Meherrada iyo masaajidda
Sidii bulshada soomaalidu u ilbaxday, sannadadan danbe waxaa dhacday in la hormariyo xafladihii meherka ee la qabin jiray. Waagii hore, soomaalidu geed baa ay isku waydiisan jireen haweenka, ka dib guryihii magaalada ay ka dhisteen, ka dib hudheellada laga cunteeyo, ugu danbayn baa ay u guureen Masaajidda.
Heerba heer intii la soo marayey, dadku dan iyo kharash yari baa ay u tagayeen meelahaas kala duwan ee aynu xusnay. Qaarkood baa u arkayey xarrago iyo ilbaxnimo lagu muujiyo haynta ninka iyo heerka uu taagan yahay. Balse taasi waxa ay xaqiiqada ka kaxaysay bulshada dhammideed oo ganacsi iyo khuraafaadba loogu tarsheegtay.
Iyadoo aan si dhab ah loo ogayn wixii ka raray hudheellada bulshada ee ku qasbay Masaajidda, haddana waxaa soo baxday inaan wax hawlyari ah aan laga korodhsan jeclaysigii Masaajidda oo noqday xarumo wadaaddada ka masuulka ahi ku masruuf iyo manfac raadsadaan. Masaajidda oo marka hore loo isticmaali jirey cibaadada iyo u khaalis noqoshada Eebbe ayaa iminka lagu soo kordhiyey casrigan dhawr wax oo ka duwan ujeedkaas hore, tusaale: meherrada, ka weerarka hadba ciddii ay wadaadka masuulka ka ah masjidka is hayaan, iwm.
Arrintan oo ugub ahi waxa ay horseedaysaa inaan sidii hore loo weynayn Masaajidda iyo wadaadka Ilaahay dartii horjoogaha uga ah masjidka. Maxaa yeelay, dadku waxa ay u arkayaan meel cibaadada Alle lagu oogo, haddana manfac iyo waxsoosaar laga sameeyo markii la doono.
Hargeysa oo aan ku noolahay, waxa jira Masaajid badan oo halkii xaflad ee meher ah laga qaado $150. Kaas oo loo qoondeeyo sida la sheegay $50 oo wadaadka meheriyaha ah iyo $100 oo nadaafadda iyo xaqul-masjidka ah. Sidaan wada ognahayna, wadaadka Masaajid tujiya, inanka eedaama iyo arrimaha nadaafaddaba waxa kharashkooda bixisa hay’ado khayriya, ganacsato ehlu khayr ah, ururro mutadawiciin ah iyo wasaaradda ku shuqulka leh ee Diinta iyo Aw-qaafta. Haddii laga tegi waayo, $50 in laga badiyo xaqul-masjidka ma ahayn, sababtoo ah, masjidku waa meesha u horreysa ee laga bilaabayo dhismaha bulshada, meesha u horraysa ee sadaqo iyo Ilaahay dartii wax loogula baxayo, meesha u horraysa ee laga dhisayo hoggaanka iyo akhlaaqda bulshada, iyo meesha u horraysa ee ay tahay in kharashaadka culayska ku ah dhallinyarada lagu dhimo.
Maanta maxaa dhacay haddaba?
Waxaa dhacday, in wadaadku ku xisaabtamo meherka masjidkuu masuulka ka yahay. Meher keliya maaha, laba mid maaha, saddex maaha, balse ugu yaraan shan ama lix meher waa ay ka dhacaan maalintii masaajiddaas. Waxa halhays u ah shuyuukhda inaan masjidka kaftan iyo isjalbeebin loo iman masjidka ee meher loo yimid, marka uu meherku fulana aan la sii joogjoogin ee kadinka la boobo. Isla wakhtigaas oo aan 10 mirir gaadhin, waxa xigaya mid kale, haddana mid kale, haddana mid kale. Toddobaadkii wadaadka siddeed meher qabta, ee $50 keligii u xaadira, saw lama hoyanayo usbuucaas $400? Bishiina $1,600 oo dollar. Xaggee laga helaa? Meherad uu u shaqo tago bishii intaas iyo u dhaw toona kama helo.
Sida aad wada aragtaan Masaajiddu hadday goobo dakhli noqoto, halkee baa ay bulshadu ku baxsanaysaa? Marka jeebkii dhallinyarada wadaadku baadho, dawladdu ay shaqo la’aan baddo, ganacsaduhu maciishadda ku dallaco, maxaa u naf ah mustaqbalkooda? Sidee loo noolaanayaa?
Wax walba waa innaga murugsan yihiin ee Eebbe jidka toosan ha ina tuso,malafsatadana ha innaga qabto.
Qalinkii: Cabdicasiis-Daacad Ibraahin
Qalin – Dhuux