Gabyaagii reer Hindiya ee Maxamed Iqbaal waxa uu ahaa nin hibo u leh in uu ku gabyo luuqadda carabiga isaga oo lagu naanaysi jiray gabyaagii carab la moodka ahaa. 1877-kii waxa uu ku dhashay tuulada Siilaakut ee ka tirsan gobolka Banjaab.
Xilliga uu dhashay iyo xilligaa uu kacaamay Iqbaal waxa Hindiya joogay gumaystihii Ingiriis, dugsiyadana iyagaa gacanta ku hayey. Magaalada Lahoor ee gobolka Banjaab ayuu ka galay dugsigii Ingiriiska.
Macโhadkii Eest College Of Lahor ayaa uu shahaadada kowaad iyo labaadba ka diyaariyey isaga oo bartay falsafadda. Waxa uu xoogga saaray barashada luuqadaha Carabiga iyo Ingiriisiga.
Jaamacadaha Cambridge ee Ingiriiska iyo Munich ee Jarmal, waxa uu ka kala diyaariyey laba shahaado oo PhD ah isagoo mid aqoontiisii ah qaatay falsafadda, xagga digtooraadiisa kale uu ku qaatay qaanuunka.
1908 waxa uu ku noqday Hindiya, isaga oo shaqo ka bilaabay maxkamadaha. Shaqadaa waxa uu dheeraa oo uu xoogga saaray baraarujinta dadka isaga oo aragtiyihiisa faafinjiray, kuna adeegsan jiray hibadiisa suugaaneed, sida oo kale waxa uu ahaa siyaasi dareen leh.
Maxamed Iqbaal waxa aan marnaba lagu ilooweyn waxa uu ahaa isku uruurinta Muslimiinta Hindiya. Isaga oo mar walba kala hadli jiray kolka uu tago gumaystuhu waxa iyaga u meel yaal. Waxa uu ahaa ninkii ugu horreeyey ee lahaa aragtida in Muslimiintu yeeshaan dal iyaga u gaar ah oo ka madax bannaan Hindiya.
Aragtidaa Iqbaal waxa ay aad u soo jiidatay siyaasigii Maxamed Cali Janaax oo ah aasaasaha dawladda Baakistaan. Janaax isagaa aragtidii Iqbaal dhaqangeliyey.
Maxamed Iqbaal Muslimiinta Hindiya kicintooda in uu isagu aabbo u ahaa ayaa la sheegaa. Waxa uu galiyey wakhti badan, isaga oo suugaantiisii luuqadaha Urduuga, Carabiga iyo Hindiga ba lahayd uu ku saameeyey. Waxa kale oo uu lahaa buug aad u facweyn oo uu ka mid yahay โDhisidda Aragti Islaami ahโ.