Ka hor inta aynaan soo bandhigin meel-ka-soo jeedka Axmed Ibraahin Al-Qaasi (Axmed-Guray), aynu waxoogaa dul istaagno waayihii dagaal ee uu soo maray Axmed-guray. Dagaalladii Axmed-guray waxa ay ku beegnaayeen qarnigii 16aad, waxaanay ku xidhiidhsanaayeen colaadihii dhexmari jiray boqoradii xabashida iyo saldanadihii muslimiinta ee geeska afrika ka jiray. Dagaaladani waxa ay curteen qarnigii 13aad, waxaana bilowgii hirgeliyey hogaamiye carbeed oo la odhan jiray Sh. Cumar Walasmac oo maamulkiisu ku baahsanaa maxmiyadaha (Ifat, Hadiyaha, Arabini, Duwaro, Sharkah, Bali iyo Darah).
Waana dhulka u dhexeeya Saylac, Harar ilaa Tojorre. Bilowgii qarnigii 14aad,ayuu suldaankii maxmiyada Ifat oo la odhan jiray Xaqudiin u diray muslimiinta baaq diimeed oo xambaarsan jihaad lagu qaado kufaarta Xabashida ee muslimiinta dhibta ku haysa. Qacdii hore ee baaqaasi dagaal waxa ay guushu raacaday muslimiintii, waxaana cagta la mariyey Xabashidii, hasayeeshee weerar rogaal celin ah oo Xabashidu soo qaaday ayaa lagu diley suldaankii Ifat oo markaa ahaa suldaan Sacaadadiin. Dagaalkaasi waxa ay xabashidu ku qabsatay xarunii suldaanka, oo ahayd jasiirada Saylac oo u dhow Sacaadadiin oo loogu magac-daray suldaankii, ilaa maantana xambaarsan magacii.
Jabkii ciidankii suldaan Sacaadadiin iyo carruurtiisii waxa ay u qaxeen dalka yamen. Dhawr sanno ka dib waxa dib isu-soo-abaabuley ilma Sacaadadiin oo isu caleemo saaray boqorada maamulkii Adal, markay muddo halkaasi deganayeen ee ay xoogaysteen ayey dagaal ku bilaabeen boqoradii Xabashida, halkaasi waxa ka soo dhex baxay Axmed Ibraahin Al-Qaasi, hasayeeshee ay kufaartu u yaqaaneen Ahmed-Gran. Axmed Ibraahin Al-Qaasi wuxuu boqoradii Xabashid la dagaalamayey intii u dhexaysay 1529 ila 1535, waxaanu ku qaaday boqoradaasi Xabshida toddobad duulaan oo wakhtiyo kala duwan qaatay.
Waxaanu gacanta ku dhigay dhulka Itoobiyada maanta intiisa badan. Weeraradiisa wuxuu inta badan qaadi jiray habeenkii, taasina waxa ay Xabashida ku keentay inay mar kasta ka yaacaan cuntooyinka ay karsan jireen, sida hilibka, markii dambe ayey Xabashidu goโaansadeen inay hilibka ku cunaan qaydhiinka. Aakhrikii waxa lagu diley meel u dhow harada Taana ee galbeedka Itoobiya sannadkii 1543. Weerarka lagu diley Axmed-guray waxa soo qaaday boortaqiiska oo taageerayey Xabashida.
Meel-ka-Soo Jeedka Axmed-Guray
Axmed Ibraahin Al-Qaasi dhalasho ahaan halkuu ka soo jeedo, waxa ka taagaan dood iyo muran badan, oo aan weli la isku raacsanayn ciduu ahaa. Inuu Soomaali ahaa Axmed-guray oo uu Afsoomaali ku hadli jiray waxa doodaasi xoojinaaya Buuggaโ Futuux- Al-xabashaโ. Reeraha Soomaalida, Oromada, Canfarta, Carab iyo Iiraan ayaa sheegta inuu dhalasho ahaan iyaga ku abtirsado. Dhinaca Soomaalilaan waxa sheegta inuu Axmed-guray iyaga ka soo jeedo, Magaadle, Ciise, Samaroon, Ciise Muuse, Madigaan, Madhibaan iyo Yibro. Dhinaca Soomaalida Itoobiya waxa sheegta inuu iyaga ka soo jeeday, Akisho, Yabaree, Bartire, Gurgure, Abuskuul, Geri iyo Xarla.
Dhinaca Soomaaliya, waxa iyana ku doodda inuu ka soo jeeday, Mareexaan, Jiidle, Karanle, Gareen, Dir iyo Sheekaal. Reerahan Soomaalida badankoodu waxa ay daliishanayaan inay ka mid ahaayeen askartii Axmed-guray oo lagu xusay buugga Futuux- Al-xabasha, sidaasi darteedna uu iyaga ka soo jeeday. Hasayeeshee dood kale oo cilmiyeysan may soo bandhigin. Oromadu waxa ay daliishaanayaan inuu Axmed-guray ku dhashay deegaanka koonfur kaga beegan Harar oo ay haatan degan yihiin, balse inay wakhtigaasi degi jireen dood ayaa ka taagan. Carabta ayaa sheegta inuu Axmed-guray ka tegay Yeman wakhtigii la jebiyey suldaan Sacaadadiin, oo uu reer Yeman ahaa.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Tixraacyo:
Cabdiqaadir Aromaโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆ.Tiirka Colaadda
Shihaabud-diiโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆFutuux- Al-xabasha (Turjumidii Aadan Xasan iyo Riiraash)
Prof. Ibraahin Siciidโฆโฆโฆโฆโฆ..Qoraal ku saabsan soo shaac-bixii Axmed-guray