Maxaad ka taqaanna dhulka buuralayda golen heights iyo siyaasadda ku xeeran (WQ: Rashiid Odowaa)

Golen heights dhulka loo yaqaano,oo ah dhul buuralay iyo Taagag qurux badan ah, waxay Israel ka qabsatay Syria sanadkii 1967 dagaalkii lixda casho ee dhex maray waddamada carabta iyo Israel,1973 ayay suuriya isku dayday inay dib u qabsato waxayna ku qaadday Weerar, ka dib markii Israel lagu soo jebiyay (Sinai Masar),hase ahaatee waxa la geeyay Ciidamo nabad ilaalin ah oo UN ka socda,ka idb markii Israel iyo Suuriya kala saxexdeen heshiis xabad joojin ah inay noqoto meel Ciidanka ka caagan,hase ahaatee Israel ayaa dib u qabsatay 1981ki iyadoo ka baxday heshiiskii,Tan iyo wakhtigaas Israel waxay u ordaysay in loo aqoonsado dhul ay iyagu leeyihiin iyadoo isku hallayn ka qabtay Waddamada reer galbeedka ee hiilka la garab taagan mar kastaba,Sida Maraykanka iyo Ingriiska,xilligan waxa madaxweyne ka ahaa Hafez al assad Suuriya oo ahaa Bashar al assad aabihii halka Israel uu Raiisal wasaare ka ahaa Shemon Perez.

Sannadkii 1981 ayay is hortaageen Golaha ammanka ee UN damacii Israel ee ahaa in loo aqoonsado Buuralayda Golen Heights dhul ay leedahay Israel, golaha amaanka ee Qaramada midoobay waxay soo saareen qaraarka (497) in Buuraha Golen heights uu yahay dhul Suuriya leedahay,hase ahaatee ay xoog ku haysato Israel,iyadoo la tixraacayo axdiga UN Charter 2(4) oo mamnuucaya in dal dal kale dhulkiisa qabsado waxana lagu deedafeeyay waxba kama jiraan (Null and Void) doodii israel,taas beddelkeeda Qaramada midoobay waxay u aqoonsantahy (Annexation) oo macneheedu yahay dhul aanay lahayn oo ay haysato,maalin maalmaha ka mid ahna ay fasaxi doonto lkn inta ka horraysa shuruuc u dhexeya ayaa jira, shacbiga ku nool dhulkaas iyo dalkan ku haysta habka militarnimo oo ay ugu wayntahay inay amaan helaan umadda ku nooli.

Baaxad ahaan wuxuu u dhigmaa dhulkani (1800 sqkm ) jihooyinka koonfur waxa ka xiga wabiga Yarmuuk,galbeed Bad yarta Gallilee iyo Dooxada Hulla,woqooyi waxa ka xiga buuraha Anti-Lebanon iyo Hermon,Barina waadi Raqqah.si kale hadaan u dhigno Suuriya,Israel,Lubnan iyo Jordan ayuu u dhexeeyaa dhulkani hadda sadex meelood laba waxa haysata Israel halka sadex meelood hal ay haysato Suuriya,Yuhuuddu waxay aaminsanyihiin in dhulkan Golen Heights ay lahaayeen illaa iyoTaariikh fog,oo ku siman Qarnigii 2aad Sidaas darteed ay tahay Hantidii ay laahayeen oo u soo noqotay,Sida dhulka Falastiin ay yuhuuddu ugu muransanyihiin si lamid ah ayay ugu muransanyihiin Buuralayda Golen Heigths,iyagoo tixraacaya sida ay ku doodayaan kitaabkooda oo lagu magacaabay dhulkan Golen heights oo xilligaas magac (Hermon) yaqaannay waxa xoog ku qabsay Khaliifkii muuminiinta ee Cumar bin khadaab (RC), wakhtigaas ayaa la raaciyay Gobolka Raqa oo ahaan jiray meelihii xuddunta ahaa Jihaadka muslimiinta sida ay ku doodayaan Yuhuuddu,halka Muslimkuna u yaqaanan Israel Fitno lagu soo dhex tuuray dhulkooda oo Garab ka haysatta waddamada reer Galbeedka.

Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu Golen Heigths u aqoonsaday dhul ay leedahay Israel isagoo ku sababeeyay inay tahay dhul muhiim u ah Israel isla markaana la gaadhay Wakhtigii loo aqoon san lahaa dhul Israel leedahay,Suuriya ayaa iyadu canbaaraysay hadalka ka soo yeedhay Donald trump,kuna tilmaantay hadal masuuliyad darro ka muuqatto,sidoo kale Midowga yurub ayaa sheegay inaanay mowqifkii laga aaminsanaa Golen height ee ahaa inuu yahay dhul suuriya leedahay,oo ay Israel haysato inuu halkiisii yahay,oo aanay waxba iska beddelin.
Dhulka Buuraleyda Golen heights ayaa loo Tixgeliyaa inuu yahay Meel Juquraafi ahaan iyo Siyaasad ahaanba leh Muhiimad aad u sarraysa marka laga eego labada dhinacba Israel iyo Carabtaba,waana sababta keentay inay noqoto meel aanu murankeedu dhamaan,si la mid ah dhulka bariga dhexe ee kale.

Waxa xusid mudan in Yuhuuddu farxad ku soo dhaweyen dhawaaqaa Trump ,waxa kaloo ay yidhaahdeen Magaalooyinka Daanta Galbeed ee Falastiin iyagana noogu dhawaaq,waa wax aad loo yaabo runtii,lkn waxa meesha ka muuqatta Bur-burka ku dhacay waddamo badan oo Carbeed inay dhiirri gelinayso Yuhuud iyo Trump waxay ku hadlaanba inay tahay Gartood,waayo Carabta waxa la degay Madaxdoodii uu shicibkoodii ku soo noqday ka dibna dalalkoodii Bur-buriyay,ama u sahlay inuu cadow ku soo duulo,in kastoo Illahayna hiil ka sugayaan dadka muslimka ahi oo anay Quusanayn.

Wa billahi towfiiq
Rashiid Odowaa
khadarsalaan@gmail.com
063-4101213