Mooge Madaxtooyada Ayaa Maayir Ka Dhigtay W/Q: Cali Cabdi Coomay

Heshiiskii ay wada galeen labada guddoomiye Xisbi ee Waddani iyo Ucid wuxuu dhigayey in guddoomiyaha Baarlamaanka ay qaataan Waddani halka Ucidna uu qaato Maayarka Hargaysa. Wuxuu heshiiskaasi god ku riday damacii Mooge ee ahaa inuu 26 kun ee cod ee uu helay ay u goyso Maayir.ย  Muddo ayuu xisbigiisii Waddani war cad siin waayey oo uu meermeeriyey, taasina waxa ay keentay inuu shir jaraaโ€™id qabto oo uu madaxweynaha taageero weydiisto. Baaqiisii waxa markiiba ka jawaabay madaxweyne Biixi oo madaxtooyada ku qaabilay una sheegay in codka shicibka la tixgeliyo.

Labadii xisbi markay arkeen in Mooge u gacan galay madaxtooyadii ayey meesha ka saareen heshiiskoodii ay Ucid maayarka ku doonaysay ee ay ugu waday xildhibaan Cudhay. Sidaasi ayey madaxtooyadu Maayir uga dhigtay Mooge. Mooge waa nin dantiisa yaqaan, shirkii xisbigiisa Waddani wuxuu galay safar ujeedo uu ka lahaa oo uu kaga baaqsanayey shirweynihii Waddani. Markii uu soo dhammasaystay shirkii Iswiidhan wuxuu ku hakaday Dubaay, ilaa uu shirku ka dhammaanayey.

Maanta Maxaa Taagan hadda?

Ninba waa mare mus ma kula koray. Sannadkii 1896-kii dagaalkii Adwo talyaaniga ayaa si xun loogu jabiyey oo Itoobiya ayaa adkaatay, afartan sanno ayuu talaanigu soo tabaabushaysanayey, waxaanu 1936-kii soo qaaday dagaal aargoosi ah, oo Itoobiya siย  xun loogu jabiyey. Labadii xisbiย  mucaarid ee u heshiiyey inay maayirnimada dhaafiyaan ee dantu ku kalliftay inay aqbalaan markay madaxtooyadu u yeedhay ayaa doonaya inay isku dhuftaan maayarka iyo dawladda dhexe. Isna wuu iska gartay isaga oo dublamaasiyad ku daraya ayuu iska fogeeyey dhammaan talo kasta oo xanaf ku keenaysa wada shaqeynta dawladda dhexe. Wakhtigan wuxuu qaatay falsafad ah in aanu xisbina ku jirin ee uu shaqadiisa ku eekaado.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com