo laba laamood oo qoyan oo laga soo jaray geedka timirta waxana lagu kala xidhaa labada rukun ee albaabka, baarka horena waa la iskaga xidhaa labada laamood waxana lagu sii qurxiyaa ubaxyo qoyan oo markaas uun geedaha laga soo jaray. Taasi waxa ay ka dhigan tahay in guri kasta oo labadaa laamood ay ku dhegan yihiinba loo aqoonsado in arday ay u qalinjabinayso.

Subaxnimadii hore ee labada maalmood ee aan magaalada Borame u tagay inaan ka qaybgalo qalinjabinta Dr. Cabdiwaduud Axmed, 2020 iyo Dr. Salma Axmed 2023, waxaan walaalahay Umalkhayr Axmed, Maan Axmed iyo Muhiima Axmed kala shaqaynayey sidii caleemahaas qoyan aan guriga ugu sharixi lahayn waana farxad aad dareemayso qiimaheeda marka aad hawshaa diyaarinayso.

Intaa marka laga yimaado, subaxa hore ardayga qalinjabinaya iyo qofka waalidka ah ee ardayga qalinjabinaya raacaya ayaa ku kalaha jaamacadda si ay uga taxadaraan in wax habsan ahi aanu ku iman maadaama oo maalintaa meelo badan oo boorame ka baxsan la iskaga yimaado baabuur badan oo aan magaalada hore u joogina ay jaamacadda u soo qaadaan ardayda gobolada ka kala imanaysa taas oo mararka qaar sababta in saxmad awgeed hoolka qalinjabinta ay adkaato in la gaadho. Inta khudbaduhu ay socdaana waxa soo buux dhaafiya barxada balaadhan ee ay jaamacadu leedahay dad tiro badan oo rag, dumar iyo caruurba leh kuwaasi oo sida agabkii lagu fooladaynayey ardayda qalinjabinaysa si ay u sii sugaan qofka u qalinjabinaya, kaas oo maalintaa la siiyo hab-maamuus aad u heer sareeya oo u noqda shidaal uu ku wajaho geedigiisa nololeed inta u dhiman.

Marka ay khudbaduhu dhamaadaan ee dibada ay ardayda qalinjabinaysaa u soo baxdo waxa isbedela dhamman jawiga jaamacadda oo dhan waxaana bilaabma hambalyada iyo fooladaynta qalinjabiyayaasha sidoo kalena waxana bilaabma sawiro lala gelayo qof kasta oo qalinjabinaya si baraha bulshada loogu baahiyo farxada loo qabo qofkan qalinjabinaya.

Hadaba, marka ardaygii qalinjabiyey uu gurgooda ku soo laabto galabnimada ilaa habeenka inta badan guriga ayuu joogaa si uu u qaabilo dadka hambalyada ugu imanaya. Qofkasta oo u yimaada qofkaa qalinjabinya inuu hambalyeeyo waxa uu sidaa kees sharaab ah iyo baco nac-nac ah albaabka marka uu ka soo galana waxa dumarka guriga ku sugani isla oogsadaan mashxarad iyo alalaas waxan madaxa lagaga shubaa nac-nacii la siday waxana loogu duceeyaa in ilaahay cilmiga uu uga dhigo mid uu intifaacsado.

Intaa waxa dheer, in qoyskii awoodaa ay xoolo qalaan oo ay u duceeyaan qofka soo qalinjabiyey. Ugu dabnayntii, hab maamuuskaas lagu qaabilayo qofka soo qalinjabiya qaarkood waxa ay reer Borame kala siman yihiin bulshada kale ee Somaliland balse qaar ka mid ah waxa ay u gaar tahay dadka ku nool magaaladaas waxayna ina tusaysaa sida bulshada reer boorama ay u yihiin dad ciseeya waxbarashda aaminsana in dhibaato kasta oo la soo darista qofka dhaliinyarada ah inta uu hayaankiisa nolosha ku jiro uu kaga gudbi karo aqoonta uu bartay mustaqbalka.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Qore: Sakariye Axmed Muxumed

Bandhige@gmail.com