Micnaha Magacyo iyo Meelo caan ah (WQ: Guuleed Cali Jabane)

 

  1. Bakaal: Cudur isha ku dhaca oo ay yeelato bar cad, Meeraha labaad oo qorraxda ku wareega oo u dhexeeya dhulka iyo dusaaga; xiddigta waaberi; waxaraxir, Qof lixaad weyn.
  2.  Bidde: nin la haysto oo aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqaysto.
  3. Biixi: Lafo dhaadheer oo adag.
  4.   Boobe:Nooc hubka mida oo si daran doori ah u dhaca ama cayayaan yar yar oo gala iniinyaha xabxabka iyo sisinta.
  5. Bootaan: Bus; habaas. Meel bus ama habaas leh.
  6. Bulxan: Cod naflay badani isku darto oo farxad iyo qosol leh.
  7. Cawil: Wax ku dhaafay ama lumay badalkood.
  8. Cawl:Midab casaan xigeen ah, Cawsha keeda lab ama ugaadha waaweyn jaad ka mid ah oo leh midab casaan xigeen ah, geesa dhaadheer iyo daba gaaban oo bogga cad.
  9. Cigaal:Xadhig dun madow ka samaysan oo cumaamada madaxa logu xejiyo ama tuuryo meel dheer ku dhacda.
  10. Cirro: Timo cadaaday oo madaxa iyo gadhka ka baxa.
  11. Deero: Jaad ugaadha ka mid ah, cawsha ka yar, dib gaaban, dhinacyada laba diillimood oo madow ku leh oo raxan-raxan isu raacda.
  12. Dogox: Qof wayd ah ama dhul godan oo carro jilicsan oo biyo qabatin leh.
  13. Duur: Meel geedo badan oo jiq ah oon cidi daganayn.
  14. Fadal: Raad noolo oo dhulka diisay ama qoday.
  15. Galaal: Diilin cad oo badhtanka madaxa idaha kaga taal, ama qof turub laga badiyay oo dambas iyo nuurad madaxa laga mariyay.
  16. Geenyo: Faras dheddig.
  17. Hawd: Dhul dhir dhaadheer oo cuur ah leh, buuro lahayn oo aan biyo badnayn.
  18. Jiciir: Midab ciiro casaan ku jiro leh.
  19. Koore: Shey badanaa harag la megdey ka sameysan oo la saaro fardaha iyo baqlaha, si marka la fuulo fadhigu raaxo u yeesho.
  20. Magool: Geedo caleen bixin xilli aan roob jirin
  21. Nacnac: Macmacaan yar oo udgoon oo caruurtu jeceshahay oo muud muudsato.
  22. Oog: Subaxnimo, Dab weyn oo sida badan loo shido in la isaga digo colaad, Calaamad cad oo ay lo’da qaarkeed wejiga ku yeelato.
  23. Oomaar: Kul badan, Ur ka dhalata cunto gubatay biyo la’aan awgeed.
  24. Qabo: Geed leh caano, qodxo iyo sooh wanaagsan oo weelka iyo alaabta laga samaysto.
  25. Qalax: Dhul dhagax badan oo oomane ah.
  26. Rakuub: Awr fuuli maad loo tababaray.
  27. Rayte: Silig shaqab ah oo sariiraha laga sameeyo ama midho kuuskuusan oo midhaha gobka ka yara weyn leh midab madow oo dharka lagu dhaqan jiray.
  28. Sabayse: Tuulo Ethiopia ku taal.
  29. Samsam: Biyo barakaysan oo ceel kacbada ku yaal laga helo.
  30. Sanaag: Dhul buuraley ah.
  31. Sandulle: Dalool sanka lo’da laga dalooliyo oo bir laga geliyo si xadhigga lagu hoggaaminayo loogu xidho, ama waxay noqotaa qasab ama xoog.
  32. Saylici: Ciyaar dhaqamed somalidu can ku tahay oo ciyaarto.
  33. Sifir: Isir: Ab ama waalid.
  34. Siilaanyo: Nooc xamaaratada yaryar ka mida.
  35. Solteco: Shirkad isgaadhsineed oo kacday.
  36. Sool: Hawd oommane ah.
  37. Surad: Geed faalala oo xooluhu daaqaan waxna lagu daaweeyo.
  38. Suudi: Kul aad u badan oo qorraxeed
  39. Taani: Qof laf iyo xoog leh.
  40. Wabar: Nin reer ama tol madax u ah, ama qof wanaagsan.
  41. Waris: Nooc ka mida dhirta ama dhoobo loo adeegsado si dharka loo midabeeyo.
  42. Waxar: Dhasha riyaha ama orgi yar.
  43. Xirsi: Warqad quraan ku qoran yahay oo la xidho oo balaayada xijaab ahaan looga qaato.
  44. Xujaale: Qof Had Iyo Jeer Xujo Keena.

 

Soo ururinta: Guuleed Cali Jabane

Xigasho: Qaamuuska Af-Soomaaliga (Cabdalla Cumar Mansuur, 2012).