Abwaan Xuseen aw faarax dubad aun, xaqiiqdii marxuunku waa maktabad ka dhimatey afka somaliga ku hadasha, marxuunku isaga oo nool waxay somalidu isku raacday inuu yahay aabihii fanka iyo suugaanta casriga ah, taasoo ku muteystey curinta iyo hibada uu ilaahey siiyey ee ku saabsan fanka iyo suugaanta, abwaanku waxeynu ku xasuusan doonaa suugaantii dhaxal galka ahayd ee uu inooga tegay oo aynaan weligeen dhamaayn doonin,
Waxaynu buugan ku qaada dhigaynaa taariikh nololeedkii abwaan xuseen aw faarax dubad iyo sugaantii alle ha u naxariiste abwaan xuseen aw faarax dubad ,inagoo ku bilaabi-doona hab nololeedkiisa,wuxuu ku dhashay tuulada bahal-dhaman ee degmada salaxley oo ka tirsan gobolka hargeysa, waxaanu dhashay sanadku markuu ahaa 1928-kii, sida taariikhdu xusto abwaanku wuxu fanka bilaabey yarantiisii , wakhtigii gobanimo doonka heesihii iyo riwaayadaha waay ahayeen kuwo af-giriisi iyo carabi isku jira, abwaanku waxa u ka yimid miyiga salaxley isagoo dhawr iyo toban jir ah , waxaan yimid hargeysa oo ka bilaaby waxbarashadiisii dugsi hoose , dhexe iyo sareba waxa uu ku qaatay hargeysa , markii dhammaystay waxbarashadiisii , wuxuu shaqo ka bilaabay dawladda hoose hargeysa isagoo noqoday darwal , muddo ka dibna wuxuu ku biiray qolo ka shaqaynasay jiloojiga (qaybta baadha dhagax iyo iwm) sanadku markuu ahaa 1963-kii ilaa 1969-kii , waa uu isku dhex wada jiray samaynta heesaha, ruwaayadaha iyo shaqadaba , abwaanku waxa isku darsaday aqoon iyo abwaanimo,ka dibna waxa uu iska tagay shaqada , waxaan si rasmi ah kugu biiray ciidamada badda ee berbera sanadku markuu ahaa 1969-kii, waxaanu ciidankaas badda ka mid ahaa laba sanadood ka dibna waa uu iska tagay , wuxuu ku jiray ciidamadii oo uu ka soo wareegay kuna biiray kooxdii hobolada waabari kooxdaasi oo loo yaqaanay hooyadii fanka
Abwaan xuseen aw faarax dubad , wuxuu dhalasho la wadaagay lix isku jira saddex wiil iyo laba hablood – oo kala ah xasan aw faarax dubad , axmednuur aw faarax dubad, maxamuud aw-faarax dubad, caasha aw faarax dubad , ceebla aw faarax dubad, dhammaantood waa ay wada dhinteen marka laga reebbo xasan aw faarax dubad oo imika ku nool dalka maraykanka , waxaana u weyna alle u naxariiste abwaan xuseen aw faarax dubad, abwaanku waxa u dhaxday afar dumar ah , oo kala danbeeyay , waxayna kala yihiin faadumo xaashi nuur ( faadumo amaano) carfi cabdilaahi cisman iyo saynab, abwaanka ilaahayna ka siiyay dumarkaa uu guursaday laba wiil oo laga kala yidhaahdo cabdi xuseen aw faarax iyo cabdiraxmaan xuseen aw faarax
Abwaan xuseen aw faarax dubad wuxuu ku geeriyooday magaalada muqdisho, waxaana lagu aasaasay isla magaalada muqdisho sanadku markuu ahaa 1999-kii iyada markaas ay ahayd maalmihiii ay ugu xumayd xamar ee dagaaladu ka socodeen,
Abwaan xuseen aw faarax oo ka waramaya taariikhdiisii waayo kamid ah nololshiisa, waraysiga waxa ka qaaday suxufiga yusuf xasan wuxu ahaa sanadku markuu ahaa 1996-kii oo hore muddo uga tirsanaa laanta bbc somali, hadana kamid ahaa hawlwadeenada wargeyska ama majalada xaqiiq times ee muqdisho ka soo baxda.
