Maxaa u sababa sicir bararka (WQ: Cabdi Cawiye)

 

Laba qodob ayaa sababa sicir bararka

Dalabka iyo adeego kordho (Demand-pull inflation).

Xaaladani waxay timaada marka:

Xukuumada oo kharash keedu kordho (Increase in public expenditure)

Xukuumadu haday kordhiso kharah keeda (misaaniyada) si ay mashaaric cusub u fuliso, waxa kordha shaqaalaha. Musharada iyo mushqaayada ay qaataan waxy ku iibsadaan alaabo iyo adeegyo badan oo aanay markii hore awood u lahayn. Ascaartuna markaa way korodaa.

Kharashka gaarka looleyey oo kordha (Increase in private expenditure)

Marku xaalada dhaqaale heer wanaagsan marayso, shirkaduhu malgelin bay sameeyaan si ay u kordhiyaan wax soo saarkooda; shirkada kale oo cusubina wadanka ayey maal gashaadaan. Arrintaasi waxay keentaa in shaqaale badan loo baahdo. Taasina waxay keenta lacag badan inay dadka soo gasho; dalabka kordha markaa. Arrinkaasi wuxu sababa sicir barar.

Qoyska oo kharash kiisu kordho (Increase in consumer spending)

Markasta oo dakhliga qoysku kordho, waxa kordhaaya baahidooda oo waxay u dhaqaaqaan inay bucsharo iyo adeegyo badan iibsadaan. Haday heelaan amaahna waxay iibsadaan wuu sii kordha. Isla markaa waxa yaraad bucsharada suuqa taala. Xaladaasi waxay sababtaa sicir barar.

Cashuurta oo la dhimo (Reduction in taxation)

Haday xukuumadu dhinto cashuurta, dadka lacag badan oo cashuur looga qaadi jiray ayaa u soo hadha (Increase in disposal income). Qoysku markaa lacagtaa wuu ku muraad sada oo suuqa ayuu lagala. Dalabkaa ayaa markaa kor u kaca. Tasina waxay sababtaa sicir barar.

Dayn hore oo gudaha ah, marka la bixiyo (Repayment of past internal debt)

Haday xukuumadu dayn hore uga qaadatay ganacsatada ay bisxiso, dayn kaasi wuxu kordhiyaa xisaabta jaariga ah (demand deposite ama checking account). Taasina waxay kordhisaa lacagta suuqa ku jirta (Money Supply) oo iyana sabata sicir barar.

Tirada dadka oo korodha (Increase in population)

Dadka wadanka ku nooli markay kordaan ( ama taranku kordho ama dad soo guuray ama soo qaxay wadanka dagaane) waxay dadkaasii u baahdaan bucsharo iyo adeegyo baadan oo aan si dhakhso ah loo dabooli karin. Taasina waxay sababtaa sicir barar.

Saadiratka oo kordha (Increase in exports)

Hadii dabedda loo dhoofiyo bucsharo aad looga baahanyahay wadanka gudihiisa , bucsharadaasi wadanka gudihiisa ayey suququl ku noqotaa, waxaanay sababaa sicir barar.

 

Dakhliga Xukumada oo dabooli waaya kharashka (Deficit financing)

Haday xukuumadu miisaaniyad aan dhakhliga iyo kharashku isu miisaanaun samayso, waxa bil khasaba inta ka dhiman miisaaniyada in meel kale laga doono ama ha la amaahdo ama ha la daabaco. Markaa waxa aad u kordha lacgta suuqa ku jirta . Waxa halkaa ka bilaaba sicir barar.

Wa marku xadiga bucsharadu iyo adeegu hoos u dhaco (Cost-push inflation).

Khilaaf ka dhaca goobaha shaqada (Industrial disputes)Waxay xaaladani timaadaa marka

shaqaalaha iyo maamulku isku af garan waayaayan in shaqalaaha mushahaarada loo kordhiyo. Taasi waxay keenta inuu shaqaalahu shaqa joojin sameeyu inta waan-waantu socoto. Ama maamulka ayaa shaqaalaha oo dhan shaqada ka joojiya ila heshiis la gaadhaayo. Wax soo saar ka ayaa istaaga in mudo ah. Heer kii bucsharada la sanceeyo iyo adeegyada ayaa hoos u dhaca, suuqana aad baa looga dareemaa; dabadeedna ascaartu kor ayey u kacda oo sicir barar yimaada.

Ascaarta cawaamisha wax soo saarka (factors of production) oo kordha

Waxa kordha mushqaayada shaqaalaha, kirada, dhulka, qalabka, maadadaha la sanceeyo (materials), iyo ribada (interest). Marka waxa qaali gaaroba qiimaha shaykasata oo la sameeyo iyo adeeg kasta oo la diyaariyo oo ku kaca kharash ka badan intii loogu talagalay. Hadaba qiimo kordhka ku yimada wax soo soorka iya adeegyadu, wuxu sababaa wax soo saarka oo yaraada. Dalabkuna wuu sii baataa, dabadeedna ascaarta ayaa sii qaali garwada.

Cawaamisha wax soo saarka oo yaraata (Shortage of factors of production)

Cawaamisha wax soo saarka ee aan kala maarmin waxay yihiin: Shaqaalaha (man) , makiinadaha (machine), madadaha (materials) , iyo lacgta (money). Cawaamishaa haduu mid ka midi heerka loogu talagalay hoos uga dhaco, wax soo saarka ayaa yaraada bucsharada iyo adeeguna hoos buu u dhacaa, ascaartuna way korodha.

Xukuumadoo cashuurta kordhisa

Marka ay xukuumadu kordhiso cashuurta, waxa hoos u dhaca dakhliga bulshada. Ganacsatudna cashuur kasta oo korodha waxay ku daraan ascaarta bucsharada. Markaa dadka ayaa si dadban cashuurta u bixiya. Laba xaalo oo adag ayaa la soo darsa qoyska. Ascaartii oo qaali garawda iyo dakhligii oo yaraada. Talaabadasi sicir barar iyo busaarad la badaba wey keentaa.

Dhibaato lama filaan ah oo ku habsata wax soo saarka (Supply Shock)

Waa marka aafooyin dabeeciya sida abaarta, daadka oo wax soo saarka hakiya. Ascaarta waaridka (imports) ee wax soo saarka toos ula xidhiidha, sida shidaalka oo aduunka ku qaali garooba, ama bad xidhan daca oo maadadii la sancaynaayey la waayo, taasinay wax soo saar ka ayay liciifisaa. Markaana bucsharadu way yaraata qiimaheeduna kor buu u kacaa. Xaladaha caynkaasi waxay keenaan ascaarta oo koroda iyo shaqo beel.

Buchsharda oo la xeeraysto (Hoarding of goods)

Xaaladani waxa dhacda marka ay ganacsatadu si ula kac ah bucsharada oo taala iibka u diidaan, si ay suququl beenbeen ah u abuuraan; dabadeedna qaali ku iibiyaan marka bucsharad suuqa ku ku yaarato. Tusale ahaan waa soncorta oo la keenay oo qaar ganacsata ihi intoodii qariyaan ila inta suuqa soncor la ga waayaayo oo ascaartu aad u kacayso.

Waxa kale oo dhaca inay dadku laftoodu bucsharoda ay aad isticmaalaan ay in badan ka gataan ayagoo ka cabsiqaba ascaarta oo korodha ama sicir barar soo foole

Xigasho:- Dr saed shekh mohamed phd

Shaywaal12@gmail.com