Wasiir sheegay in Coronavirus uu la mid yahay xaaska sidaa awgeed ay tahay in sida xaaska loola noolaado

Wasiir sheegay in Coronavirus uu ka mid yahay xaaska sidaa awgeed ay tahay in sida xaaska loola noolaado

Wasiir Karoona-Fayras ku tilmaamay in uu xaaska oo kale yahay ayaa buuq ka abuuray dalka Indooniisiya.

Wasiirka Amniga ee dalka Indonesia mudane Maxamed Maxfuud ayaa muuqaal lagu faafiyey barta Youtube ka waxa uu ku yidhi, “Coronavirus ku waa sida xaaskaaga oo kale. Bilowga hore waxa aad isku dayeysaa in aad ka adkaato, laakiin muddo kaddib waxa aad ogaanaysaa in aanad ka adkaan Karin. Markaas kaddib ayaad bilaabaysaa in aad barato sida aad ula noolaan karto.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in hadalkan uu ka soo xigtay wasiirka hawlaha badda iyo maalgashiga oo isaga si gaar ah ugu sheegay.

 

Wasiirka amnigu waxa uu dhaliilayey qorshaha ah in bandoo muddo dheer ah lagu jiro si loo xakameeyo coronavirus ka, maadaama oo uu aaminsanyahay in Coronavirus aanay cidi ka adkaan Karin, balse lala noolaan karo. Waana halkaas halka uu xaaska tusaalaha ugu sooqaatay, isaga oo intaas ku sii daray, “Weligeen ma is qarin ayaa aynu ku jiraynaa?! .. waa in aynu xaaladda la qabsannaa, feejignaanna la nimaadnaa”

 

Hadalka wasiirka waxaa jawaabo cadho leh ka bixiyey ururrada xuquuqda haweenka u dhaqdhaqaaqa. Jimciyadda garabsiinta haweenka oo ah urur ka jira dalkaas ayaa warmurtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in ku kaftamidda arrimaha haweenku ay sii dhiirrigelinayaan gacanka hadalka lagula kaco.