Abwaan xuseen aw faarax waxay saaxiib ahayaan duraan, cabdilaahi cabdi shube, cabdilaahi suldaan tima-cade, cabdilaahi dhoodaan, cabdilaahi qarshe iyo cumar carte qaalib.
Abwaan xuseen aw faarax wuxuu uu ka mid ah shakhsiyaadkii faro ku tirska ah ee aasaasay kooxdii walaalaha hargeysa, sanadku markuu ahaa 1954-kii wuxuu noqday gudoomiyihii ugu horeeyay ay yeelato kooxdii walaalaha hargeysa, waana sababta loogu yeedho hargeysa , hooyadii fanka somaaliyeed, waxaan ka mid ahaa kooxdaas abwaan fara badan oo qaar ka mid ah geeriyoodeen, waxay kala yihiin dhanka hoobalka cabdilaahi maxamed maxamuud (cabdillahi qarashe), maxamed axmed, maxamed yusuf, dararamle, cismaan maxamed, maxamed saleebaan, omar dhuule, guduudo carwo, dhanka muyuusiga waxay ahayeen cabdillahi qarshe, maxamed ismaiil xudaydi, maxamed siciid (gu roon jire), cali fayruus, maxamed ismaciil (ilbir), cali fayruus, cali dheere iyo hindigii roy ee foodhida tumi jirey, dhinaca hal abuurka ruwaayadaha iyo ereyada heesaha cabdillahi qarshe, cali sugule, xuseen aw faraax, ismaaciil sheekh ahmed (caagaf ama macalin hadhuudh ), barkhad cas. iyo qaar kale oo kooxda ka mid ahaa oo hadda aanaan garanayni way jiraan. intaas uun baan hadda ka xasuusnahay. dhammaantood intii dhimatay alle ha u naxariisto, inta noolna alle khatuma wanaagsan ha ku sugo.
Abwaan xuseen aw faarax sida uu isaga qudhiisu sheegay wuxuu sameeyay riwaayaddii ugu hooreysey ee qaab masrixiyadeedka casriga ah leh oo kaliya ee waxa uu sameeyey illaa 6 riwaayadood oo isku xiga, markaas kadib ayeyna ahayd markii abwaan kale uu sameeyey riwaayadii 7-aad.riwaayadii ugu horreysey ee ay dhigaan koox fannaniin ah oo u nidaamsan sida kooxaha casriga ah waxaa uu sameeyay sanadku markuu ahaa 1956-kii. waxaana lagu magacaabi jirey cantar & ceebla.waxayna ahayd riwaayad sheekadeedu ay ku salaysnayd qiso carbeed, waxaana, muuskadeeda lahaa alle ha u naxariiste aabihii samaynta miyuusiqa casriga ah ee fanka soomaalida cabdilaahi maxamed maxamuud (cabdilaahi qarshe).
Riwaayadaha uu sameeyay abwaanka waxa kamida ahaa
- Cantar iyo ceebla
- Isa seeg
- Miyi iyo magaalo
- Somaalidii hore iyo somaalida danbe
- Goraya qala
- Sidan ma isku qabnaa mise waan garsanaa
- Aabahay ka samree
Riwaayadaha kale ee waxa ka sameeyay abwaanka waxa ka mid ah:
- Is-dhaafee dhallaanka iyo waalidkii , oo ay wada jir u sameeyeen abwana kala ah cabdilaahi cabdi shube, axmed saleeban bidde iyo xuseen , halkan kuma soo koobi karo riwayadaha abwanka sameeyay.
Abwaan xuseen aw faarax dubad hees u sameeyo waxa ugu horeeysay heesta magaceedu yahay jawrati, oo uu qaado alle naxariiste boqorka codka maxamed saleeban tubeec,
la soco qaybta 2-aad
qore : Garyaqaan Muxiyadiin Maxamed Cabdi
Hargeysa