Maalmihii Maxamed Baashe lasoo daayey ayuu habeen habeenada ka midda noogu yimi goob aanu ku cawayn jirey oo ku taalay suuqa magaaladda Hargaysa isagoo aad u kacsan una xanaaqsan , qudhayaduna waanu la qabnay xanaaqa waayo xadhiga loo gaystay waxaanu u arkaynay in xaqdaro ahaa, aad iyo aad na waanu u sheekaysaynay.
Beryihii doorashadii Madaxwaynaha loo diyaar garoobayay ayay ahayde , markii maxamed nagga tagey ayaanu is tusnay in maxamed yahay nin Xisbiga Waddani oo aanu la safnayn wax ku biirin kara , sidaa darteed waxaanu wada tashi ka dib isla garanay Xamse khayre oo ahaa madaxii kaanbaynka xisbiga in maxamed baashe uu ku darsado qorshihiisa saraakiiisha kaanbaynka xisbiga kala shaqaynaysa.
Maalmo ka dib , Xamse wuxuu noo sheegay in ay Maxamed Baashe is fahmeen , islana garteen in uu xisbiga kala shaqeeyo dhinaca warbaahinta isago aan si toosa uga muuqanaynin shaashadaha , diyaarna uu u yahay in uu aqoontiisa xisbiga ku biiriyo .
Maalmo yar ka dib , mise waaba maxamed Baashe oo ka tirsan kooxdii uu madaxda u ahaa Dr Axmed I samatar ee qoraysay barnaamijkii xisbiga kulmiye , waar ilayn oo ilayn , waar miyaanu maxamedkii xanaaqsanaa ahayn , waar miyaanu maxamedkii inala balansanaa ahayn , cajab.
Ololihii doorashadu haduu bilaabmay , waaba maxamed oo xayaysiinaya musharaxa xisbiga kulmiye oo leh ” Waa mujaahid , wadankuu usoo halgamay , wadankuu aaminay , caruurtiisa muu dhoofinin iwm.
Mar kale , waa maxamed Baashe oo difaacaya shirarkii aasaaska jeegaanta iyo mudaakiradii samsam oo ina leh Gaashaanbuurtu aduunyada way ka dhacdaan , calashaan anagaa Waarso iyo Naato soo aragnaye.
Si kastaba ha ahaatee , markii doorashadii dhamaatay , ee kulmiye wuxuu malmaluuqayay soo malmaluuqay ee uu wareegtooyinkii iska dhex waayay , hadana waa maxamed oo midnimo iyo waxaan loo jeedin ku adimaya , waar maxamedku imika fara badanaa .
Intaa kuma joogine , hadana waa kan mujaahidkii uu shalay mujaahidnimadiisa inaga iibinayey ee uu mujaahdinimada ugu ololaynayay hadana maagaya ee eryanaya ilayn odayga meel yarna laguma qorine , walee nin aan sirtii garanayoow kuuma sacabeeyo.