Marka laga hadlayo taariikh nololeedkii Cali Cizet Begovic oo ahaa madaxwaynihii hore ee dalka bosnia, iyo dhaxalkii uu uga tagay dadkiisa, maaha mid sahlan ama maqaal lagu soo koobi karo.
Begovic waxa uu xidhnaa muddo shan sanno ah,issaga oo loo haystay in uu ka soo horjeeday, taliskii shuuciga ahaa ee ka talinaayay dalka yuguslavia, taas oo ay Bosnia xiligaas ahayd qayb ka mid ah dalkaas. Isaga oo markaas halgan kula jirray shuuciyadii ka talinaysay Yuguslavia, si’ uu uga ilaaliyo dadkiisa baabi’intii dhinaca dhaqanka, afka, iyo diinta ahayd ee lagu hayay.
Inkasta oo uu xadhig ku mutaystay mucaaradnimadiisii nidaamkii siyaasadeed ee Yuguslavia, haddana Bigovic ma ahayn, nin neceb dalkiisa, waxana uu u sheegay garsoorihii xukunka xadhigga ah ku ridday: in uu jecelyahay dalkiisa balse aanu jeclayn nidaamka ka taliya.
Muddadii uu xidhnaa waxa uu qoray buugtiisii kuwii ugu muhiimsanaa, sidda MY SCAPE TO FREEDOM iyo qaybo ka midda buugga caanka ah ee ISLAM BETWEEN EAST AND WEST.
Markii uu ka soo baxay jeelkii uu ku xidhnaa, waxa muddo yar ka dib bilaabmay dagaalkii Serbian ku ay ku hayeen Bosnia, taas oo ka dhigtay Bigovic in uu ka gudbo in uu yahay, aqoon-yahan, qoraa, iyo mufakir,balse uu noqday hogaamiye siyaasaddeed iyo mid dagaal labaddaba, sanaddo kadibna wuxuu ku guulaystay in uu soo afjaro dagaalkii qadhaadhaa, isaga oo yidhi : waan ogahay nabadda hada aan qaaddanay in ay qadhaadhahay balse waxay ka fiicantahay dagaal lagu baaba’o.
Bigovic inkasta oo uu ahaa nin muslim ah, oo ree yurub ah, ree galbeedkuna ay ahaayeen kuwii dadkiisa iyo dalkiisaba sidaas ugalay, haddana taasi kamay dhigin in uu naco dhamaan dadka ree galbeedka ah. Wuxuuna isku dayaayay mar walba in uu ka faa’iidaysto afkaarta iyo aqoonta faca wayn ee ay leeyihiin reer galbeedku.
Buugga caanka ah ee uu qoray ISLAM BETWEEN EAST AND WEST waxa lagu tilmaamaa in uu yahay mid ka midda buugtii ugu qiimaha badnayd ee la qoray qarnigii ugu dambeeyay.isla buugaas waxa uu kaga warramay arriamah dhinaca fikirka ah ee ay isku maan-dhaafsanyihiin dadyawga ree galbeedka ah iyo muslimiintu, issaga oo ku bilaabaaya buugiisa arrinta bilawga abuurka aadamaha, oo tilmaamaayo in ay tahay arrinta ugu wayn ee saldhiga u ah khilaafka dhax yaalla muslimiinta iyo ree galbeedka, arrintan oo kale waxa qaba AXMAD DA’UD OGLO.
Sidoo kale waxa uu kaga hadlay isla buugaas, arrinta fanka, oo uu aad u difaacay qiimaha uu leeyahay fanku nuuc kasta oo uu yahya xataa fanka sawirka, oo uu isagu aad u jeclaa. Intaas waxa u sii dheerayd sida cilmiyaysan ee uu u qaadhaa dhigay arrimaha cilmiga, akhlaaqda, iyo diimaha.
Bigovic dhaleecaynta uu u soo jeedinaayay ilbaxnimada iyo dhaqanka ree galbeedka waxa ay ahayd mid joogta ah oo aad u xoog badan,dadka qaarna waxayba ku tilmaamaan in uu ahaa bigovic ninkii qaawiyay ilbaxnimada ree galbeedka, isaga oo badka soo dhigay god daloolooyinka ay leedahay, gaar ahaan tiirarka waawayn ee ay ku taagantahay, sida ujeedada abuurka aadamaha iyo bilawga abuurka aadamaha labadaba. balse taasi kamay indha tirin in uu sheego wanaaga ilbaxnimada ree galbeedka. siddoo kale waxa uu si joogta ah uu u dhaliili jiray xaaladda muslimiinta maanta joogta, isaga oo si addag ugu dhaliilay sida ay uga gaabiyeen ka qaybgalka dagaalka dhinaca afkaarta, isaga oo sheegay in dunidda muslinka ah ay ka jirto caajisnimo aad u balaadhan. Siddoo kale waxa uu aad uga soo horjeeday in laga eego ilbaxnimada ree galbeedka dhinaca akhlaaqda oo kaliya, gaar ahaan dumarka aan asturnayn.
Bigovic ma’uusan ahayn oo kaliya aqoon yahan, ama siyaasi, balse waxa uu ahaa hogaamiye dhinac walba ah, hadday noqoto aqoonta, afkaarta, siyaasadda iyo dagaalka intaba.
Afkaarta bigovic ma aysan ahayn mid ku salaysan ideology cayiman, ama afkaar xadd leh, balse waxa ay ahayd mid ku salaysan bani’aadam tinamada qofka, taasi waxa laga dheehan karaa sida uu uga hadli jiray dhibaatooyinka so waajahay bani’aadamka oo dhan.
Mar la waydiiyay : haddii dib laguu celin lahaa ma dooran lahayd nolol ka duwan tan aad soo martay? Waxa uu ku jawaabay: maya ma doorteen waxan dooran lahaa oo kaliya noloshan aan so maray.
Bigovic waxa uu tusaale u noqon karaa aqoonyahanka soomaaliyeed meeshuu doono ha joogee, taasi oo muujinaysa sida ay muhiim u tahay in aqoon yahanku uu uga qayb galo masiirka umadiisa, haday tahay dhinaca dhaqanka, siyaasada, afkaarta, dagaalka, iyo hogaaminta.
Waxaa Qoray Mukhtaar Cali Maxamed