” Waxaynu qabsanay waxaa ugu muhiimsan ”.
Nin prof ah uu u dhashay wadanka sucuudigga , dadiisunna tahay 70 jir ayaa waraysi lagga qaaday isagoo magaciisa qariyey waxaa lagga hayaa ” weligay arrimaha wadankayga tallo kamaan dhiiban , aragtidayna maan cabirin , waxay ila tahayna ma sheegin , waxaanan dhimanayaa anigoo aan waligay talinin ”.
Sababta Prof sidaa u leeyahay waxay tahay , qofka u dhashay wadanka sucuudigga talooyinka wadankiisa isagu wax doora kuma laha , rayina kuma darsan karro .
Somaliland 29 sanno ee ay jirtay , waxay qabsatayna waxaa ugu mudan in aynu arki karro wixii inaga qaldan imika , in aynu sheegi karro wixii qaladan iyo in aynu qaladkeena farta ku fiiqi karro .
Dadka ugu badan ee maanta qaladaadkaas wada arkaya , ee indho fayow oo ilbaxnimo , aragtiyeed iyo aqooneed ku eegayaana badankoodu waa dhalinyaradii dhalatay intii Somaliland jirtay , sidaa darteed waxqabad ka wayn Koritaanka ilbaxnimo ee aynu samaynay ma jirro .
Qaladaadka jirra .
Xoghayihii horre ee Wasaaradda Gaashaandhigga Rober gates ayaa isagoo ka hadlaya dib u habaynta haayadaha dawladeed wuxuu yidhi ” Reform ka ama dib u habayntu waa sheeko aan dhamaad lahayn ”.
Sidaa darteed , Somaliland wax badan baa ka qaldan , qaladkeena in aynu saxnana waynu isku raacsanahay , marka laggu darro qaladka ugu wayn ee aynu galo oo ah in aynu dhamaanteen macaa anigan idinla hadlaya aynu codkeena qabyaalad ku bixino .