Maxaad ka taqaan dagaalka qabow ? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Dagaalka qofka ama umada lagu qaadaa waa laba mid uun, mid gacan ka hadal ah iyo mid aan la taaban karin. Dadku way iska wada yaqaanaan dagaalka gacan ka hadalka ah, laakiin inta badan ma yaqaanaan dagaalka qabow, labada dagaalna waxaa khatar badan ka qabow, waayo umadu ama qofku ma oga inu dagaal ku socdo, dagaal baana ku socda. Bal ka waran umadaa iyo qofkaa aan is ogayn ee dagaalku ku socdo, dhib intee leeg ayaa la gaadhsiin, dee ma sawiran kartid.

Hadaba maqaalkan waxaan dadka ku yara baraarujinayaa hubka loo isticmaalo dagaalkan qabow ee khatarta badan, dadkana waxaan ku baraarujinayaa inay iyagu baadhitaan sii sameeyaan.

1. marginalizing.
2. Gang stalking.
3. Gas lighting.
4. And black magic.

Marginalizing: –

Qofka ama umada dagaalka ugu horeeya ee lagu qaadaa waa (Marginalizing), marginalizing waa qofka ama umada oo laga dhigo wax dulsaar ah ama dhib ku haya caalamka, qofka ama umadaas ayay ka dhaadhiciyaan inay yihiin (Parasite) ama si kale u dhigoo dulin, dagaalkaas ayay mudo ku wadayaan, hadii ay ku guulaystaan qofka ama umadaas sida loo sawiray ay isu dhiibaan, aaminan inay yihiin qof ama ummad aan waxba ahayn waa sidii ay doonayeen, laakiin hadii ay arkaan qofkii oon is dhiibayn ama umadii, waxay uga gudbaan, qaababka kale, gabadh wadaad ah ayaa laga hayaa iyada oo ninkeeda ka sheekaynaysa “waxay tidhi barigii hore gurigayaga lagama dhamaan jirin sida loo doonaayo ninkayga, imikana ri luntay lama waydiiyo,” waxa wadaadkaa la galiyay marginalization.

Miyaydaan arag qabaail la soo saarayo iyo qaar saaxada laga saarayo dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaanba, imika soomali oo dhan ayaa laga dhigay marginalized, waxaa caalamka loogu sawiray dad fawda ah oo is cunaaya, niman carab ah oo yimid Somaliland, ayaa arkay lacagahan iyo dahabkan suuqa wadhan, way yaabeen waxay sawiranyeen iyo waxay arkeen, waxay yidhaahdeen “waar janno ayaad ku jirtaan.”

Gang stalking:-

Kani waa qaab dagaal oo xoog badan, waxa ka qayb qaadanaya dadbadan oo qofka ku xeeran si toos ah ama aan toos ahayn, waxa la weeraryaa dhaqaalahaaga, sumcadaada, xidhiidhka aad dadka la leedahay, iyo maskaxdaada, maalinbaa anoo nin aan walaalonahay la fadhiya ayaa mid qaraabada ah ayaa soo galay inta uu na salaamay, ayuu walaalkay ku yidhi sowtii la lahaa nuur wuu xanuunsaday. Maalinkale anoo xafiiskayaga ku socda ayaa mid xafiiska aan wada joogno gaadhigiisii isoo ag joojiyay isaga oo yaaban, markaas ayuu igu yidhi waar Nuur intee ayaad xafiiska u socotaa? wuxu la yaabay sida ay dariiqa kolba iigu xidhayeen kuwan laygu salliday, waxaan ku idhi maxaan sameeyaa miyaan dagaalamaa?Nin walaalkay oo dareemay waxa socda, ayaa aayad xirsi xidh ah isiiyay, inta ay masaajid iga eryeen malayn maysid, midbaa maalin anoo cishaaigii sugaaya, isa soo kay dul taagay, markaas ayuu igu yidhi waar meesah iskaga tag, intaan lagugu dilin.

