Mucjisooyinka Maraykanka ka dhaca! (WQ: Abdifatah Sh. Nouh Jaamac “Suldaanka”)

Waxay ahaayeen saaxiibo rumaad oo dhib iyo dheefba wadaaga, saaxiibtinimo ku dhisan kalsooni iyo farxad joogto ah .

Walow saaxiibtinimada dumarku ay tahay mid aan abidkeed waarin sida ta ragga oo ay hore Soomaalidii hore ugu maah-maahday ‘’ Saaxiib dumar waa bishoo saddexa.’’

Haddana labaddan haween ee reer Maraykan waxay ahaayeen laba saaxiib oo is dhaarsaday, heerka ay gaadhay saaxiibtinimadoodu ayaan ahayn mid ereyo lagu cabiro karo.

Maxaa dhacay haddaba?!

Todobaadkii dhawayd ayay dhacday mucjiso aan marnaba laga filayn laba saaxiibo ah oo sidaa isku dhaw.

Mid ka mid ah labada dumara ayaa uur lahayd, laakiin isla saaxiibadeed ayaa iyaduna u sheegtay inay uur leedahay oo ay isku mar dhali doonaan ama in yar ka danbayn doonto ta kale.

Hadda mid ka mid ah ayaa dhashay, ilmahaa yar ee quruxda baddan ee 21 cisho jira ayay aduunka keentay, wuxuu ahaa ilmihii labaad ee ay dunnida keento.

Farxad iyo badhaadhe ayay ku jirtay,maalmihii foosha ee ay dhalaysay waxaa loo ogolaa inay qolka la galaan 3 qof oo eheladeeda ahi.Nasiib wanaag gabadhan dhalaysay waxay soo codsatay inay saaxiibadeed ka mid noqoto dadka ku wehelinaya qolka dhalmada ee haweenka.

Hadda maanta ayay casuumad u samaysay saaxiibadeed iyo ilmaheedii yaraa ee 21 cisho jiray.

Nasiib darro illaa hadda waxaa la laayahay hooyadii ilmaha dhashay iyo wiilkeedii.Aabaha sawirka ka muuqda ayaa aad loo tuhmayay oo baadhis baddan lagu hayay maadaama oo la waayay hooyadaa iyo ilmaheediiba.

Wiig ka bacdi ayaa la baadhay sakada ay daganayn gabadhan dhimatay, mid ka mid ah aydii wax baadhaysay ayaa dhawr jeer uriyay gaadhi meesha yaalay, ugu danbayntii waxaa lagu qancay in la baadho gaadhigan uu aygu dhawrka jeer ku wareegay , waxayna u eegtahay inuu wax uriyay.

Hadda gaadhigii ayaa la furay, waxaa imika la furay qaybta danbe ee gaadhiga ee alaabaha lagu gurto, bal qiyaas cidda ku jirta, nasiib darro waxaa dhex taala hooyadii dhashay ilmaha 21 cisho jira oo mayda oo la dilay, ka dibna halkaas lagu qariyay.

Isla daqiiqadii ku xigtay ayaa gurigii saaxiibadeed baadhis lagu sameeyay, mise waaba ilmihii yaraa oo ay dhabta ku haysato.

Dilka gabadhaas waxaa ka danbaysay saaxiibadeedii ay adduunka ugu jeclayd, uurkii ay u sheegtay inay lahayd saaxiibadeeda ay dishay been ayuu ahaa, waxayna shaw u sii matalaysay filimka si aan hadhow looga shakiyin oo loo yidhaa iyana way dhashay.

Maxkamadda ayaa u balansan todobaadkan, gabadha wax dishay waa gabadha xidhan koodhka cas , gabadha ilmaha dhashay ee la dilayna waa gabadhaa ilmaheeda yar dhabta ku haysa, ilmihii yaraa ee 21 cisho jiray maanta ayaa Aabihii dib loogu celiyay sidda sawirka idiinka muuqata.

Talow yaa la aaminaa sannadkan ? Gabadh kastaa dib ha ugu noqoto saaxiibtinamada ay la leedahay haweenka dhigeedaa, samankan danbe way adagtahay in cid la aamino, saaxiibkaaga koowaad ama saaxiibkaaga rumaad ayaana wadkaaga noqon kara , aadna uga fiirsada cidaad saaxiib ka dhiganaysaan dumar iyo ragowba.

Mucjisadani waxay todobaadkan haysatay guud ahaanba dunnida, gaar ahaana waddanka Maraykanka.
Image may contain: 1 person, smiling, closeupImage may contain: one or more people and closeupImage may contain: 1 person, closeupImage may contain: 1 person, smiling, closeup and text