Tani waa nolol iyo horumar, guud ahaan geyiga Somaliland, gaar ahaana gobolka Saaxil aad ayaan u soo dhawaynayaa una hanbalyaynayaa xubnaha golaha baarlamaanka jamhuuriyada Somaliland mucaarad iyo muxaafadba ee uu maanta Eebe solansiiyey in ay u codeeyaan jiritaanka ama ahaanshaha heshiiska D.P.World iyo xukuumada jamhuuriyada Somaliland, waxaan leeyahay waad hiiliseen, waxaanad u hiiliseen dadka iyo dalka waxaa lagu jiray xaalad xidhxidhan oo haddii ay sii socoto guuldaro ku danbayn lahayd, waxaad u hiiliseen shacab iyo dal ay sheegato xukuumad taag daran oo ugu soo gabato midnimo gabalkjeedii dhacay kadib burburkii dowladii lagu midaysnaa ee 1991kii, laakiin dhismaysa maalinba maalinta ka danbaysana qaran u soo ekaanaysa taasoo hadii aan la helin heeshiisyo caalami oo aynu galno sida kan iyo kii sishalis iyo qaar kaleba ama aynaan abuuran dhaqaale aynu kaga kaaftoono midaw dhinacooda ah, ay fududahay inay daadxoortu xagooda ay inoo qaado,taasna waxaa inagu jajuubi kara baahi uu dadkeena qaarkii uu xagooda ula dalan doolo sida ay hadaba ay qaar ay ugu dooleen, dhaqaaluhu waa muhiim tanina waa talaabo xaga isku filaanshaha hore loogu qaaday,waa Illaahay mahadii,waase garawshiinyo garwaaqsigiinu abaalna way idiin tahay dhamaantiin ku maqnaa, mid codeeyey iyo ku aan codaynba, taariikhduna baal dahaba ayay idinku qori doontaa.
Laba jibaar iyo badh ayaad mudo dhaaf ku tihiin kuraasida golaha wakiilada ee aad fadhidaan, balse mudadaa caawa waxaan kaga gam’ayaa mashruucan hibitiqaya ee aad dadka iyo dalka aad u ansixiseen, waa qaranimo bilowgeed iyo qurux astaanteed,waa bilic camuumta qaranka waxaan caawa soo xusuustay weedhii qaaliga ahayd ee reer Somaliland:
โDalkeena nimcaa fadhida.โ
Allaylehe haduunbay nimco soo fadhiisan doontaa, waxaa camirmi doonta Berbera waxayna noqon doontaa berisamaad siday ahayd, waxaa soo degi doona dad kala midab ah,kala sinji ah, kala diin ah, laakiin dhammaantood wada ganacsadayaal ah, dadka reer Berbera way ka sheegnaan doonaan dadka intiisa kale, ma noqon doonaan reer hebel, waxaasey noqon doonaan Berberaawiyiin, saasay ahaan jireen.
Waxa ka abuurmi doonta shaqooyin nooc walba leh oo reer Berbera iyo dadka kaleba kafayn doona, waxa abuurmi doona fursado ganacsi iyo kuwa shaqaale intaba, adduunyadaa ina soo eegi doona inana xagoodaynu eegi doonaa, dhammaantooda waa libin ay tahay in aynu ku faro adaygno nimcadaa Illaahay kadinka inooga soo geshay, kuma sii dheeraanayo qoraalkaygan oo aan u bilaabay in aan ku muujiyo farxadayda maanta isaaqday kadib markii loo codeeyey mashruucaa aadka u qaaliga ah ee Berbera iyo in aan idhaahdo hanbalyo hanbalyo hanbalyo golaha qaranka ee wakiilada jamhuuriyada Somaliland waad mahadsan tihiin kun iyo kow jeer.
Waxaanse leeyaha y Alxamdu lilaah Allaha idin solonsiiyey Eebow khayrkeeda na sii sher haddii ay leedahayna naga hay, wixii wanaaga nagu kaalmee, wixii shara ee ay wadatona naga deyr, adigu na ilaali Allow
Waa bilaahi towfiiq
Qalinkii ย Maxamed Yaasiin Maxamed