Masaaajid aan dacwada tabliiqa ka waday ayaa mid meel uu ka yimid aanan garanay ii yimid, oo jug soo dhacday ah, wuxu dadka ku yidhaa nuur baa dacwada igu soo xidhay waa beentii, markii uu ii yimid ayuun buu billaabay inu yidhaa nuur Al-shabaab ayaa la tagayaa, wuu igala dhamaan waayay ana waan eegaa uun waar ninkan muxuu ahaa, markii dambe ayaan ogaaday in laysoo diray si uu dabin ii galiyo. Waxaad arkaysaa mid balwadii iska daaya, illaahay dartii u yimid masaajidka oo kuwii waxan ku jiira ninkii cusbaa ay hawshan galinayaan. Waxaan u soo taagnaa mid busaaradsanaa oo dacwada si daacad ah u wadi jiray, markii qorshahan la galiyay ee uu ka qayb qaatay kharashkiina loo dhiibay oo kulan ka hadlaaya, wuxu leeyahay dacwadu soo dhawyn iyo dhabar jeedis ayay leedahay, imika waxaynu galnay waqtigii istiqbaalka, hada kharashkii uu diintiisa ku iibsaday ayuu ka dhigayaa istiqbaal, inaa lilaalilaahi wa inaa illaahay raajucuun.

Waxan noqday imika sida ay sumcad dil iigu wadeen, islaamaha, caruurta iyo sufahada ayaa igu hadaaqa. Iyaga oo arinkaa ku faanaya sida ay sharafta iiga dilleen ayay maqaal soo dhigeen, waan hayaa maqaalkii, laakiin imika fidinmaayo markeeda ha la gaadho.

Hore ayay arinkayga u baadheen, mid ayaa maalin igu yidhi Nuur la ogaayoo waa guriga, xafiiska iyo masaajidka, bal hada ka waran ninkaygaas ayaa hadana amaan la, maxaad u malayn ku kalana? waxaas oo dhan waxay usamaynayaan, maxaad noo ogaatay iyo inaan la rumaysan waxan aan sheegaayo. Maalinbaa anoo meel taagan laba dumar ah ayaa iskay soo agtaagay iyaga oo iska dhigaaya sidii wax sheekaysanaya, markaas ayay mid ku tidhi tii kale, naa waxa lagugu dilayaa ildheerida.

Waxan aan idiin sheegay, it is the tip of the iceberg. Barnaamijkan waa khatar cidda la galiyaa noloshiisu halis ayay ku sugantahay marwalba.

Si aad u sii fahamto barnaamijkan waxaad daawan kartaa flimka The Game, Michael Douglass.

Gaslighting:-

Kani waa dagaal maskaxeed, qofka maskaxdiisa ayaa lagu ciyaaraya, kolba war been ah ayaa loo dhiiibayaa, ama war boqolkiiba konton run yihiin, arimaha si aan dhab ahayn ayaa loogu sawirayaa, illaa uu gaadho qofku inu naftiis ka shakiyo oo is yidhaa malaha waxbaaba kaa si ah. Maalinbaa waxaan wada soconay mid wadaad isku sheeg ah oo jawlad tabliiq ah aanu ka nimid, midkale ayay sheekaysanayeen, waan maqlaayay warka loo sheegay, markii uu doonay inuu aniga ii sheego ayuu si ka duwan iigu sheegay, waxaan ku idhi waar sowkii caynkaa ku lahaa, markaasuu aamusy, waa dad bilaa damiir ah.

Black magic:-

Waa hubka ugu wayn ee ay isticmaalaan, dadbadan iyo reero badan ayay ku baabiiyaan, waa ka ugu khatarsan uguna fudud, waa khatar qofku hadii bilaa cibaado lagu helo, waana wax fudu hadiii qofku yahay qof illaahay ku xidhan, markaas waxba kama qaadaan. Maxaan u soo taagnaa reero dhan oo lagu burburiyay, dadkuna ay moodayaan inay wax reerkaa ka si yihiin. Gabadh ayaa laga hayaa adeerkay nin wanaagsan ayuu ahaa eh maxaa ku dhacay caruurtiisii, balwado ayaa lagugu sixrayaa aanu qofku iska kari karin, markaas ayuu qofku moodayaa inuu isaga yahay waxa balwadan doonayaa, laakiin waa lagugu sixray, adiguna isma ogid.

Nuur Xaaji Xiiray
Nur.hersi21@gmail.com