Maxbuuska dagaalka iyo maydadka cadawga maxay ka aaminsantay Soomaalidu? (WQ: Rashiid Odowaa)

Maxay ka qabtaa Diinta Islaamku ?

Maxay ka qabaan Qawaaniinta Caalamigu? 

Waxan isku dayi doonaa inaan wax yar ka qoro bal maxay Somalidu ka aaminsantay maxbuuska dagaalka iyo maydadka Cadowga kaa soo hor jeeda,maxay diinteenu ka qabtaa iyo maxay ka qabaan Qawaniinta Caalamiga ah gaar ahaan Axdiga Geneva iyo akhlaaqda ama firada wanaagsan ee ilahay u abuuray Aadmiga,

Inta aanan casharka hore u sii gelin taariikhda inta aan anigu ahayo xagga Somalida,Xukuuma ddii Siyaad barre Si aad u foolxun ayay ula dhaq mi jirtay maxbuuska dagaalka ama maxbuuska caadiga ah sidoo kale waxay googayn iyo dad qalnimo ku samayn jireen Maydka ama waxay u diidi jireen xaqqa uu leeyahay maydku oo ah in la aaso oo la qariyo.arrintan oo naxdin (Graphic) ku abuuri jirtay dadweynaha.waxan odhan karaa waa waxyaabihii bur-burka u hor seeday xukuumaddii Siyaad barre ee ay umaddu ku nacday.

Xagga dhaqanka Somalida ee soo jireenka ah kuma hayo Gobanimo darro ee inkastoo la is dilo haddana waxbaa lala hadhi jiray oo mataln Somalidu maxbuuska dilkiisa waxay u yaqaaneen in Belaayo ka dhacayso iyo Ciqaab xagga alle ka yimaaddaa.waxayna lahaan jireen wax la yidhaa biri ma geydo oo dadka qaarkood ayaan laba dili jirin haddii si kasta la isugu hoobto Sida Dumarka,carrurta,culimada, iyo shakhsiyaadka magaca leh.

Haddaba aan u soo noqonno maqaalka e Diinteennu waxay jidaysay in maydka la aaso wixii xuquq ah ee uu leeyahayna la mariyo,haddii aan sidaas la yeelin cadho alla ayaa ka imanaysa.

Sidoo kale maxbuuska dagaalka Diinteenna Suubani aad ayay xuquuqdiisa u dhowrtay waxana la dhigay halka uu Agoonku kaga jiro Bulshada.waxana ku waajibaysa Sakada

Haddii aan ka eegno xagga Qawaaniinta Caalamiga ah Qodobka (113)Customary inter national law ee iska horimaadyada Hubaysan Wuxuu dhigayaa in ay mamnuuc tahay.

1-in maydka lagu sameeyo dad qalnimo ama googoyn ama aan saanta laga siibin sida (Sarwaji) waxa ay somalidu u taqaanno oo kale

2-In maydka loo sameyo (Burial)la aaso si aan bahaluhu u cunin.

3-In aan maydka la xadin oo halka lagu aasay inta laga faqo aan siyaabo kale loo adeegsan

3-In aan laga been abuurin oo aan la beddelin magaciisa sida isagoo Ciidankiina ka dhintay aan lagu sheegin inuu yahay maydkii Ciidanka Cadowga.

Dhinaca kale haddii aynu eegno Axdiga Geneva (Geneva Convention) Qodobada (article 1,2,3 iyo 4)waxay dhigayaan in dhinacyada dagaallamayaa ay ixtiraamaan xuquuqda maxbuuska dagaalka Maxbuus dagaalka lagu qabto,waxanu shakhsiga Militry ahi marka la qabto ee uu gacmaha taago uu ka baxay Askarinimo Wuxuuna Isu beddelay la haye (Maxbuus) Sidaas darteed wuxuu xaq u leeyahay.

1-In la badbaadiyo oo aan la dilin

2-in laga daweeyo wixii dhaawac ah ee uu qabo

3-In aan lagu samayn jidh dil,bahdilaad ,hanjabaad IWM,isla markaana si fiican loola dhaqmo

4-In lala xidhiidhsiiyo Ehelkiisa iyo asxaabtiisa meel kasta oo ay adduunka ka joogaan

5-In wixii farriin ah laga qaado sida waraaqaha ama fariimaha kale iyo in loo keeno wixii farriin ah ee isaga ku socota,

6-In aan hoos loo dhigin la xaqirin qofnimadiisa

7-iyo in lala xidhiidhsiiyo hayadaha Bisha cas iyo laanqayrta cas oo iyagu u xilsaaran arrimahaas.

Arrinta igu kaliftay qoraalkan oo ah dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland oo in kastoo aan dhinac ahay haddana aan doonayo inaan si dhex ah uga hadlo maadaama Labada dhinacba Yihiin Somali muslimiin ah.

Waxay aqoon darradu ku kalifi kartaa dhinacyada in ay faan ka dayaan Mayd ama maxbuus dagaal ama Sawirro lagu baahiyo baraha Bulshada waxan soo jeedin lahaa in arrintaas laga waantoobo oo aad looga feejignaado waayo maaha wax fiican ilmaderayaal ilahayna waxan ka baryaynaa inuu dagaalkaas soo afjaro wax xiiso ah uma Qabno e.

Waxan ku soo gabagabaynayaa waar yaan Xarra gada laga tagin Haddii dhinac 10 dhintaan dhinacna 40 dhintaan dabcan guul waa la tirsanayaa lkn marka si fiican loo eego waa khasaare dad wllo ah ku kala dhacay uun.

Ramadaan Kariim

Rashiid Odowaa

Khadarsalaan@gmail.com

O63 4101213