Ka dib geeridii AUN Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Dalka waxaa madaxweyne ka noqday madaxweyne ku xigeenkiisii waqtigaas Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo loogu sii cumaamaday inuu madaxweyne dalka ka sii ahaado ilaa inta doorasho laga gaadhayo waqtiga ay dhacayso oo markaa ku beegnayd 14 april 2003.
Dorashadaasi waxaa tartamayay saddex Xisibi oo kala ahaa Udub, Kulmiye iyo Ucid oo ay markaa musharixiin ka ahaayeen Daahir Rayaale, Axmed siiraanyo iyo faysal cali waraabe. Kadib markay ka dhacaday doorashadaasi dalka waxaa ku guulaysatay inuu dalaka madaxweyne ka noqodo musharixii xisibiga Udub Md Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa madaxweynihii sida ku meel gaadhka ah loogu dhiibay dalka si uu doorosho u qabto.
Dawladaa Udub ee uu madaxweynaha ka ahaa Daahir Riyaale waxay ahayd dawladii ugu macaaradka adkayd waqtigii ay dalka ka talinaysay .
Sideed sanno oo uu madaxweyne ahaa Daahir Riyaale dalku waxa uu lahaa mucaarad aad u adag isla marakaana la xisaabtama dawladii waqtigaa jirtay ee Udub, mucaaradad ugu adage e lagu hayay dawladii Udub waxaa hormuud u ahaa Xisbiga Kulmiye oo markaa uu Guddomiye u ahaa Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo oo ka mid ahaa sarkiishii ugu sarsarysay jabahadii Snm oo uu ka gaadhay inuu noqodo Guddomiyaha Snm.
madaama uu ahaa Axmed Siiraanyo guddomiyihii saddexaad ee Snm isla markaan uu dalka usoo halgamay waqtigii dib u xoraynta wuxuu aamin sanaa inuu xaq uleeyahay inuu madaxweyne ka noqodo Somaliland.
waxa ugu badan ee ay ku macaaridi jireen sarkiishii sare ee Xisbiga Kulmiye madaxweynihii waqtigaas ee Daahir Rayaale inuu la shaqyan jirey waqtigii hore dawaldii dhexe ee somaliya isla markaana uu ka soo horjeeday halgankii Snm.
Daahir Riyaale wuxuu ahaa madaxweynihii ugu samirka badnaa una dulqaatey mucaaradadii Kulmiye iyo warbaahintii waqtigaas oo xataa gaadhay in wax laga sheego Naftiisa, Xaaskiisa iyo Qoyskiisa.
mucaaradadii lagu hayay dawladii udub waxay sababtay in warbaahintu 80% (boqolkiiba sideedtan) ay ka soo horjeestaan dawlada oo ay la shaqeeyaan xisbiyada mucaaradka, warbaahintii waqtigaa aadka loo akharisan jiray waxaa ugu badnaa jaraaidad dhamaantood waxay si cad ula shaqayn jireen xisbiyadda mucaaradka gaar ahaan xisbigii markaa ugu cadcadaa ee Kulmiye.
Kadib doorashadii dalka ka dhacaday 26 june 2010 ee uu ku guulaystay xisibiga talada dalka haya ee Kulmiye oo markaa musharax u ahaa madxweynihii waqtigaas gulaystay Md Axmed Maxamuud Siiraanyo waxaa aad hoos u dhaca wayni ku dhacay mucaaradadii la filyay in lagula kaco dawlada Kulmiye. Axmed siiranyo wuxuu magaacabay oo uu ku soo daray xubnihii dawladiisa mulkiilayaashii warbaahinta gaar ahaan kuwii wargayaysayada oo mucaaradad ugu adag ku hayay dawladii Udub.
