Bal aragtidayda ayaan isku dayayaa in aan iftiimiyo ahadaafta laga lahaa dagaalkaas dhibta badan gaystay ee wali laga soo kaban laayahay, ee Soomaali kala irdheeyay aanay muuqana walina wax xal.
Horta dagaalkaasi muu bilaabmin 1988 laakiin wuxuu bilaabmay markii Koonfur iyo Woqooyi la isu geeyay. Markaas ayaa seeskiisa la dhigay (sidii qaldanayd ee Koonfur iyo Woqooyi loo mideeyay ayuu dagaalkaase ka dhashay). 1988 waa markii uu qarxay uun, dadkuna maaha inay ku dawakhaan raadkii uu dagaalku ka tagay sida burburkii, xasuuqii iwm.
Soomaalidu waxay ku maahmaadaa:
“Ninka waranka kugu dhuftay iyo ka kugu dhaqdhaqaajiya ka kugu dhaqdhaqaajiya ayaa daran”
Markaa nimanka warankaa dadka ku dhaqdhaqaajinaya waa laba mid uun, qaar ogaa dagaalka ahadaafta laga lahaa oo biidhi qaate ah, ama qaar aan garanayn oo dameeri dhaan raacday ah. Way wanaagsantahay in taariikh laga reebo wixii dhacay si loogu cibraqaato, laakiin maaha in ummadda warankaa kolba lagu dhaqdhaqaajiyo si loo xoojiyo ahadaaftii laga lahaa dagaalkan, iyo waliba si aan dadku u baadhin dagaalka waxa keenay ee sababay iyo halka uu qaladku ka dhacay. Cidda ummadda u danaynaysaa waa in ay is weydiisaa maxaa sababay dagaalkan si aan mar dambe loogu dhicin, maxaa yeelay bani’aadamku waa inu ka faa’iidaysto dhacdooyinka nolosha soo maray si aanay u soo noqon mar kale.
Horta dagaalkaa cida waddday ama aasaastay yey ahayd? Anigu waxaan u badinayaa cisaabaadka laynagu dhex beeray in ay ahdaaftan dagaalka laga lahaa fulinayeen iyo kuwa ay dhufaaneen. Soomaalidu waxay tidhaa “Gudin yahay imaad goyseen ee badhkay ayaa kugu jira.” Ha garteen ama yaanay garane yaan loo qaadan in dagaalkaasi qabaa’il waday ama dawladii Siyaad Barre wadday ama SNM, kuwaasi oo dhan waxay ahaayeen baabuurtii la raacayay si loo gaadho ahdaaftii laga lahaa dagaalkaa. Waxaan kaloo idiin sheegayaa shabakaddan ay cisaabada laynugu dhex beeray idinku wada riday wadaad iyo waranleh inay shabakaddii Dajaal tahay, ka toobad keena intaan suurta ladunku afuufin!
Dagaalkaa laba hadaf ayaa laga lahaa:-
- Hadafka ugu wayn ee dagaalkaa laga lahaa wuxu ahaa in beelaha dhexe la tirtiro. Su’aal baa is waydiin leh maxaa loo beegsaday beelaha dhexe, sababta loo beegsaday waxay ahayd, waxay is hortaageen barnaamijkii Dajaal watay, waa kuwii gaalka saancaddaalaha ah badda korkeeda kaga sexeexay heshiiska, waa sababta laguu aqoonsan laayahay, waa sababta wax horimarin ah laguugu qaban laayahay. Rasuulku scw wuxu yidhi “Dajaal caalamka oo dhan ayuu marayaa Maka iyo Madiina mooyee, haddaba dadka aqbala Dajaal khayraadka ayuu u soo saaraa, kuwa diidana abaar iyo masaa’ib. Markaa odayaasheenii waxgaradka ahaa waa kuwii diiday, sababtaas ayaa laguu beegsaday garo ama ha garan. Tusaale, maxaa dadka Kurdida dhulkooda loo googooyay waxay ka aargoosnayeen Salaaxadiin Ayuubi. (Xadiiska Tamiimudaari Jasiiradii uu Dajaal ku soo arkayna waa Britain, Dajaal daabad la yidhaa Jaajuusad ayaa la shaqaysa, caalamkana waxa ugu basaasaan Ingiriis, waddamada uu gumaysatayna suntaa ayuu kaga tagay basaasnimada ah). Nin Sheekh ah ayaa wuxu yidhi “Waar miyaydaan caqli lahayn jasiirada yar ee intaa leeg ayaa caalamka xukuntay, miyaanay ku tusayn in awood kale meesha ku jirto?”
- Hadafka labaad ee laga lahaa dagaalku wuxuu ahaa in Soomaaliya la burburiyo dibna aanay isugu iman, hadafkan way ku guulaysteen.
Markaa dadkan ku soo celcelinaya raadadkii uu dagaalkaasi ka tagay waa dad xoojinaaya hadafkan la gaadhay si ay dadku usii kala fogaadaan iyo si aanay dadku u baadhin siday wax u dhaceen iyo halka uu qaladku ka dhacay.
Fiiro gaar ah: – ninka doonaya in caalamka maanta uu fahmo siday wax u socdaan ha dhagaysto Sheikh Imran Husain, maxaadaraadkiisa iyo buugaagtiisa https://www.youtube.com/user/SheikhImranHosein
Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:
Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan
Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega
Dajjaal iyo labadiisii salladood
11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd
Luqadee ayaa wax lagu baranayaa
Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn
Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday
Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega
Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?
Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?
Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa
Maxaad ka taqaanaa dadka waala?
Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?
Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?
Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay
Nur.hersi21@gmail.com