Maxaad ku fasiri lahayd rooggii casaa ee loo dhigay Wasiirka Madaxtooyada? (WQ: Dr. Maxamed Yuusuf Aw Cali “Culimo”)

Sharci ahaan iyo awood ahaanba golaha wasiiraddu way siman yihiin. Golaha wasiiraddu waxay si siman u hoostagaan madaxweynaha qaranka oo ah hagahooda maamul.

Hasayeeshee booqashaddii uu Gabiley ku tagay wasiirka madaxtooyadda Somaliland Mudane Maxaamuud Xaashi Cabdi waxay dibadda u soo saartay tuhuno huursanaa iyo kala saraynta golaha wasiiradda Somaliland. Maxamuud Xaashi waa wasiirka madaxtooyadda,mana hayo ogaalkeena xil aan ahayn wasiirnimo.

Sidaas oo kale wasaaradda madaxtooyaddu maaha wasaaradda ugu mudan qaranka oo waxaa ka horeeya wasaaraddo ay ka mid yihiin wasaaradda maaliyadda, arrimaha gudaha, dibadda iyo qorshaynta. Sidaas darteed waxaa u baahan in la dul is taago oo fasiraad laga bixiyo sababta Maxamuud Xaashi loogu gooni yeelay ee loogu dhigay rooga cas.

Maxaa wasiiradda kale loogu dhigi waayey?Miyaanay ahayn masuuliyiin mudan inta uu isaguba mudan yahay?. Ma haybta ay madaxweynaha wadaagaan ayaa sabab u ah?. Ma wasiiradda kale ayuu ka sareeyaa oo tuhunkii laga qabay maroorsiga awooda madaxweynaha ayaa dhab ah? Ma fariin ayay ahayd oo waxaa loo caleemo saaray dhaxal sugaha KULMIYE Muuse dabaddii? Ma KULMIYE ayaa goboladda bari lagaga awood roonaaday oo codsi iyo fariin ah sidaas oo kale yeela ayay ahayd?. Ma waxqabad gaar u ah Gabiley ayuu wasiirku sameeyay?

Qaranka Somaliland iyo dawladnimaddiisu way inaga dhaxaysaa. Dhaqamadda sidan oo kale ahi waxay halis ku tahay nidaamka dawladeed iyo kala dambaynta bulshadda.

Ujeedadda qoraalku waa bayaaminta khaladka dhacay, faaladuna ha ku koobnaato dhacdadda.

WQ: Dr. Maxamed Yuusuf Aw Cali “Culimo”