Xukuumadii kulmiye ee waqtigaasi xisbiga kaliyaata ee uu iska ilaalinayayeen wuxuu ahaa Xisbigii Udub ee ay talada kala wareegeen , si ay taa ugu badbadaan waxaa khilaaf la kala dhex dhigay sarkiishii sarsare xisbiga Udub halka qaar ka mid ah loo sameeyay ballanqaad gaadhsiisan heer Wasiirnimo hadii ay baabiyaan xisbigii asaasay Dimuqraadiyadda Somaliland ee Udub ugu danbayntiina waxaa la furay ururadii 2012 halkaas oo aanu ka soo gudbin Xisbigii Udub.
Ka dib markii ururadii la furay waxaa darajada Xisbinimadda usoo gudbay saddex Xisbi oo kala ahaa Kulmiye, Ucid iyo Waddani.
Xisbiga Kulmiye waxaa guddomiye ka ahaa waqtigaa Muuse Biixi Cabdi madaxweynha Somaliland ee imika.
Xisbiga Ucidna Waxaa guddomiye u ahaa Faysal Cali Waraabe oo ahaa markaa musharixii labada goor ku guuldaraysatay inuu ku soo baxo doorashooyinkii dalka laga qabtay.
Xisbiga Waddani waxaa markaa guddomiye ka ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ahaa guddomiyihii baarlamaanka Somaliland ee waqtigaasa.
Madaama ay xisbiyadii ku milmeen dawladii oo ay qaar koodna ay haystaan oo ay maamulaan waax ka mid ah dawlada waxaa si toos ah meesha uga dhex baxay doorkii mucaaradka.
Ugu danbayntii dawaldii uu maxdaxweynaha ka ahaa Axmed Maxamuud Siiraanyo waxay waqtigeeda dhamaystay iyadoon la kulmin mucaaradad adag.
Xisbiga Kulmiye Dec 2017 markii uu mar labaad talada dalka ku guulaystay kaas oo uu madaxweyne ka noqday Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweyne Muuse waxa uu ahaa nin askri ah marka tariikhdiisa dib loo raaco sababta ugu weyn ee loo doortay waxaa ugu weynaa in loo arkayay inuu soo nolaynyayo nidaamkii dawladnimada sharcigana ku dhaqmayo madaama uu ku olalaynyay halku dhig ahaa
‘’Sharcigaa sareeynaya’’ wallow kalmadaa uu ku helay ee ahaa inuu sharcigu saraynayo ay madmadow badan ku jiro.
Madaxweyne Muuse Biixi intii uu xilka hayay waxa uu ka takhaluusay in wax mucaarad ahi dalka ka shaqeeyo ama uu arko wax dawladiisa ka soo horjeeda wallow ay xisbiyo shaqynayeen haddana waxay yihiin qaar magac u yaala ah.
Xisbiyadda mucaadadka ee Somaliland waa kuwii ay argtidoodu ahay muddo laba sanno ah in komishanka la badalo iyagoo goaanka ay labada sanno ju hortaagnayeen in doorasho dalka ka dhacado ay ku ogoladeen waxa ka yar maalmo in la soo celiyo ka dib markii ay haddana biyo diideen komishankii cusbaa ee ay doonayeen.
Mucaaradadii lagu hayay waqtigii daahir Rayaale haddii ay maanta oo uu Somaliland madaxweyne ka yahay Muuse Biixi Cabadi ay ka jiri lahayd oo ay hataa mucaaradad lagu hayaa ay gaadhi lahayd in in waxa laga sheego Naftiisa, Xaaskiisa iyo qoyskiisa, taas oo warbaahinta la soo marinayo sidii waagi Madaxweyne Daahir Rayaale taasi waxay sababi lahayd inuu iskaga taggo ama is casilo oo iskaga taggo xilka uu dalka ka hayo madaama oo uu madaxweyne Muuse Biixi ka dulqaad yaryahay madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin.
Ugu danbayntii Madaxweynaha Somaliland ee waqtigan Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu noqday madxweynihii ugu nasiibka badnaa abid ee soo mara dalka isagoo bilaa mucaarad ah.
W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine