Maxaad Ka taqaanaa Caadifadda (Emotion)? (WQ: Rashiid Odowaa)

Xamaasadda ama caadifadda waa arrin la xidhiidha xagga maskaxda gaar ahaan, waxay ka tarjuntaa jawaabaha uu qof ka bixinayo Waxyaabaha la soo darsa ee ay ka mid yihiim dareenka,Farxadda,cadhada,naxdinta,muruqada iwm waxa kaloo oo lagu sharxi karaa “caadifaddu waa jawaabaha Togan ama taban ee uu qofku ka bixiyo xaalad gaar ah oo la soo derista ama bulshada dhex timaadda”

Mararka qaarkood xamaasadda ama caadifadda waa wax laga akhrisan karo wajiga qofka,ama ficilka uu ku dhaqaaqayo,waxa la arki karaa qofka oo wajigiisu is beddel samaynayo,oo marna Ururayo,mar madobanayo,marna iftiimayo,waxa kaloo lagu arki karaa dhidid ama gariir dibnaha iyo xubnaha faraha ah gaar ahaan marka uu cadho daremo.
Waxa muhuiim ah marka aad qiimaynayso shakhsi,koox,xukumad xisbi iyo xaalad kasta oo kula soo darista,waxa fiican inaad jiho kasta ka istaagto oo aad ka soo eegto,macnaha waa inaad ku kor wareegtaa,oo aad isu eegtaa Wanaagga iyo xumaanta ka dibna aad miisaanka saarto,waxa dhacda haddaba in qofku caadifad darted uu dhinac keliya wax ka eego hadhowna sidii uu rabay ay xaaladdu ka duwanaato.

Waxa dhacda bulshada dhexdeeda siiba dadka siyaasiyiinta ah in ay Qof ama xisbi aad ula dhacaan,ama taageeradooda illaa xad siiyaan,dadkana isku dayaan si kasta oo ay ku qaadato inuu ka dhaadhiciyo,hadhow ayay xaalladu si kale noqottaa wuxuu ku soo noqdaa dadkii uu ku lahaa taagerada bixiya,wuxuuna yidhaa aynu ka hornimaadno,ka dib dadka waxa ku dhaca yaab!waxay yidhahdaan oo sowdigii shalay na lahaa xaggan u kaca,sidaas si la mid ah ayuu nacayb iyo xumaan ka faafiyaa Cid gaar ah,koox ama xisbi barri ayuu haddana,ammaan iyo kalgacayl kula dul kufaa Sidee ayay u soconaysaa,arrintani waxay keentaa in siyaasiyiin badan ay kaga baxaan masraxa siyaasadda,oo ay noqdaan qaar aah la isku hallayn Karin,waayo kolka hore ayuu wixiisu caadifad ku dhisnaa.

Somalida dareenka caadifadda waxa hogaamiya ama dabada ka riixaa waa Qabiilka,kooxaysiga dano shakhsi iwm,inta badan miisaanka uu sittaa waa kuwan aynu sare ku xusnay haddii uu ka waayo waxa laga yabaa inuu dhinaca kale u dhgo ama uu cadaalad darro ku qaado,isagoo aan waxba hubsan.

DIINTA ISLAAMKA IYO CAADIFADDA
Diinteenna iyo sunada nabiga (SCW)siyaabo kala duwan ayay ugu soo aroortay Caadifadda waxa ka mid ah” markii Nabi Daauud ay isula yimadeen laba Malag oo qaabkii Aadmino iska soo dhigay,ee ay taandhadii uu fadhiyi jiray ugu soo galeen xilli aanu filayn wuu naxay,waxay ku yidhahdeen ha naga baqan waxanu nahay laba nin oo Muransan,Walalkay wuxu leeyahay 99 neef oo ido ah aniguna waxan leeyahay 1 lax ah,ka dib wuxuu igu yidhi 100 hay noqoto ee iigu buuxi laxdaada,Sidaas ayanu isku haysanna ee na kala xukun,Nabi daauud (CS) wuu cadhooday waanu is beddelay wuxuna yidhi Dhab ahaan wuu ku dulmiyay,markuu ku waydiistay laxdaada,dad badan oo kuwa wax isku darsada ahina way is dulmiyaan,Garo oo Ninkii kale waxba muu waydiin,ka dib waxa dhacday labadii malag ayaa is eegay,Markaas ayuu dareen qaattay Nabi daauud wuxuu fahmay in la imtixaamayo oo deg degay waxanu la dhacay Sujuud,”waxad halkaas ka fahmaysaa in deg dega aan la inoo ogolayn,maadaama rasuushii ilahay soo diray sidaas loogu imtixaamay.

