Maxay Daarran tahay Xil ka qaadistii RW Khayre? (WQ: Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan)

Maxay Daarran tahay Xil ka qaadistii RW Khayre?

Lama filaan bay ku noqotay Soomaali iyo ajnebi badan. sida aqlabiyada ah ee buuq la’aanta ah ee baarlamaanku isugu raacay, sida qabaw ee Khayre uga falceliyey, sida niyad samida ah ee Farmaajo u aqbalay,. Guddoomiyaha Baarlamaanka oo loo tirinayey dhinaca xisbiga Madaxweynaha iyo RW ee N&N ee mooshinka soo dhigay.

Arrimahaas oo dhammi waxay muujinayaan in aanay meesha ka maqnayn kaarto istratiijiya oo xisbiga N&N uu dheelayo. Khayre iyo Farmaajo waxay go’aansadeen in aanay xilligan qallafsan  ukuntooda hal danbiil ama seled kuwada ridin si aany mar qudha u wada burburin.

Taas ayaa keentey in khayre laga saaro denbiisha  Farmaajo oo uu muranka muddo kordhinta debedda ka ahaado oo weliba uu u muuqdo in inkastoo la xumeeyey wiil baarri ah oo aan erigiisa buuq ka samayn sidii raggii hore, u muuqdo wiil u tudhay dadkiisa iyo dalkiisa.

Taasi waxay u suuragelinaysaa inuu tartanka siyaasadeed ee berri ceeb la’aan uu u ordo madaxwyne, isagoo haysta taageero shicib iyo mid shisheeyeba, halkaana ay ka sii socota siyaasaddii Xisbiga N&N. La arkee inuu Farmaajona RW u magacaabo. Ugu yaraan oday musdanbeed ah.

Xitaa waxa u fiirsasho u baahan Myne Siciid Deni oo xilkaqaadista Khayre sharci darro ku tilmaamay, kama maqana in madaxweyne Khayre magacaabo RW reer Puntland ah.

Nimankii Reer Koonfureed Shaxyahan ama kaartiistayaal bay isugu baxeen.