Mubaaragga Geeljiraha ah waa xisaabyahan takhasus ah (WQ: Ahmed Adam)

Saturday,
August 17,2019
Cambridge
MASSACHUSETTS
U.S.A
THE BOSTON GLOBE
Translated by: Ahmed Adam

Mubaarik Mohamoud waxa uu 100 geel ah ku raaci jiray tuulada Laasa Dacawo oo ay ku noolyihiin 20,000 oo qof kana tirsan gobolka Saaxil.

Mubaarik Aabihii ayaa ka codsaday wiilkiisa in uu iibinayo in ka mid ah geeliisa uuna rabo in wiilkiisa uu la tartamo dhalinyarada ka imanaysa qurbaha ee dharka quruxda badan iyaga oo xidhan baabuurta dheeraysa ku wata Caasimadda Hargeisa.

Mubaarik ayaa waxa uu u safray tuulada Abaarso isaga oo aabihii uu siiyey lacag ah $USD2,500.

Dhalinyaro ka yimid qurbaha ayaa usheegay in uu isaga noqdo tuuladii uu ka yimid, waayo bay yidhaahdeen anaga oo ku soo kornay Maraykanka ayaa uu noo diiday James Linville inaan ka mid noqono ardayda Abaarso School Science and Technology.
Mubaarak waa inan xishood badan waligiina muu arag magaalooyinka waaweyn ee Somaliland sida Hargeisa, Burco,iyo Borama iyo xitaa Berbera oo uu aabahii ka soo jeedo.
Ahmed Jambir iyo Jonathan Star ayaa waxa ay u sheegeen Mubarak in ay u ogolaadeen inuu ka mid noqdo ardayda Abaarso School, laakiin uu isku diyaariyo Imtixaanka ( Math 30 ) oo ah Xisaabta lagu dhigto ( Grade 12 ).
In ka yar 6 bilood waxa Katie Chlumska ay u sheegtay Jonathan Star in ay la yaabtay maskaxda Mubarik. Waxa ay u sheegtay Jonathan Star in Mubarak oo geel Jire ah uu wada xafiday Math 30!

Jonathan Star ayaa ay layaab ku noqotay,waayo waxa Math 30 ku dhacay arday badan oo ka timid qurbaha.

Joornaalada ka soo baxa magaalada Cambridge ee gobolka Massachussetts sida The Boston Globe,Boston Herald,Telegram and Gazette,The Patriot Ledger iyo Cambridge Chronicle ayaa ku soo qoray Bogooda hore:

(THÉ CAMEL HERDER MUBARAK IS A MATHEMATICIAN )
Oo macnaheeda ay tahay ( MUBAARAGGA GEEL JIRAHA AH WAA XISAABYAHAN TAKHASUS AH ).

Mubaarak hadda waxa uu ka soo qalin jabiyey MIT waxana ay siiyeen decree iyo MSc.Mubaarik waxa uu ka soo jeedaa Gobolka Saaxil ee Somaliland,waxana uu ka midyahay ardayda reer Somaliland ee Edna ay ku casuuntay in ay kula kulanto magaalada Toronto, marka Dr.Edna ay timaado magaalada Toronto September 1,2019.

Mubaarik Aabihii ayaa waxa lagu casuumay magaalada Cambridge ee gobolka Massachusetts si uu uga waramo sidii uu ku soo koriyey wiilkiisa Mubaarak.
Sidoo kale Jaaliyadda Somaliland ee Toronto ayaa Mubaarak u samaynaysa xaflad aad u balaadhan.

Image may contain: 1 person