Miyaa lagu danaystay Kevin McCarthy?

Golaha wakiilada ee dalka Maraykanka ayaa xilkii ka tuuray guddoomiyihii Golahaasi Kevin McCarthy taas oo noqotay taariikhda markii ugu horraysay ee xilka laga xayuubiyo afhayeenka aqalka hoose.

Ma Carthy oo ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga ayaa kalsoonidii ku waayey 216 xildhibaan kuwaas oo isugu jirey xisbigii uu ka tirsanaa iyo weliba xisbigii ka soo hor jeeday ee Dimuqraadiga.

Waxaase la yaab leh in McCarthy ay mooshin ka keeneen xubno la xisbiya isla markaana ka ag dhow madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump kuwaas oo ku eedeeyey in uu noqday daba dhilif u adeega xukuumadda madaxweyne Joe Biden ka dib markii uu 30 kii bishii hore uu si weyn ugu ololeeyey in la meel mariyo miisaaniyaddi bixinta mushaharka gaar ahaanna dhanka ciiddamada oo mucaaridku ay doonayeen in laga hor yimaaddo.

Sidoo kale xubnaha Dimuqraadiga ayaa ninkan ku tilmaamay in uu yahay mid aan lays ku hallayn karin oo is beddel badan.

Wuxuuna sidaa noqday hashii laba dhanba seegtay isaga oo haatanna Golaha xildhibaannada aan meelna ka soo gelin shir guddoonka.