Maxaan Ogaaday intii aan Danta Caam ka ah ku Jiray? (WQ: Prof Cabdi Cali Jaamac)

Maxaan Ogaaday intii aan Dan ta Caam ka ah ku Jiray!!!

Alla naftoodu la waynaayey, miyaanay dhimanayn!!!

Ma faan baa, ma is moodsiis baa, ma danni xun baan dadkii ka qaaday, oo anigaa isla fagadh idhi, bal adba!!! in aan yaqiinsaday ugu danbayntii in ay tiro yar yihiin, oo kolay ba wali aanan anigu nasiib u heli in aan si dhaw ula shaqeeyo, inta aan ka xasuusto, qof daneynaya wax dhaafsiisan naftiisa. Haa, way jiraan qaar badan oo aan mooday markii ugu horaysay ee aan bartay in ay leeyihiin hammi dhaafsiisan naftooda ( odhan mayno han, maxaa yeelay, xagayga waa kalmad xun “context” ka loo isticmaalo.).

Haa, dad badan ayaan ku lug go’ay, oo markii hore iila muuqday dad naftood hurayaal ah, makii danbe se noqday, anigoo arkaya, kuwo waxa la wayni ba tahay naftooda oo kaliya iyo waxay iyagu ka dheefayaan danta caamka ah; ka sii darane, haba yaraartee wax dan iyo muraad ah oo ay ka leeyihiin danta caamka ahna aanay jirin; haa, wuu ka fikirayaa, wuu fulinayaa, haddii wax ugu jiraan isaga; haddii kale may!!!

Sida ay u badnaayeen dadkaasi aan la kulmay noloshayda xataa waan ka waayay qof 50, 50 ah;  ma arag xataa qof 10% danaynaya danta caamka ah; waxan ku calaacalay in badan, kor iyo hoos ba, waar xataa miyaanu ku jirin duulkan u xiimaya danta guud qof wax u dheer yihiin naftiisa. Cajiib!!!.

Waan aaminsanahay in ay jiraan dad wanaagsan oo noqon kara hogaamiyayaal naftood hurayaal ah, laakiin, walaalayaal, maanta xagga hore ma joogaan, ee bal aynu u fiirsano uun sida ay isu dhaam-dhaamaan; immika wixii ka danbeeyana ha loo hawlgalo sidii kuwana yur loo odhan lahaa, kuwa wanaagsan ee jaaniska waayay na xadhiga loogu tuuri lahaa!!! ma aha wax adag; waa innagoo hal mar xagga sare gayna qof naftii hure ah, kaasaa xadhiga u tuuraya.!!

Qofku isma qiimayn karo, laakiin horta mid baan idin la wadaagi lahaa, haddii aad u dul qaadataan, maxaa yeelay, dhaqankeena kuma jirto in qofku isagu iska sheekeeyo; laakiin waxan idiin sheegayaa hal shay oo kaliya, midna waad ogtihiin oo idiin sheegi maayo; in aan is cas-casilo laga soo bilaabo golihii degaanka ee Hargaysa waad ogtihiin, laakiin ta aan idiin sheegayaa waxa weeye intii aan hayay xil xukuumadeed, waan ku diiqadoon jiray, maxaa yeelay mar walba waxa igu xeernaa wax aanan waxba ka qaban karayn oo si qaldan u wada socda iyo hadafka guud iyo halka loo socdo oo aanan waligay ku qancin!!; waligay maan farxin, kumana istareexin xil  aan qabtay ama la ii doortay, taas oo aan mararka qaarkood ku hinaasi jiray farxadda iyo rayn raynta ka muuqata saaxiibadayda xilalka haya!!

Saddex jeer baan xilal qabtay, mar waxay ahayd xilligii Dahir Riyale, oo xildhibaan Golaha Degaan ka Hargeysa la ii doortay; muu ahayn xil la ii magacaabay, oo markaa anigaa iskaga tagay; xilligii Siilaanyo na, anigoo xilka haya ayaan taageeray Muse, gaar ahaan xilligii aan laga jeclayn xukuumadda Siilaanyo; waxan is idhi kanaa dhaamaa, oo malaha ka dhaw; runtii, in la i eryo ayaan doonayay, maxaa yeelay waan ku diiqadaysnaa kursiga, lay ma se eryin!! Muse na waxan u haystay in uu dhaamo iyaga. Xilligii Muse guulaystayna waa la ogaa oo saddex bilood baanu ku soo kala boodnay!!! Anigoo ka yaaban jihada uu gaadhiga u dhaqaajiyay, ayaa bu hadal ila soo doontay; dee istiqaaladdii ayuun baan aad yar oo dhalatay bidixda uga dhiibay!!!!

Maanta daa aynu joogno ee rag bu’ayaan, ragna kursiga ku dul kogsan yihiin, innaga hadafkeena aynu u halgamaynaa ha noqdo in waddankan la dhiso, oo laga dhigo meel uu isku hallayn karo qofka muwaadinka ahi; wixii kale oo dhan calaf u daa iyo qaddar Alle; waxan aaminsanahay in sidan madaxnimada lagu helo; haddii kii indhaha adkaa ee danaystaha ahaa aaminay in gab-gab lagu helo madaxnimo, maxaa kuu diidaya in aad aaminto in daacadnimada lagu helo madaxnimo, haddii Alle kuu qaddaro.

 

Cabdo; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.