Xadiis ayaa tilmaamay nabiga ka sugnaaday inuu nabigu (SCW) arkay nin cadhonaya,oo Xawlal mariidadu boodayaan,wuxu yidhi Rasuulku hadduu shaydaanka iska naaro u fiicnaan lahaydee”waxa kaloo nabiga laga soo wariyay in uu inna faray in qofku haddii isagoo taagan uu cadhoodo inuu fadhiisto,haddii uu fadhiyo inuu jiifsado,haddii uu ku qaboobi waayo inuu waysaysto,Ilahaybaa xikmad leh lkn waxa ka muuqatta meesha in laga hor tagayo in qofku go aan deg deg ah qaatto ka dibna dhibi dhacdo.

Xikmad ayaa odhanysa haddii qof dhiigu ka daadanayo kuu yimaaddo,ha boodin oo markaba ha raacin adigoo dagaal u xaytay,se waxad hubsattaa bal in qofkii kan soo dakhray uu isagiina dhintay,
Dhibaatooyinka jira waxa ka mid ah Waxa laga yaabaa inaad aragto Shakhsiyaad aqoonyahan ah,oo garbaduub ay u xidhay Qabiil,ama koox waxana wakhtigan la arkaa aqoonyanno galay kaalintii cuqaasha oo iyagu loo doorto Guddoomiyaha beesha reer hebel,halkii ay ka ahaan lahayd inuu hoggamiyo umadda.

Waxyaabahan aynu ka hadlayno oo dhan,waa xanuun Somalida ku dhacay, waxa dhacda inuu shakhsigu haddii uuna la shaqayn heerkulka reerka ,kolba halka uu marayo cidlo ayu ku dhacaya,sidaas darteed waa inuu Caadifi noqdaa danaha reerka u hadla,hadii kale waxa hoos u dhacaya qiimihii uu reerka ku lahaa sidaas darteed ninkii aqoonta lahaa gar iyo gardarro waa inuu reerka u hadlaa si hadhow shaqada soo baxda isaga loogu riixo,sababtu waxay tahay reerka ayuu is dhinac taagay maalintii ay hiil u baahnayeen.

Haddii haddaba ay sidaas ku sii socoto oo Aqoonyahan kastaa,iyo qof kastoo magac lihi uu noqdo mid ku tiirsan uun xagga reerka,halkaas waxad moodda in tii guud ku lumayso,ta guud ayaana ka muhiimsan ta gaarka waxay u baahan tahay in siyaasad lagaga hortagyo arrimahaas la dejiyo.

MAXAA XAL U AH CAADIFADDA
1-Horta qofku waa inuu isagu naftiisa dib ugu noqdaa,oo xakameeyaa dareenkiisa caadifaddda,waa inuu wanaajiyaa xidhiidhka uu la leeyahay bulshada guud ahaan iyo gaar ahaanba.
2-waxa fiican in qofku dabacsanaan ku noolaado,isla markaan uu badiyo saamaxaada,si uu u raaxaysto.waxa fiican in qofku mar kasta xagga wanaagga wax ka eego.
3-Waxa fiican mar kasta oo qofku dareemo caadifad iyo cadho inuu ilaahay u noqo oo xuskiisa badiyo,waayo xuska ilahay ayay qalbiyadu ku degaan,waxayna qofks ka caawinaysaa inaanu shaydaan ka faaiidaysan.

Wa billahi towfiiq
Rashiid Odawaa
khadarsalaan@gmail,com
063-4101213