Waddaniyaddu waxa lagu micneeyaa inay tahay Fikir Siyaasaded,bulsho,dhaqan iyo dhaqaale oo loogu adegayo danaha uu waddan leeyahay isla markaana lagaga hor tago wixii dhib ku ah wadankaas,si loo sii amba qaado inuu wadankaasi sii jiro isla markaana uu madaxbaanidiisa sii haysto,qofka arrintan ka shaqeeyaa ee inta badan wakhtigiisa iyo tacabkiisa geliya wadanka wuxuu qaataa in loogu yeedho magaca Hebel waa nin waddani ah”Nationalist”.
Haddii qofka waddaniga ahi ku sii xeel dheerado jacaylka uu waddanka u qabo,oo uu had iyo jeer ku faano,inuu wadankan uu u dhashay uu ka fiicanyahay waddamada dhiggiisa ah waxaa loogu yeedhaa “Patriotism” wuxuu la qaybsadaa ama uu mideeyaa dadka sidiisa oo kale ay madax martay waddaniyaddu,waxana uu sameyaa Ururrada wadaniyiin ah oo aan ujeedadoodu wax kaleba ahayn ee ay tahay inay dusha ka ilaaliyaan ama ka shaqeyan danaha(interest) ka uu leeyahay waddanku.
Nooc kale ayaa iyaguna jira oo la yidhaa asalraac “Ethnocentrism”qolyaha noocan ahi waxay ku doodaan dadka wadankan xuquuqda ku lihi ama dhalasho ahaan aanu aqoonsanahay waa kuwa astaamaha noocaas iyo noocaas ah leh.
Tusaale ahaan waa iyadoo la yidhaa1960kii wixi ka horreeyay dadkii ama beelihii Somaliland deganaa ayaanu u aqoonsanyahay Somalilanders,mana xuma waa aqoonsi (Identity).
Tusaale kale waa haddii imika ay jirto koox magaca Somalida u ordaysa sidii uu u sarrayn lahaa waxay odhan karaan haddii qofka magaciisa illaa ka awowgiisa afraad aanay magacyo Somali ah ahayn yaan loo aqoonsan inuu Somali yahay Matalan Guuleed Farax shirwac Diiriye qofka afartiisa magac sidan yihiin ayaa Somali sax ah,iyaduna ma xuma waa Aqoonsi (Identity).
Waxan uga jeedaa maqaalkaygan kooban Somalidu inta badan waa Upside-down,xagga dunidu u socoto maahee xagga kale ayay iyagu u sii socdaan.
Waxad ku arkaysaa Somalida dad badan oo u dooda qabiilkooda ama u dhaq-dhaqaaqa “Clan activist”halkii ay ka ahayd inuu ahado (Nationalist) dadkani waxay u ordayaan ama ay olole ugu jiraan in reerkoodu uu boobo ama sad bursiimo helo,ama uu xaqqa ka maqan soo dhacsado,iyadoo aan xaqan reerka ka maqan aan la garan Karin halka uu ku eegyahay.
Arrintan oo baryahan danbe soo xoogaysanaysaa waxay keentaa in xattaa dad aqoonyahan,Culimo,saxafiyiin, ganacsato,iyo qaybaha bulshada ugu mudan ama labeenta ahi ka shaqeeyaan oo ay caroog la dhex istaagaan beelaha,iyagoo ka shaqaynaya qabyaalad,oo soofaynaya dhalinyarta reerka waxana ka soo fula ficillo fool xun oo keeni kara dumin.
Arrintani waxay meesha ka saartay cabbirkii fikirka saxda ah,waxay isu bedeshay in gar iyo gardarroba xagga qabiilka uun laga istaago arrin kasta oo dhacda,inuu qofku cid taageero ama uu mucaarido keliya waxay ku xidhantahay intad ogaanayso,deegaanka uu ka soo jeedo qofka cid taageeraya ama mucaaridaya Waxa jira shabakado reeruhu ay samaysteen oo ka kooban kuwa dalka jooga iyo kuwo Qurbe joog ahba,kolkii hore waji fiican ayay ku bilaabmeen oo Horumarin ah,oo dadku deegaamadii ay ka dhasheen ayay wax badan ka dhiseen,hase ahaatee waxa samaysmay waji kale oo siyaasaded oo fool xun.
Soo jeedin (Solution)
1-waa in la soo celiyaa is dhexgalkii iyo aqoon isweyrsaagii bulshada.
2-Waa in la sameeyaa ama manhajka lagu daraa casharrada waddaniyadda (Civic Education)
3-Waa in qofka la baraa xaqqa uu ku leeyahay waddanka iyo xaqqa isaga uu ku leeyahay waddanku.
4-waa in la helaa aqoon iyo aragti lagu naqdinayo aragtidan wax dumiska ah,aragti waxa lagu joojin karaa aragti kale oo laga horgeeyo,ee laguma joojin karo xoog.
5-In shabakadaha ama Ururada beelaha ah ee ka jira Gudaha iyo dibaddu ay Horumarka iyo wanaaga dhisaan oo ay hoos u dhigaan ama yareeyaan ku lug lahaanshaha Siyaasadda,sababtoo ah waddankoodii ay ku tabcayeen ayay dhib u gaysan karaan.
6-Waa in la abuuraa aragti ku dhisan waddaniyad,oo laga sarraysiiyaa ta ku dhisan beelnimada.
7-Waa in hadba xukuumadda Talada haysaa ay dhowrto Sinaanshaha (Equity) oo dadku iska wada dhex daawadan murayadda Dowladnimo,waana in si hoose xukumaddu ula socottaa cabashoyinka hadba meesha ay ka jirto.
Wa billaahi Towfiiq